December 28, 2009 · 4 Comments
Weftigii uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya ee booqashada ku joogay dalka ayaa galabta ka duulay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Weftigan oo booqashadoodu qaadatay Muddo 7 maalmood ah, safari indho-indhayn iyo xaqiiqo-raadis ahna ku soo maray gobollada, Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sool ayaa ka hor intii aanay u duulin Nairobi waxa sii sagootiyay Gudoomiyaha Baaralamanka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], labadiisa ku xigeen iyo Wasiirada Maaliyada iyo Ganacasiga Md Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Md Abiib Xasan Filfil.
Hor-kacaha weftigan, Md Faarax Macalin oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa aad ugu dheeraaday sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa uu ku yimid Somaliland iyo sidii xukumad, Goleyaal, Asxaab, Shacab ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka isagaiyo xubnaha ku wehelinayey socdaalkiisa. Waxaana uu aad u ammaanay nabadgelyada, horumarka, koboca dhaqaalaha iyo is-dhex-galka bulshada noocyadeeda kala duwan isaga oo muujiyay sida uu ula dhacsan yahay masaafada dheer ee uu socdaalay iyo sida aanu ula kulmin wax nabadgelyo darro iyo cabsi ah. waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ku nool yihiin in ka badan 300 kun oo Qaxoonti ah, sidaa daraadeed ay mudan tahay in beesha caalamku taageerto waxna la qabato, waxaana uu balan-qaaday in maadaama wadankiisa Kiiniya yahay xarunta Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Geeska Afrika ku sugan yihiin inuu fariin adag u gudbin doono iyo inuu u bandhigi doono waxyaalaha Somaliland qabsatay Baaralamanka uu madaxda yahay iyo wadanka uu ka yimiba.
Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland ayaa isaguna ka codsaday inay Somaliland ka gudbiyaan farriin xambaarsan dhinaca wanaagsan oo aanay daaha-dabiisa dhigin xaqiiqada ay indhahooda ku arkaan si ay fadhitaar ugu noqoto fariintooda dedaalka ictiraaf-raadinta ay Somaliland muddada dheer raad-goobaysay.
Email this story
By Abdiqani
Kenya wants to relocate Somali refugees in Dabaab and other camps in Kenya to Somaliland and this is unacceptable our country is not a dumping ground we already have thousands 250,000 Somalis in SL we need to deal with unless these other countries recognise Somaliland as an independent country SL should not take in anymore refugees from Somalia I'll go as far as saying return the ones in SL to Somalia or Kenya
waan ku tagersaney walalkey warfa.
somaliland uma bahna in qaxonti la keno waxayse ubahantay in waxlala qabto.
kiiniya dawlada kumeelgadhaka somaliya ayay dilaal u tahay mana rabto somailland ee basasnimada ha inaga dayan qaxoonti intaynu oromo hayno ee aan waxba laynagu siin waan ka warqabna dalkenana dhibato ku haya
Deeqow walaal oromada waxaa ka sii daran oo ka badan kuwan koonfurta somalia ka yimaada ee inagu soo qaxey sida ayaxa hargysa iyo burco wey qarqiyeen dhako xunto
somaliland country is eligible to visit international delegation to see the development takes places and strong democracy for somaliand country and I hope during 2010 somaliland well get international recognized for the world