January 27, 2010 · 0 Comments
China (Somalilandpress)- Wasiirka Wasaarada Dulista Hawada, Md. Cali Maxamed Warancade iyo Duqa caasimada Hargeysa ayaa maanta kula kulmay magaalada Wiechang ee dalka China Shirkada dhisaysa Madaarka Magaalada Hargayasa oo lagu wado in ay bisha labaad ee sanadkan soo gaadho dalka.
Waxa sidaa noo xaqiijiyey Duqa caasimada Haregysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo aanu khadka talefanka kula xidhidhney isaga oo hada ku sugan dalka Chine.
Md, Jiciir waxa uu xusay in ay dhawan imanayaan dalka Somaliland shirkada dhiseysa Madarka Hargeysa oo imika ay heshiis rasmi ah la soo galayaan, waxaana dhismahaasi maal-galiyana ganacsato reer somaliland ah iyo dawlada oo iska kaashanaya qarashaadka ku baxaya hawsha balaadhinta madaarka Hargaysa.
Wax kale oo Maayar Jiciir sheegey in ay la kulmeen intii ay joogeen magaaladan hayadaha qaabilsan dhinaca wax barashada ee dalka chine, kuwaasi oo u sheegey in ay wasaarada waxbarashasa somaliland la sameyn doonaan xidhiidh si ay inoo siiyaan deeqaha waxbarasho ee ay bixiyaan.
Wax kale oo u Duqu sheegey in ay soo eegayaan warshadaha magaalada ee lagu farsameeyo cuntooyinka iyo dhismayasha casriga ah, si lola yeesho xidhiidh, isaga oo intaa ku daray in in maalinta bari ah ay gaadhi donaan hadi Alle yidha magaala madaxda dalkaasi ee Bejing, halkaasi oo ay kula kulmi donaan masuuliyiin ka socda dawlada Chine iyo shirkadaha ganacsiga ee magaladaas.
Xasan Maxamed C/laahi
Madaxa warbaahinta dawlada hoose ee Hargaysa
Email this story
By Mo Guled
Tags: Hargeisa, Somaliland, Warancade