Somaliland

Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay

August 31, 2009   ·   0 Comments

Hargiesa (Somalilandpress), Shirkada ugu wayn isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom ayaa tartan aqooneed ay soo qabanqaabiso sanad kasta bisha Ramadaan waxa ay sanadkan isku soo hor-fadhiisisay oo ku tartansiinaysaa 5 jaamacadood oo gaar loo leeyahay kana dhisan magaalada Hargeysa.
 

 Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay

Cali maxamed saalax Cali-cajab

Jaamacadaha ku hirdami doona tartan aqooneedkan ayaa waxay kala yihiin, Admas, Golis, International Horn University (IHU), HOPE Medical University, Al Niilayn oo dhamaanteed ka dhisan magaalada Hargeysa, islamarkaana ah jaamacada madaxbanaan oo gaar loo leeyahay.

DSCF6389 300x225 Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay
 
Hadaba, munaasibadii furitaanka tartan aqooneedkan oo ay ka soo qayb-galeen culimo-awdiin magac wayn ku leh Somaliland sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Aqoonyahano, Maamulka Jaamacadahan Shanta ah ee tartanku u bilaabmay, Gudoomiyaha TV-ga Caalamiga ah ee Horn Cable TV Farxaan Xaaji Cali, Ardayda tartanku dhexmarayo iyo marti sharaf kale.
 

 Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay
Waxaana ugu horayn madashaasi ka hadlay Cali maxamed saalax Cali-cajab oo ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee shirkada tartankan daahfurtay ee Telesom, ayaa ka hadlay faahfaahina ka bixiyay ujeedada tartan aqooneedkan ay shirkadu u qabatay.
  Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay
“waxaanu daahfuraynaa tartankan oo aanu sanad walba soo qabanqaabino, aniga  oo cilmiga iyo waxbarashada ardayda dhiirigelinayna iskuulka SOS la yidhaahdo ee Sheekh ka bixinaa 10 arday sanad walba, jaamacada Hargeysa qaybteeda Islamic Study-ga waxaanu ka bixinaa 10 arday, waxa wax ka barta jaamacadaha wadanka oo dhan 43 oo ka mid ah shaqaalaha Telesom, waxa nooga qalanjebiyay jaamacada Hargeysa sanadkan 28 arday”
 
Tartan aqooneedkani waa mid ku abtirsan doona shirkada Telesom oo sanad walba soo qabanqaabin doonta.” Sidaas ayuu Mr. Cajab.
 
Waxa isaguna madashaas ka hadlay Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; “waxaynu doonaynay inaynu samayno shirkadu dadku ay leeyihiin oo hana qaaday si heersare ah u shaqaynaya oo tayo leh, amaano leh, waana horumarkii aynu ku hamiyaynay qayb ka mid ah, dawladnimada aynu doonaynaa waa saambalkaa telesom oo kale oo runtii la balaadhiyay. Waxaad aaminsan tahay hadii aad ficlan u muujin kari waydo dhibaatadeeda ayay leedahay, runtii Telesom waxay muujisay waxay dad badani ay sheegayeen, umadu  ilaa ay wax wada qabsato oo ay horumar keento waxba ma qabsan karayso.”
  Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay

                                  Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir
Sidoo kale Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa isaguna ka hadlay furitaanka tartankaas; “Tartanku waxyaabada dadka dira ayuu ka mid yahay. Maalmo dhawayd waxaan xusuustaa inay shirkaduhu sameeyeen inay telefoonada dadka su’aalo ka soo waydiiyeen, waxaan xusuusta inta telefoon ee maalintaas igu soo dhacday ee su’aalahaas wax layga waydiinayo, ka dibna waxaan ku idhi waxaan ku idhi waardee tani waa qishee, ha qishinee ka daayo waxoogaa baadhitaana sameeya, waa inaad daraasad samayso oo kutubta baadho, internetka gasho. Laakiin haduu qofku si dhibyar hebel uga qaato wax badan soo muu kordhin. Waxaad dareemaysaa markiiba dhaqaaq dadkay ay sameeyeen, shirkadana dee dhinac dadkii bay u faa’iidaysay dhinacna iyadaa ka faa’iidayoo calls fara badan la sameeyay, marka kii ay inyari ugu jirtayba uu 20 qof waydiiyo halkaas waxa shirkada uga soo baxaya suuq fara badan, fursad bay soo kordhiyeen baan odhan karnaa waa arrin wanaagsan.
 
Qolyaha jaamacadaha ee maanta halkan isugu yimi waxaan odhan lahaa dad baynu soo saaraynaa wax la soo saarana dad baa ugu qaalisane  waa in waxa lagu soo saarayo ay qayb wayn ku yeelataa diintu, oo dad aqoon iyo aamano wada socota leh ayaynu u baahanahay.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Shekh Dirir.
  Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay
Sidoo kale waxa iyaguna hadal ka jeediyay masuuiiyiinta jaamacadahan gaarka loo leeyahay oo faahfaahin ka bixiyay noocyadaha duruusta ay bixiyaan iyo tirada ardayda ay gacanta ku hayaan, yididiilada ay jaamacad waliba dhinacooda ka qabaan inay ku guulaystaan tartankan.

 Telesom Oo Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan U Qabatay Shanta Jaamacadood Ee Somaliland Gaarka Loo Leeyahay
Dhinaca kale, tartankani tartan sanadle ah oo ay shirkada Telesom Ramadaantii la soo dhaafay u qabatay Shanta degmo ee ay ka kooban tahay caasimada Somaliland Hargeysa.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)