December 30, 2009 · 2 Comments
Hargeysa-(Somalilandpress.com)- Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa ku eedeeyay xisbiyada Mucaaradka ah inay xaallad iska hor keen beeleed ah oo xasaasiya ka abuurayaan Gobolka Awdal, isla-markaana daba ka riixayeen odayaal reer Boorame ah oo isku dayay inay tagaan Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin, balse ay xukuummadu iska hortaagtay booqashadoodaas.
Wasiirka Dalxiisku oo ka hadlayay jasiiradahan la sheegay inay xukuumada uu ka tirsan yahay ka iibisay dawlada Jabuuti, ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada Somalilandpress. warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan;
“Waxa had iyo goor sida looga bartay caado u ah qolyaha mucaaridka in waxqabad kasta oo ay ku tallaabsato Xukuumaddu ay u arkaan waxyeelladooda iyo inay dhabar jab ku tahay Xusul-duubka ay ugu jiraaan hanashada Hoggaaminta dalka, iyagoo aan marnaba ka fikirin in wax kasta oo ku soo kordha dalka iyo dadka Horumarkiisa uu guul u yahay mucaarid iyo muxaafidba. Arrinta kale ee la yaabka leh ee ku gaarka ah mucaaridka dalkeena, waxa ka mid ah sida maqluubka ah ee ay dadweynaha wax ugu fasiraan uguna gudbiyaan ee ka fog xaqaa’iqa ee ay mar kasta shugux shuguxda ugu tumaan shacabka, hase ahaatee aanay ogeyn in dadku ka il-baxay oo aanay dib dambe ugu didin karin. Maanta waxay shugux shugux ka dhigteen Jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad oo ay muwaadiniin reer Somaliland ahi ku dhiiradeen inay maal-gashadaan,iyadoo haba yaraatee aanay jirin cid kale oo gacan ka siisay sidii loo horumarin lahaa Xeebaheena iyo Jasiiradaheena oo had iyo goor ay inagu dhiiri gelin jireen Suxufiyiinta ajaanibka ah iyo dadka kale ee ajaanibka ahi inaan ka faa’iidaysano quruxda iyo bilicda Eebe ku manaystay dhul xeebeedkeena.
Gees kale, haddii aan ka eegno waxaan ogsoonahay in dalka shaqo la’aani ka jirto,haddaba marka dacaayad indho la’ iyo xajiimayn qaawan mucaaridku ku qaadeen cid kastoo maal gelin ku samaynaysa dalka oo ah sida ugu habboon ee shaqo abuuris loogu samayn karo muwaadiniinta, miyaan la odhan karin waxa ay mucaaridku horumar kasta oo laga sameeyo dalka u arkaan geeridooda xaga siyaasada? Sidaasi darteed waa mudnaantooda koowaad inay qas iyo qalalaase kala hortagaan tallaabo kasta oo loo qaadayo dhinaca horumarka iyagoo aan dantooda mooyee aan mid dad iyo dal-toona aan wax dan ah ka lahayn.
Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin waxaanu ka war haynaa inay cidlo iska ahaayeen, dawladihii dalka u kala dambeeyayna aanay danayn, in kastoo cilmi Baadheyaal, Dalxiisayaal iyo Suxufiyiin booqday Jasiiradahaasi wax badan ka qoreen, gaar ahaan siday ugu wanaagsan yihiin in goobo Dalxiis laga sameeyo iyo inay ka mid yihiin goobaha laga helo noocyada kalluun ee Naadir ku ah caalamka. Si kastaba ha ahaatee, maalgashiga dalka waxa banneeyay Dastuurkeena,Xeerkii Maal-gelinta ee Jamhuuriyada Somalilandna hore ayay u ansixiyeen Goleyaasheena qaranku,hadadaba mar hadday sidaa tahay, Xukuumaddu waa waajibkeeda inay gudato oo dada shaqo abuuris u samayso u joojin mayso Siyaasada Ceeryaamada ah ee mucaaridku ugu tilmaameen dadka inay yihiin darruurihii mucaaridka.
Qodobka ugu dambeeya waxa la gudboon in mucaaridku isku juq-juqeynta beelaha wada dega ka daayaan oo tusaalaha aan u soo qaadan karnaa uu yahay kii ugu dambeeyay ee lagu dhaqdhaqaajiyay qaar ka mid ah Salaadiintii reer Awdal ee lagu jiheeyay Jasiiradahaasi.
Ta kale aan dadweynaha u bayaaminayno ee maqluubka loogu akhriyay ee aan sheegaynaa waxa ay tahay in Madaxweyne Rayaale iyo ku ka dambeeyaa toona aanay hal taako oo ka mid ah Xuduudaha dalka JSL u goyn karin dal kale, waana lama taabtaan muqadas ah, Jasiiradahaana cidii doontaa way booqan karaan si ay indhahooda ugu soo arkaan calanka Somaliland ee ka dul babanaya.”
Email this story
By Abdiqani
Hadey ciddii doontaa booqankarto maxey Sallaadiin sharaf u leh Awdal/Sallal iyo Somalilandba isaga hortaageen booqashadooda. Muwaadinka Somalilanda xukuumad iyo macaaradtoona ugama baahna ruqsad uu meeshuu doono ku tago. Riyaale waxan u maleyna yaa inuu waqtigiisii dhamaadey Somalilanda waxey u baahantahey cidii badali laheyd.
somaliland doesn't need more argument for the development of their democracy so that both of the government and opposition I suggest that somaliland have more enemy its need keep the enemy of the outside while looking internal issue