Somaliland

Xaalada Waxbarashada Sare ee Somaliland

February 12, 2010   ·   5 Comments

HARGEISA, 12 February 2010 (Somalilandpress) – Somaliland waa dal xasiloon 19-kii sano ee ugu danbeeyey, waxa laga hirgaliyey qaybo ka mid ah waxbarashada hoose, dhexe iyo sareba. Haddaba waxa iswaydiin mudan waa sidee xaalada dhabta ah ee Waxbarashada sare ama heer jaamacadeed ee ka jirta Dalka Somaliland? mise leedahay guddi [commission] u gaar ah tafatiradeeda iyo kobcinteeda?. Dawladu ma awoodaa oo kor ma u qaadi kartaa?, dhamaan waxaan isku dayi doonaa in aan faaqidno su’aalahan iyo kuwa lamidka si aynu u toosino cida ka masuulka ah ee xilka gaarka ahi ka saaran yahay.

Jaamacada Hargeisa, waxay ku taalaa Caasimada Hargeisa, waxayna ka mid tahay labada Jaamacadood ee ugu weyn Somaliland, haddana maaha jaamacad si buuxda uga shaqaysa horumarka iyo kobaca Somaliland, waa jaamacad si uga madax banaan maamulka dawlada.

Haddana dawladu korka ka Ilaashato marka loo eego Jaamacadaha kale. Haddaba waxa iswaydiin leh maxuu maamulka dawladu ugu xilsaari waayey Xafiis u gaar ah waxbarashada heerka sare [Jaamacadeed]?. way ku adkaatay Wasaarada waxbarashadu inay wax ku kordhiso, kormeerto kana warhayso horumarka Jaamacadaha: Tusaale ahaan, marka horumar wadan laga hadlayo waxa ugu muhiimsan waxsoosaarka dalka uu leeyahay, taana waxa lagu kasban karaa in aqoonteedii la helo. Dhulkeenu waxa uu qani ku yahay saddex shay, 1. Xoolaha Nool. 2. Qodaalka [waxbeerashad] 3. Kalluunka.

1. Cilmiga Xoolaha [Veternary]. Jaamacadaha Soomaliland gaar ahaan Jaamacadaha dawlada hoos yimaada way ku guuldaraysteen wayna ka gaabiyeen keenista iyo kobcinta heerka waxbarasho ee la xidhiidha kuna taxaluqda Xoolaha [veterinary], taasina waxay ina dhaxalsiisay hoos u dhac badan oo ku yimaada xoolaheena, iyo sayladaha adduunka oo markasta looga xidho baqdin laga qabo caafimaadkooda. Wasaaradaha u qaabilsan waxbarashada iyo Wasaarada xoolahuna marna lagama maqlo baahiyahaa dalku u ciilan yahay ee dhinaca waxbarashada Veternary-ga.

2. Qodaalka [waxbeerashada], qodaalku ama beerashadu waa u muhim dawlada kasta oo ka jirta caalamkan, kuwa soo koraya iyo kuwa horumarayba, waana waxa kali ah ee lagaga maarmo in dibada raashin lacag badan ku fadhiya laga soo dhoofsado. Wadanka maraykanka waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee beerta isla sidoo kale iibgeeya noocayada kala duwan ee midhaha oo uu ka mid tahay Galayda. Itoobiya waxa ugu badan ee dakhligu ka soo galo waa beerahaheeda oo ay ka ka baxaan Bunka ugu badan ee aduunka laga beero iyo Jaadka oo loo iibgeeyo meel kasta oo Somali joogta, qaarad kasta oo adduunka ah.

Haddaba Maamulka dawlada u xilsaaran waxbarashu wuu ka gaabiyey arinka isaga ah mana jiro jaamacad bixisa takhakhusaadka kale duwan ee cilmiga beeraha [Agricultural Studies]. Taasi oo inoo horseeday in aynu intifaac badan beeran kari wayno, welina ma arag dawlada ama cid kale oo ka hadlaya dhibkaa weyn.

3. Kalluumaysiga [Fishing], Kalluunka oo aynaan aqoon badan u lahayn ayaa ah cuntooyinka ugu qaalisan ee aduunka Jira, waana ganacsi xoogan oo laga faaiidaysan karo marka la helo aqoonteeda, haddan Dalkeena Somaliland waxa haysata dhib badan oo uu ka mid yahay aqoon la’aanta ka haysata dalka sidii looga ganacsi lahaa, looguna iib gayn lahaa gudaha iyo dibeda dalka, halkaasi oo aynu ka heli lahayn dakhli badan sida, hadii aan dibeda u iibgayno waxa dalka ka soo gali lahaa lacag badan, sidoo kale hadii lagu iibiyo dalka gudihiisa waxa laga maarmi lahaa Kalluunka tayadiisu hoosayso ee dibadaha inooga yimaada isagoo qasacadaysan ama ku jiro Daasado. Helitaanka taas waxa ka hortaagan shacabka Somaliland fahmi la’aan ay fahmi laayihiin aqoonteedii iyo Jamacadaha oo ka gaabsaday aqoonteedii.

Waxaan ku soo ururinayaa in dawlada hanaan cusub u dajiso aqoonta sare ee Jaamacada oo lagu soo daro waxyaabaha uu dalku u baahan yahay ee udub dhexaadka u ah, waa ku ceeb dal dhan oo jira oon lahay waxbarashadii aasaasiga ahayd, waxa la mid tahay Guri weyn oo Villa ah oo bilaa suuli ah, marka aanu wadanku lahayn aqoonta aasaasiga ah sida, Cilmiga Beeraha, Cilmiga Xoolaha iyo aqoonta Kalluumaysigaba.

Dawladda aad ayaanu ugu dhaliilaynaa arinkaa isaga ah ee ay ka gaabsatay, xusbiyada mucaaridkuna may xasuusan inay ku toosiyaan oo ay u sheegaan cida ay khusayso arinka, hadii ay dawlada ku dheleecayn lahayeen laga yaabi lahaa in ay hore u bilaabi lahaayeen taasi oo dalka u noqon lahayd faaiido badan, yaynaan moogaan dhaliisha, dhaliiso waa nooc ka mid ah isa sixida iyo istoosinta.

Dawladana waxaan u soo jeedinaynaa in ay wax ka qabata waxbarshada aasaasiga ah ee aan ku soo sheegnay iyo in ay tayo badan u samayso waxbarashada heerka sare ama jaamacadeed, dhamaan wadamada aduunka waxay leeyihiin commission u gaar ah waxbasarashadaa iyo hurmarintiisa, markaa hadii wasaarada waxbarashadu waxba ka qaban kari wayday si gaar ah ha loo maamulo, xafiis gaar ahna ha loo furo.

Khadar Dahir Abdi
khadiir@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (5)

  1. Cabdirisaaq says:

    kkhadra thanks
    geesi baad tahay feker wacan
    aadan13@gmail.com
    gudoomiyaha golaha dhaqaalayahanka somaliland ee SURE

     Reply
  2. Elmi says:

    Somaliland needs more vet dovtors since 70% of our GDP comes from exporting livestocks. Wish we concentrate more on fishing

     Reply
  3. Khadar Dahir says:

    Thanks Abdirisaq and Elmi. u r more thanks.

     Reply
  4. bismilahi awalan.
    khadar dahir horta sida aan ognahayba wadankeena dhib waynbaa kajira
    marka la eego hannaanka waxbarasho ee hoose,dhexe,iyo sareba.
    haddana marka labarbardhigo somalida kale sida koonfurta oo kale
    waxaynu haysanaa waxuu noqonayaaa wax wanaagsan run ahaan.

    laakiin xaqiiq ahaan maamulka meesha hayaa siyaasadihiisa kuwajahan
    arrimaha wadanka cumuuman khaasatan arrimaha bulshadu waa mugdi
    masalan wasiiradiisa xilalka kahaya boosaska kala duwan majiro mid si
    fiican ubuuxinya hawsha iyo khibrada ay ubaahantahy wasaarada uu joogo
    sida wasiirka waxbarashadu malaha aqoonsare oo soo kordhinta waxcusub
    islmarkaana garankarta habsi usocodka heerka waxbarsho.

    kunadarsoo wadanka sland ah malaha wasaarad ugaara tacliinta sare
    sida wadamada kale markaa sxbow wadanka ardaydada uunbaa
    daaadasheee maaamulku waxwara uu kahayaa majirto waxkaliya oo ay
    kufaanaan waxa uuyhay anual national examinations-ka oo ay sanadkii
    mar ay yidhaahdaaan intaasaa oo ardaybaa baxday.

    ugu danbayn maaamul yaaan waxba laga sugin ee dhalinyaradu
    isked ha udadaaasho sxb.
    nabadeeeeeeeeey.

     Reply
  5. Khadar Dahir says:

    Waa Sidaas Abdirisaqaw, inshallah gacmaheena ayeynu wax ku qabsan.

     Reply