Africa

UNDP Oo soo Bandhigtay warbixin-sanadeedkeedii 2009 ee Daryeelka iyo Horumarka Arrimaha Bulshada (HDI)

January 12, 2010   ·   0 Comments

Hargaysa (somalilandpress): Hay’adda UNDP ayaa soo bandfhigtay warbixin-sanadeedkeeda 2009 ee la xadhiidha Barnaamijyada Hay’adaasi ay ka fuliso wadanka ee la xidhiidha dhinaca horumarka arrimaha bulshada (Human Development Index).

Waxa kale oo ay Hay’adu soo bandhigtay heerka daryeelka bulshada iyo sida ay ugu kala sareeyaan wadamada dunidu.
Munaasibad lagu soo bandhigay barnaamijkaasi oo lagu qabtay Hoteelka Maasnoor magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, qaar ka mid ah Ardayda iyo macalimiinta Afarta Jaamacadood ee Hargeysa ugu waawayn iyo masuuliyiin ka socday hay’ada UNDP.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Md Cali Ibraahim Maxamed oo nunaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay isaga oo soo xignaayay warbixinta UNDP in sannadkii inna dhaafay dadka socdaalka dunida ku maray in lagu qiyaasay 740 million. Waxa kale oo wasiirku sheegay in 50 million dad gaadhayaa inay shaqaale ka yihiin dalal aanay u dhalannin, isla markaana bilaa sharci ku joogaan,
“Waxaa lagu caddeeyey warbixinta Hay’ada UNDP in ugu yaraan 5 million dad gaadhayaa ay xuduudaha ka tallaabaan iyagoo u sii jeeda dhinaca dunida horumartay halkaasi oo ay jecel yihiin inay ku noolaadaan iyo  in 14 million dad gaadhayaa ay yihiin dadka qaxoontiyada ku silcaaya kuwaasi oo dhammaantoodba aan helin daryeel caafimaad, cunno ay quutaan  iyo waliba hooy ay ku noolaadaan oo munaasib ah.” SIdaas ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyay oo yidhi; “Dalalka horu marayna maaha kuwo xil iska saara daryeelka dadka u soo haajiray dalalkooda marka laga reebo America iyo Thailand oo iyagu u soo jeeda dadka dulsaarka ku ah waddammadooda, isla markaana ay siiyaan shaqooyin ay mushahar ku qaataan si gunnada yar ee la siinaayo ay ugu dayac tiraan baahiyahooda .”
Wasiirku wuxuu ku guubaabiyey ardayda jaamacadaha kulanka ka soo qayb-galay inay ka taxa-diraan ficillada noocaasi ah, isla markaana ay iyagu dhalinyarada ay isku filka yihiin ku dhiirri galiyaan inay dalkooda aaminaan, maadaamo ay yihiin dhammaantoodba aqoonyahanka curdin ah oo haatan u soo kacay, lana filaayo inay dalkooda iyo dadkoodaba isbaddal iyo horumar ay u soo kordhiyaan laga sugaayo.
Sidoo kale, Sarkaal u hadlay Hay’adda UNDP oo lagu magacaabo Abdalla Alam ayaa sheegay muhiimadda warbixintani ay u leedahay bulshada caalamka, waxaana uu xusay in warbixintani ay tahay mid sanad walba ay soo saarto Hay’adaasi, isaga oo intaasi ku daray in sanadkan uu hal-ku-dheggeedu ahaa Daryeelka dadka guurguura.

Sanadka dambena waxa uu sheegay inay noqon doonto Hal-ku-dheggeedu (Tayaynta Dhalinyarada si loo yareeyo Faqriga.)
Saddexda wadan ee ugu sareeya sida ku xusan warbixinta Hay’ada UNDP daryeelka arrimaha bulshada ayaa waxay kala yihiin;

 

1- Norway
2- Austrelia
3- Iceland

Halka Saddexda wadan ee ugu heerka hooseeya marka laga hadlayo daryeelka Arrimaha bulshaduna ay noqdeen sida ay xustay UNDP.

1-Niger
2Afganistan
3 Seira-Lone

Gabagabadii kulankan waxaa lagu soo bandhigay heerka maanta ay marayso tahriibtu iyo dhibta ay leedahay dal aanad u dhalanin oo aanad garanaynin luuqadda lagaga hadlo dhaqanka ay dadkaasi leeyihiin, diinta ay ku dhaqmaan iyo guud ahaanba nooca ay yihiin dadka aad u tagaysaa.
waxaana halkaasi ay ardaydu su’aalo ku waydiiyeen wasiirka iyo saraakiisha UNDP ee soo qaban-qaabiyey kulankan

Email this story Email this story

By

Tags: , , , ,


Readers Comments (0)