Somaliland

Waraysi uu M. Rayaale kaga Waramayo Xusuustiisa Sanadkii Tagay iyo Rajadiisa 2010-ka

December 31, 2009   ·   1 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay inay doorashadii Madaxtooyadu wadanka ka qabsoonto sanadka cusub ee 2010.
Madaxweyne Rayaale oo maanta u waramayay Weriye Cabdisalaan Ismaaciil Herari oo ka tirsan Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada VOA=da ayaa waxa uu carrabka ku dhuftay mar la waydiiyay xusuustiisa sanadkii tagay ee 2009-ka inu Somaliland u ahaa sanad turunturo badnaa oo ay soo food-saareen marxalado adag oo siyaasadeed.
Madaxweynuhu waxa uu waraysigaas kaga waramaya, aragtida xukuumada ee argagixisada, dilkii alle ha u naxariistee Taliyihii qaybta 12 ee Aaga Barri iyo waxa laga yeelayo cida loo hayo inay ka dambaysay, golaha guurtida inuu jiro khilaaf isaga shakhsiyan u dhexeeya Gudoomiye Saleebaan Nuur iyo waliba xaalada qalaf ee tahriibta oo sanad sanadkii tagay Somaliland ku xasuusato inay badaha kaga le’deen boqolaal dhalinyaro ahi. Hadaba waraysigaas oo aad u dheeraa , isla-markaana uu idiin soo qoray Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax ayaa waxa uu ku bilaabmay sidan; -

VOA: Maxaad rajaynaa Madaxweyne Sanadka cusub ee 2010?


Madaxweyne Rayaale:
Horta Insha ALaahu waxaan rajaynayaa doorasho fiican oo nabad ah oo xalaal ah oo xaq ahi inay noo dhaxdo hadii Ilaahay ka dhigo. Waxaan kaloo rajaynayaa Ilaahay in wixii aanu muddada dheer ka sugaynay beesha Caalamka oo ah ictiraaf inuu na siiyo sanadka cusub, waxaan rajaynayaa hadii Ilaahay ka dhigo in midnimada iyo isku duubnimada umadani sii socoto, markaa guud ahaan khayr baan u rajaynayaa umadda.

VOA: Markaynu dib u eegno sanadkan dhamaaday Madaxweyne ee 2009-ka, sanad nooceeya baad ku tilmaami lahayd inuu Somaliland isagu u ahaa?

Madaxweyne Rayaale: Walaahi horta sanad iska turaanturo badan buu ahaa, laakiin Alxamdulilaah hadana mar hadaanu ka soo gudubnay, adduunka hareerahayaga nagu wareegsan wax ka badan baa ka dhacaya, waxaan odhan karaa annaga ugu dhib yarayn waxyaabo badani ha iska jiraane taayadaa ugu yarayd baad odhan karaa, murankii siyaasigiina iska dhamaa, waxanaan rajaynaynaa in aanu Ilaahay muran dambe oo siyaasi ah nagu soo celin, oo doorashadaasi Insha Alaahu marka Serverka la dhameeyo doorashadana ay qabtaan Komishanku wakhtigeeda oo si nabad ah ku galno.
VOA: Ma kula tahay  in sanadkaa 2009-ka Somaliland lagaga xasuusan doono sanadkii Doorashada Madaxtooyadu dhawrka jeer dib u dhacday?
Madaxweyne Rayaale: Waa run taasi Been maahin, laakiin maxaa dib u riday baa dhici karta, waayo system cusub oo diiwaan la yidhaahdo oo aanaan aqoon u lahayn baanu qaadanay, waxaana ka soo baxay khaladaad badan, oo qayb ka mid ah dadkayagu lahaayeen, iyada oo khaladaad ay sameeyeen oo qaarkood ku noqnoqdeen, qolyihii maamulayay oo sidii la rabay u maamuli waayay iyo qayb ay lahaayeen beesha caalamku oo qalabka ay keeneen oo oo Security full proof ay noogu sheegeen oo aan noqon sidii la rabay, laakiin siday rag badani u sheegaan inay dawladu dib isaga dhiganayso maaha. Waayo anigu hadaan doorashooyin dib u dhigayo markii u horaysaan dib u dhigi lahaa, waxa kale oo aan dib u dhigi lahaa markii doorashadii labada Baarlamaan isku raaceen  in aanay doorasho suurogal noqonayn. Markaa waa laga yaabaa inay wararka ku badan tahay Madaxweynahaa dib u dhigay, dawladaa qaban wayday. Laakiin, waxyaabahaasi xaqaa’iqa way ka fog yihiin, xaqaaqi’qu waxay ahaayeen duruufo yimi oo lagama maarmaan ka dhigay inay doorasho qabsoomi waydo ayaa dib u dhigay.
VOA: Laakiin, Md. Madaxweyne sida aad ka war hayso dad badan badan inkasta oo iminka ay gacanta ku hayaan arrintii Serverka  khubaro hawshaa loo igmaday, hadana weli tuhun wayn ka qaba in arrintan wax sixiba ay ka soo bixi karaan, adiga taasi siday kuugu muuqataa?

 
Madaxweyne Rayaale: Horta waxa wanaagsan inaynu rajaynaa markastiba fiican, anigu dadka waxa xun rajeeya ma ihi ee dadka waxa wanaagsan rajeeyaan ahay, waa inaan rajaynayaa hadii Somaliland oo wanaagsan aynu rabno  si wax fiicani inooga soo baxaan, wax badani way khaldameen laakiin waxa ugu wanaagsan ee suuro-gal ka dhigaya in doorashada lagu galo inay soo baxaan ayaanu rajaynaynaa, waxanaan jecelahay doorasho xor oo xalaal ahi  inay dhacdo, qoladaa khubarada ahna waxaan u rajaynaynaa inay waad ogtahayoo qoladaasi Afrika doorasho One Man One Vote kama dhacdo bay yidhaahdaan, annagu aduunka waxaanu u sheegnay in aanu u baahanahay doorasho xor oo xalaal ah, farsamo ahaana iyaga ayaa gacanta ku haya, waxaan rajaynayaa waxay noo soo saarayaan inay noqoto mid natiijo xaq ah, waxa hadaan sax lagu gelin, waxa ka soo baxaana khalad ayay noqonayaan, inay wax saxi ka soo baxo ayaanu rajaynaynaa sifayntaas la sifaynayo, si ay natiijaduna u noqoto mid run ah, oo maaragtaanay lagu kala baxo.

VOA: Inkasta oo ku dhawaaqida wakhtiga la qabanayo Doorashadu ay u taalo guddida Doorashooyinka, hadana hadii ay taadana noqonayso, wakhtigee baad jeclaan lahayd inay qabsoomaan?

 
Madaxweyne Rayaale: Diyaar uma ihi maadaam sharcigu uu iyaga (Komishanka Doorashooyinka) siinaayo, arrin calool ku jirta inaan idhaahdo wakhtigaasay noqonaysaa, laakiin wakhtigii ugu horeeya ee suurto-gal ah ee hawshaasi ku dhamaato inay noqoto ayaan jeclahay.
VOA: Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed  oo todobaadkan horaantiisii aanu waraysanay waxa uu sheegay in halista ka imansa waxa uu ku tilmaamay Ururka Al-Qaacida ama Al-Shabaab aanay ku koobnaan dooni hadii ay ku guulaystaan hawlaha ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya halkaa ay joogaan, Puntland waxyaabaha ka dhacayayna ay bilaw u yihiin, qalaalase sida uu sheegay ay qolyahaasi wadaan, oo Somaliland-na uu sheegay in halistoodu ay ku soo fool leedahay werwer intee leeg baad ka qabtaan maadaama sida aynu ka warqabno weerarano ay idinku dhaceen sanadkii 2008-dii dabayaaqadiisii?

 
Madaxweyne Rayaale: Horta dee Madaxtooyadaydaaba laysku qarxiyay, annaga wax nagu cusub maahin warkaa uu Cabdilaahi sheegay, waa wax hore uga dhacay dalkan, argogixisadaasi waxay bilaabantay 2003-dii macalimiin baa lagu dilay, Dhakhtaraa lagu dilay, kuwo kale oo shaqaalaha Hay’adaha ah baa lagu dilay, dad badan baa noo xidhan.Geeska Afrika markaan kuu sheego dad argagixiso Maxkamad saaray oo xukun ku fuliyay Somaliland baa jira. Runtii annagu ma moogin argagixisadaasi waa mid caalamiya, mid meel qudha fadhida maahin, waa dad bini’aadamnimada la dagaalamaya, dad diin ku dagaalamaya uma aaminsani, dad cid gaara la dagaalamaya maaha, waa dad jiritaanka iyo bini’aadamnimada oo dhan la dagaalamaya. Run ahaantii annagu waa feejiganahay, waanu dedaalaynaa, qaraxyaduna way socdaan oo Laascaanood sarkaal baa ku dhintay oo alaab la dhigay ay ku qaraxday, kuwo kale oo ka dambeeyay baa la qabtay, maalin dhawayd hadana Laascaanood waxbaa ka qarxay, markaa  waa hubaal inay dadkaa argagixisada ahi ay jiraan.  Laakiin, alxamdulilaah annaga iyo shacbigayaguba waanu u feejiganahay, inaan isha ku hayno intii aanu ka hortegi karaynana aanu ka hortagno dee wixii dhacana wixii aanu kaga jawaabayno ayuun baan kaga jawaabi doonaa Insha Alaah.
VOA: Laakiin, waxyaabaha ka dhacayay deegaanka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood qolyaha Somaliland ka soo horjeeda ee deegaanadaasi u dhashay waxay tilmaamaan in aanay arrintu ahayn mid argogixso ee ay tahay mucaaradad ay idinkaga soo horjeedaan?

 
Madaxweyne Rayaale: Waxba kama jiraan, ninka miino u dhigaya dadku waxba kama soo horjeedo, fahmadaana waa layska sheegaade, argagixiso waa argagixso adduunka oo dhan baa laga yaqaanaa cida kaa soo horjeedada dee dagaal baa layskaga horyimaadaa ee wadooyinka magaalooyinka dadku ku nool yihiin lama qarxiyo, markaa arrin argagixiso uun baan u arkaa.
VOA: Madaxweyne, Sool, Laascaanood iyo nawaaxigeeda waxa ka dhacaya mucaaradka Somaliland waxay dawlada si wayn ugu dhaliilayeen ama ugu cambaaraynayeen dilkii Sarkaalkii ciidamada Somaliland ee aagaa Bariga oo ay lahaayeen dadkii loo qabqabtay weli maxkamad lama horkeenin, bal hada arrintaa maxaad nagaga biirin karaysaa?

 
Madaxweyne Rayaale: horta kuwaasi Mucaaradku waa niman maangaabnimo ku fikiraaya, caqligoodu aad u hooseeyo, qaranimada ilaawaya oo qabiil yar oo hoose maskaxdooda marmar ay ku soo dhacayso iyada oo qaran la taagan yahay, horta Somaliland oo qaran maraysa ayaa qabiil yar oo hoose sarkaal qaran nin ah laga dhigayaa qolo yar oo hoose taasoo ceeb ku ah Somaliland nin Madaxweyne u tartamayaa inuu waxaas ku hadaaqo waa wax fadeexad ah,  oo in laga xishoodo ah, berri ma garanayo markaa ma madaxweyne qaran buu noqonayaa mise jilib buu u noqonayaa Madaxweyne? Waa waxyaabaha laga xishoodo. Dawladu way baadhaysaa, uma naxariisan doonto cidii Sarkaalkaas iyo cid la mid ah dishay, Madaxtooyada qaraxii ka dhacay 2008 ilaa hada kiiskeedii wuu socdaa, dembiyadu maaha kuwo markiiba layska gaadhayo, wax alla wixii lagu helo dambigaas ee dilay Sarkaalkaas ciqaabta ugu saraysa ee ay mudan yihiin baa la marin doonaa, qaran baana u hiilin doona, ninka mucaarka ah ee waxaas ku hadlayaana waa nin bilaa Barnaamij ah, oo xaafada gudaheedii uun ku soo noqonaayoo, ilaa qoobabkiisa soconaaya,. Run ahaantii waa arin nasiib-daro ah waana wax laga xishoodo baan anigu leeyahay waxyaabaha ay ku hadlayaan raggaasi.
VOA: Dhinaca kale waxa jiray muran ka taagnaa dhinaca Guurtida oo xubno ka tirsan Guurtida sida aad ka war hayso ku eedaynayeen dawlada iyo adiga khaasatan inaad doonaysaan inaad mijo-xaabisaan waa siday hadalka u dhigayeene Gudoomiyaha Golaha Guurtida talaabooyinkaa dawlada lug intee leeg bayku lahayd?

 
Madaxweyne Rayaale: Adeeroow, anigu waxaas war uma hayo dad badan oo iska afmiishaariin ah ayaa iska jira oo waxay rabaan iskaga hadla ama gole ha ku jiraan ama suuqa ha joogaane, golahaasi hawl mijo-xaabin oo ka socata ma ogi ee qaar qayl-qaylyaya oo golahoodii gudihiisa caayay oo lahaa Golahayagu wuu baaba’ay TVyada waan ka maqlayay, waa waxyaabaha loo baahan yahay inaan ILaahay ka barino inaguu inaga daweeyo weeye. Waa dad waxay rabaan iskaga hadla oo aan waxba u tudhin oo xataa Golaha ay ka tirsan yihiin caaya ayaa jira, laakiin wax wayn oo aan Anigu Golahaas ka socda hada oo dawlada iyo iyaga gudahooda anigu ma ogi. Kalfadhigoodii baa u socda, iyagaa u madaxbanaan shaqadooda dawladu wax alla wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jiro oo ma maamusho goleyaasha, xor bay yihiin gudahooday is naqdiyaan, aaraa bay isku qabtaan gudahooda, xukuumadu wax allah wax maamul oo ay ku leedahay waxa golaha dhexdiisa ka socdaa ma jiro. Saleebaana colaad annaga naga dhaxaysa oo gaar ahi  ma jirto, waa Gudoomiyihii Golaha Guurtida, inaan wada shaqayno waan isku qasbanahay, aniga iyo shirgudoonada Goleyaasha wada shaqayntu maaha arrin aanu dooranayno ee waa waajib, wada shaqayn baa naga dhaxaysa, dagaal naga dhaxeeyaana ma jiro.
VOA: Ugu Dambayntii Madaxweyne, sanadkan dhamaaday ee 2009-ka waxa lagu xasuustaa sanad dhaliinyaro aad u fara badan oo welina socotaa ay ka hayaameen Somaliland oo qaarkood ay badaha ku nafwaayeen, qaarkoodna ay saxaraha ku silcayaan tahribtu aad u fara badatay, inkasta oo gobolka oo dhan Somaliland kala mid tahay maxaa talaabooyinee kula haboon in laga qaado si arrintaas loo joojiyo?

\
Madaxweyne Rayaale: Somaliland maalintii la bilaabay 1991 ilaa maanta maalinba maalinta ka dambaysa ayay ka nolol wacan tahay kana mustaqbal fiican tahay, laakiin Afrika oo dhan baa guuraysa Somaliland xanuun gaar ah oo ku dhacay maaha Tahribtu, dadkaa guuraya uun bay ka mid yihiin laakiin balaayo wayn oo eryaysa ma ogi, waxaan kuu sheegayaa dadka inta badan tagaa kuwo lacag haysta oo dadkoodu diro baa u badan. Waxaan ku waaninayaa tahriib uma baahnine mustaqbal fiican baa inoo soo socdee dalkeena aan aamino oo joogno, caruurta bada ku dhimanaysa waalidiinta diraysa waxaan leeyahay caruurtiina ha dirina oo ha ku lug gooynina. Labana isku heli maysaan inaad marka horena doonta raac tidhaahdaan marka dambena calaacal halkan la joogtaan. Caruurtiinu maanta jaamacado ayay haystaan, qaar baa jaamacadaha ka baxay oo Master dibadaha ku soo diyaariyay, maantana Dhiin jaamacadaha ka ah, waa qofba sida uu mustaqbalkiisa u arko, dawladu masuuliyad gaar ah kama saarna. Laakiin dawladu farinta ay gudbinaysaa waxa weeye wadankiina aamina oo jooga mustaqbalku wuu fiicanyahay wuu soo socdaa ee mustaqbalku inagama si socdo baan leeyahay.

 

 

Waraysigan Waxa Qaaday Weriye Herari oo ka tirsan VOA, waxase isku holay oo idiin soo qoray Cabdiqani Baynax

Email this story Email this story

By


Readers Comments (1)

  1. Good_Citizen says:

    "Kalfadhigoodii baa u socda, iyagaa u madaxbanaan shaqadooda dawladu wax alla wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jiro oo ma maamusho goleyaasha, xor bay yihiin gudahooday is naqdiyaan, aaraa bay isku qabtaan gudahooda, xukuumadu wax allah wax maamul oo ay ku leedahay waxa golaha dhexdiisa ka socdaa ma jiro."

    Afheyenka Madaxtooyada: Marku Mudane Dahir qufulay Golaha Wakiilada faragelin may ahayn albaabka golaha iyo gudiihiise isku mid maaha, nimanka mucaridku wax kasta way isku qaseen.

     Reply