Somaliland

Weriye ilig oo la Sii Daayay iyo Xaruntii Horn Cable TV oo wali Iriduhu u laaban yihiin

July 30, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Xukuumada Somaliland ayaa xoriyadiisii u celisay Madaxii wararka ee Telefiishanka Madaxa banaan ee Horn Cable, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig).

Suxufigan oo ay shalay ciidamada Boolisku ka soo qabteen Xarunta war laliska iyo baahinta ee TV-ga isaga oo wakhtigaas ku jiray hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxaana ilaa shalay lagu hayay Saldhiga New Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa weli xidhan Xaruntii baahinta ee TV-ga iyo waliba xafiiskii maamulka iyo suuq-gaynta.
Sidoo kale, suxufiyiintii Radio Horyaal iyaa iyaguna wali ku xidhan xarunta baadhista Dambiyada  (CID-da) magaalada Hargeysa.

Xukuumada Somaliland ayaa beryahan caadaysatay talaabooyin ay ku cabudhinayso saxaafada, isla-markaana ay suxufiyiinta xoriyadooda meel kaga dhacayso. Maaha dhacdo cusub inay la xidho suxufi shaqadiisa ku guda jiranay, oo gudana waajibkiisa dastuuriya, hase yeeshee waa talaabadii koowaad ee ay xukuumadu ku xidho Xarunta warbaahineed, ka dib markii ay albaabada u laabtay Xarunta war-lalinta iyo baahinta, iyo waliba xafiiskii maamulka iyo suuqgaynta.

Source: Somalilandpress

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)