October 24, 2009 · 3 Comments
Hargeysa- (Somalilandpress Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Cali Asad.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla-maanta xilka Gudoomiyeyanimada Gobolka Hargeysa Badhashaabka u magacaabay Md. Maxamed Cabdi Daa’uud.
Sidaana waxa Somalilandpress u cadeeyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Caddaani Mooge oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka.
lama sheegin sababta Madaxweynuhu xilka uga qaaday Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa oo muddo dheer xilkan hayay, balse waxa uu Madaxweynuhu ku amray Wasiirka Arrimaha gudaha in uu labadan masuul xilka ugu kala wareejiyo si dhakhso leh.
waxa la sheegay in madaxweynuhu Cali Asad ka codsaday inuu xilka ku wareejiyo sidii isagaba loogu wareejiyay markii loo magacaabay.
Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu ka tirsanaan jiray Urur siyaasadeedkii Qaran ee ay hogaaminayay Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa si wayn uu uga muuqday Warbaahinta dawlada oo uu u horeeyo TV-ga Qaranka, halkaas oo uu ka jeedinayay hadalo kulkulul oo uu ku durayay xisbiyada Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta hogaamiya, isaga oo ku ammaanayay Madaxweyne Rayaale hawshiisa shaqo.
Sidoo kale, Badhasaabkii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Rayaale Cali Asad oo muddo aad u badan xilkaasi hayay, xilal horena ka soo qabatay xukuumada ayaa caan ku ahaa raaligelinta Madaxtooyada isaga oo intii uu xilka hayay godobo tiro badan dhabarka u xanbaartay, dad uu xidhxidhay iyo kuwo uu falal kale oo siyaasadaysanba kula kacay.
sidaa daraadeed, calaamad su’aal ayaa ilaa hada saaran sababta uu xilka uga qaaday Madaxweyne Rayaale oo ay aad isugu dhawaayeen.
Email this story
By Abdiqani
Election Campaign! Thats the reason. Cali asad does not know the Opposition very well Like Cabdi Daud who was in Qaran before and know all the secretes of the opposition.
Right on Shankarooni, I agree with you, it's just another game by the dirty Rayale regime. Let's see if he has what it takes to run Maroodi Jex, they all useless in my opinion, its like replacing a useless with a useless, I dont really care.
Sultan Galal’s Nauseating call appears to be UDUB’s next Stratgy vs Election.
The nature of his speech , the Timing of his call, as the Sultan had been a resident of the capital and very close to every evant that had been taking place in the political rena, and never before spoke of any bad feeling against the National Opposition Party Kulmiye to whom he tagged, Nazi party of Hitler!!!
As recently as yesterday, when the Parliament unnimously approved the seven members of the currently nominated National Elections Commitee, l had high-lighted that even though it’s a good step forwrd, but this will not satisfy UDUB, whose sytrategy is not to conduct National Elections but to create chaos and Political agitations to endanger the stability of the Country.
The Sultan speech is very insulting and rediculous regardless of being baseless but instigating envy and inter clans hatred as far as those simple minded individuals are concerned . I hope the readers will visit Sooyaal. com to see by themselves what UDUB says Through this Sultan!! Somali Sultans should on salovaging whtever remained of the Distinguished Sultan honour , comment culturally on the balatant preech to their Protocol by sultan galaal.
Now to advice the Sultan, he should know this country shall complete it’s transition into full Democracy to qualify for Recognition, whether he likes it or not, Kulmiye stands for a better live for Millions of Somalilanders and belomngs not to Habarjeclo Clan, but a National Opposition Party, that is built-up of all Somliland Communities. We are sorry, we are moving from Clan nagement and shall not return to the Darkness.We can not be dissuaded from qualifying for an Internationally recognized stateby statements as this. We have heard the rehetroics of the Interior Minister at Bristol , UK also, which only guide us to be vigillent of sabotages and gov’t instigations of insecurity!!
Somaliland is not for turning back!!Nor our youth to die at high seas while trying to seek a better life which this administration failed to provide to the general public.
Dr. Ali Abdi Mohamed