Somaliland

War Deg deg: Sanadkii Cusbaa 2010 oo la Kowday Dayax-Madoobaad

December 31, 2009   ·   1 Comments

 Hargeysa (Somalilandpress)- Caalamka guud ahaantii, caawa waxa laga xusayaa, looga diyaar-garoobayaa sanadka curashada sanadka cusub ee 2010, hase yeeshee dabaal-dega sanadkan cusub ayaa waxa uu la kowsaday marka loo eego magaalooyinka waawayn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Boorama iyo Laascaanood Dayax-madoobaad.

Dhamaan magaalooyinkaas aan kor ku soo xusnay ayaa loo dareeray Masaajida lagu tukado si loo xuso cabsida Ilaahayna loo xoojiyo, culimada waawayn ee Somaliland ayaa gaar ahaan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ka bilaabay wacyi ay dadweynaha ku baraarujinayaan in deg deg loo tukado Salaatul Kusuuf oo ay diintu ina farayso in la tukado wakhtiyada la arko dayax ama cadceed madoobaad.

Muuqaal ahaan dayaxa ayaan guud ahaan dhamaystiraan oo cidhif ka mid ahi madaw yahay, dayaxmadoobaadkana si kedis ah waxa loo dareemay goor sheegta geeska Afrika wakhti ay ku beegnayd ku dhawaad 1o:00 habeenimo.

Hadii aad ku sugan tahay magaalada Hargeysa, marka aad daalacato muuqaalka cirka ee aad u fiirsato dayaxa ayaa indhahaaga waxa buuxinaya daruuro, hase yeeshee dayaxa ayaa isagu ka dhex-mudhaya oo dhex socda isaga oo cidhifkiisa madoobaaday si caadiya kuugu muuqanayo.

Guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda waxa looga baahan yahay tawbad keen iyo inay cibaadada ku dedaalaan si Ilaahay dhibka uga dulqaado.

Dayax madoobaadkan maaha markii u horaysay ee laga arko Somaliland iyo guud ahaanba caalamka, hase yeeshee waa markii u horaysay inta aan ka warqabno ee uu ku beegmo sanad cusub oo kowsanaya.

Source: Somalilandpress

Email this story Email this story

By


Readers Comments (1)

  1. amal says:

    Subxaana Alaah ilaahoow noo sahal

     Reply