July 30, 2009 · 1 Comments
Hargeisa, 30 July 2009 (Somalilandpress) – Ururka Bisha Cas ee gobolka sool maanta deeq caawimo ah ku fidisey dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Laascaanood kuwaasi oo intooda badani ay ka soo barakaceen konfurta soomaaliya halka qaar kale ay ka soo hoydeen miyiyada ku hareereysan magaalada Laascaanood ka dib markii ay ay ku dhufatey abaar daba dheer taasi sababtey in ay xoolahoodi gebi ahaanba ka dhamadaan.
Deeqdan caawimadda ah ayaa isugu jirtey sida weelasha biyaha lagu shubto, Baacaha qoraxda iyo roobka layskaga difaaco, Bustayaal,iyo dhamaan agabka cuntada lagu karsado oo ay ka mid yihiin digsiyaal,Saxamo,Qaadoyin,Agabkan maanta laga gudoonisiyey dadkaas taabaleysan ayaa loo yaqaana Non Food Items ( NFI) taasi oo soomaali ahaa loo yaqaano Alaabadda Aan Cuntada ahayn. Sidoo kale Waxaa meesha ka madhneyn Kininka loo yaqaano ( Aquas Tab) AMase Biyo safeeye.
Deeqdan waxaa Ururka Bisha Cas ee Gobolka Sool u soo wakiilatey Hay’adda DRC (Danish Refugee Council). Waxaa madasha Deeqdaasi lagu gudoonsineyey dadkan Danyarta ah ku sugnaa oo hawlwadeen ka ahaa Madaxda Ururka Bisha Cas ee Gobolka Sool Mudane Daakir Mohamed Warsame oo halkasi si wanaagsan ugu qaabileyey dadka danyarta ee u deeqdaasi la gudoonsinayey.
Sidoo kale waxaa hawsha si wanaagsan u waday dhamaan shaqalah Ururka Bisha Cas ee Gobolka Sool kuwaasi oo isugu jirey Rag Iyo Dumar u jajaban wax u qabashada dadka Tabaaleysan ee ka soo barakacay Goboladda Konfureed ee dalka soomaaliya iyo kuwa ka soo hoydey Miyiga ku hareereysan Magaalada Laascaanood. Madax Bisha Cas ee Gobolka Sool ayaa ahaa mid si weyn u soo dhaweynayey dadkaasi isla markaasna ku boorinayey shaqaaliihiisa in ay sida shaqada loogu tallo galay u wadaan.
Ururka Bisha Cas ee Gobolka sool maanta waxay deeqdaasi gaarsisey dadka tiradoodu tahay 400 oo qoys kuwasi oo qaatey alaabo badan taasi oo ah Agabka guryaha ee loo yaqaano Non Food Item (NFI) Amase alaabta aan cuntada ahayn. Ururka Bisha Cas ee Sool Waxuu horey alaabtaasi oo kale u gaarsiyey dadka gaaraya 1000 qoys kuwasi oo iyana qaatey caawimadaasi bishii ina soo dhaaftey.
Balse waxaa jira dadka qaar markaad wareysato in wali jiro baahi saa’id ah isla markaasna ay soo gaarayaan dadka kale oo ka soo barakacay gobolada koonfuureed ee soomaaliya isla markaasna u baahan gargaar cusub madam ay dhawaan soo gaareen magaalada laascaanood ayna fursad u helin in ay qayb ka noqdaan dadka deeqdaasi gudoomey.
Mid ka mid ah Dadkaasi Tabaaleysan ee deeqda qaadanayey oo indhoole ah ayaa sidan u sheegey warbaahinta ” Adeerow Bisha Cas Ee Gobolka Sool waa ta kaliya ee noo gargaarta tan iyo intii aanu ka soo barakacaney konfurta soomaaliya ,maaha markii ugu horeysey ee ay deeq noocan oo kale ah na soo gaarsiiso,waanu u duceyneynaa dhamaan madaxda bisha cas iyo shaqalaheeda “.
Maha markii ugu horeysey ee ay Ururka Bisha Cas hawgallo caawimaad ah ka fuliyaan magaalada laascanood iyo hareera heeda. Bishii la soo dhaafey Ururka Bisha Cas waxay tuuloyinka ku hareereysan magaalada gaarsiyeen deeq isugu jirta raashin oo nooc walba leh. Waxaa la dhihii karaa Ururka Bisha Waa ururka kaliya ee u waxqabad u muujiyey dadka ka soo barakacay konfurta soomaaliya ( IDPS) Iyo dadka xoolahoodii ka dhamadeen.
Shafiic Cabdi Cismaan
Wariye Madax Banaan
Gobolka Sool.
Email this story
By Hassan Ali
Tags: Bisha cas, Laascaanood, red crescent, Somaliland, Sool
What is the point of somaliland being in las canod? they don't control all the sool region therefore the argument "we secured all british-somaliland territories won't wash". For example las qoray is in the british somaliland border, yet somaliland doesn't control there. So that argument of securing british-somaliland territories is another rayale lie.
If he wanted to secure all british somaliland he would be advancing all the way, not taking 1 or 2 cities. Does anyone else see the problem with this????
Besides to have las canod ppl in somaliland is useless, they don't want to be there not the will of the people. Every person i met from that area is staunch somali-weyn. Yet i see images of 1 or 2 ppl waving somaliland flags and they say "look las canod loves somaliland" lol. 2 ppl waving a flag now means a whole region loves somaliland. U see the flawed logic!!!
Besides anyone that does support somaliland in las canood is worker of the state or has relative that works for the state, they do so out of personal wishes not out of the will of their people. Their is no pointing forcing people into somaliland because they will just end up causing instability in the future and maybe even a civil-war.
It is time to let sool and sanaag out and it is appearing awdal is taking that same direction also.