July 29, 2009 · 5 Comments
Hargeysa (SOmalilandpress)- Ciidamada amniga Somaliland ayaa galabta abaara 6:30 galabnimo albaabada u laabay Telefiishanka madaxabanaan ee Horn Cable TV Xaruntiisa Hargeysa.
Ciidamadan ayaa iyagu hore u soo xidhay xafiiska iibka iyo suuq-gaynta Telefiishanka.
Waxa kale oo ay ciidamadani ay tageen xaruntii baahinta ee Telefiishanka oo isagu ku yaala duleedka magaalada, kuwaasoo sheegay in lagu soo amray inay albaabada u soo xidhaan, hase yeeshee, dood iyo hadal badan oo dhex-maray Madaxa wararka iyo hawl-wadeenadii telefiishanka joogay ee goobtaa ku sugnaa, ka dib, ayaa waxay khasab ku kaxeeyeen madaxa wararka ee HCTV, Mr, Maxamed Cabdi (Ilig).
Inkasta oo ay wateen Hal baabuur oo kuwa booliska ah, isla-markaana ay ahaayeen tiro kooban, ayaa hadana waxay is-gaadhsiinta ay haysteen kaga dalbanayeen saraakiisha sare ee Booliska ee iyagu soo diray in loo keeno ciidamo dheeraad ah, si loo joojiyo hawl-maalmeedka warbaahineed ee ka socotay xaruntaas.
Inkasta oo aanay sidan ciidankani qoraalo cadaynaya xayiraada TV-ga, balse Askartan Booliska ah waxa ka muuqatay cadho badan, una muuqday rag soo balamiyay, ayaa ku dhawaaqayay inay ka go’an tahay inay albaabada u xidhaan xaruntan TV-ga caalamig ah ee Horn Cable TV.
Dhinaca Warbaahinta, Waxa wakhtigaas xarunta HCTV, goob joog ku ahaa weriyeyaasha Jamhuuriya, Maxamed-Cirro, Togdheernews, Keyse Axmed Digaale iyo Somalilandpress Cabdiqani Xuseen Baynax.
Source: Somalilandpress
Email this story
By Abdiqani
unbeleivable news! how dare? after all that Somaliland have been through, I cannot beleive Riyaale just can lock anyone he wants without concrete case or proof!
Waa wax laga naxo dhibaatada dawladu kuhayso warbaahinta madaxa banaan ee kajirta dalka gudihiisa. Waxa wiigii hore lasiidayay laba wariyo oo cadaalad daro ugu xidhnaa 7 cisho xarunta CIDda. Tani waxay marlabaad xoojinaysaa in ay dhabtahay warbixintii ay soo saartay yada Human Right Watch ee cadaysay in Somaliland kamid tahay wadamada ugu horeeya ee kuxadgudba xuquuqda bani-aadamka.
Waxani maaha wax loodulqaankaro, waa inaynu kaxumaana, dhaleecaynaa xadgudubyadan kadhanka ah ee lagu hayo Saxafada madaxa banaan iyo Suxufiyiinteenaba. Tani waxay marlaabaad ina xusuusinaysaa maalmihii madooba ee ay soo mareen dadkeenu, kuwaas oo cadaalad daro looxidhijiray, lana dilijiray.
Farhan(oday)
Hargeisa, Somaliland
waa wax laga xishoodo in wakaalad dhan albaabada loolaabo manaan naan arag wax sidaas ookale looxid waxaan umalay in tan dawada ahi ay mid wax tarkeeda saxaafad iyo tvda oo ay xidhaan ayna islayaabayn oonay sharcina wax ku xidhay eey soo xidha uun ay odhanayaan miyaan lahayn sharci iyo kala dan bayn waa maxay sidani waa batii aynu odhan jirnay waa digteer ookale .
sidan wax haka badasho oo hala siidaayo madaxda HCTV haddii kale waynu is naqaanaa reer somaliland .hadaan arinkaa sidhakso ah wax looga qaban waayo.
hanoolaato saxaafada horta ahi waxan unoqon mayso waxaas ookale waana lasiiwadi doonaa in dadka runta loosheego iyo xaqaa iqa jira.
Saxaafadu waa laf-dhabarta xoriyada, dawladu wey ku qaldantahay in ay TV-Gan xidho. Fadlan dawladey deg deg xoriyadooda ugu celiya HCTV iyo Horyaal. kana waantooba cabudhinta wargeysayada maxa banaan.
Alla Mahadleh.
Don't forget Riyale is from the old school.! This is his true profession and he is good at it.