June 28, 2009 · 0 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u xilsaaray Gurmadka Abaaraha, ayaa shaaca ka qaaday inay wadanka ku habsadeen abaaro baaxad leh oo isaga dambeeyay iyo aafada Ayaxa. “Beryahan danbe waxa ina haysatay Mushkilad Biyo la’aan ah, arrintaasna waxa aan u saaray inay soo daraaseeyaan Guddi heer qaran ah oo ka kooban Maayarka Caasimada, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Daakhiliga oo uu wakiil ka yahay wasiiru-dawluhu, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka. Afartaas wasaaradood iyo Maayarku waa inay barri u ballamaan oo arrinkaa loo gondo dego.” Sidaa waxa yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Hay’ada NERAD.
Waxa kale oo Madaxweyne ku-xigeenku si qoto dheer uga hadlay biyo yaraanta soo food-saartay wakhtigan caasimada Hargeysa oo uu tilmaamay inay kala bateen dadkii loogu talo-galay wakhtigii beebkaas la sameeyay oo ku beegan 1972 iyo wakhtigan oo ay Hargeysa Hoyo u noqotay dad ka badan 1 Milyan oo qof isaga oo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Qasabadahan Biyaha Magaalada u qaybiyaa dabcan waa kuwii la galiyay 1972-kii, wakhtigaasna Hargeysa waxa degenaa 50 Kun oo qof, Fayskii labaadna waxaan filayaa in la galiyay 1987-kii iyaguna 100 kun oo qof ayaa loogu talo galay, Maantana Hargeysa waxa ku nool Hal milyan , Haddana Bal inta yare (Biyaha Magaalada la soo gaadhsiiyo) ee soo gasha waa in loo qaybiyo Caddaalad, kolkaa si aan loo odhan Qoladan Maamulku (Wakaalada) waxa ay sameeyeen Caddaalad Darro ayaanu u saarnaya Hay’adahaasi si ay u soo ogaadaan waxa ay tahay Dhibtu, oo weliba la sameeyo Guddi hoosaadyo Baadhitaano ku sameeya halka sartu ka qudhunsan tahay Hadday tahay Qaybaha Biyaha Qaybiya, Hadday tahay Kaalmaha Biyaha laga dhaamiyo iyo Hadday tahay Goobaha lagu Maydho (Xamaamada), kuwaasoo (Xamaamada) dabcan inta ay biyaha siistaan (Ku iibsadaan ) qiime jaban haddana Isticmaala Maalintii ilaa Shan Boqol oo Foosto. Waxaas oo dhami waa Baadhitaano uu Guddidani Si dhakhso ah u samayn doono oo laga bilaabayo Maalinta Barri ah Haddii alle idmo, laakin waxaan idiin sheegayaa Magaaladu Ma biyo la’a ee waxa yar Soo Qaadayaasha Biyaha ee Magaalada Soo Gaadhsiiya.”
Madaxweyne ku-xigeenka mar la waydiiyay bal in abaarahan baahsan ee ay xukuumadu u bixisay Siman maadaama ay dalka oo dhan ka wada jirto, saamayn ay ku yeelanayso doorashada laga dhursugayo inay Somaliland ka qabsoonto 27 bisha September waxa uu yidhi; “Horta niyow annagu haddaanu nahay Xukuumadda waxa nalagu eedeeyaa doorashay qaban waayeen, annagu si kasta oo ay ku dhacdaba waanu qabanaynaa doorashada ama ha la diido ama yaan la diidin. Annaga waxa nala yidhaahdaa waxa ay doonayaan Muddo kordhin, anigu waxyaabo badan baan goob joog u ahaaye Korodhsigaas bal aan idiinka sheekeeyo.Xisbiyada Mucaaradka ahi waxa ay hore u yidhaahdeen Haddii aan dadka la diiwangelin annagu doorasho geli mayno, waxaanu ku nidhi waayahaye waxa aynu hadda maraynaa bilowgii 2008, Bisha May-na (2008) waa doorashadii kolkaa side bay u suurto galaysaa?, waxa ay yidhaahdeen Doorashada Deegaanada dib ha loo dhigo, taasna aynu siino Muddo 11 Bilood ah, si ay diiwaan gelintu wakhti u hesho. Waliba Xisbiga UCID ayaa ku dhegenaa, annaguna markaanu wax badan xeerinay waanu ku raacnay, ay diiwaangelinta ka dib u dhacdo doorasho One Man One Vote ah, waxaanuse ku nidhi haddii ay 11-kaas bilood ee diiwaangelinta ay doorashadu ku qabsoomi waydo maxaa la samaynayaa, kadib waxa qabsoomida doorashada loo qoondeeyay 29 March 2009. Mida kale wadanka waxa ka dhacday aafo oo waa tii la ina qarxiyay Nimankii Meesha (Diiwaangelinta) ka shaqaynayay ee qaatay Mashruucuna way qaxeen ooHindi bay ahayd, annaguna maanu siinin Mashruuca ee waxa siisay EU-da, laba biloodna lama arag, halkaana laba bailood baa ku baxay. Inagu waynagii isla soconay ee gobol wal iyo magaalo walba riixaynay inay dhacdo si kasta oo ay noqotaba (by hook and Crook). Kolkaa waxaan leeyahay Haddii ay xataa qoladani (Deeq-bixiyayaasha) ay diidaan waa in Somaliland isku tashato oo ay doorashada Qabsato, waa inaan nala odhan Doorashay sii riixayaan oo ay dib u dhigayaan, sidaas oo ay tahay distoorku wax buu qorayaa laakiin dee distoorkiina la isla dhaafyoo waxa la leeyahay Xukuumadu iyadaa doorashada dabada haysa. Sidaa darteed dee wixii yimaada waynu ka tashan doonaa oo qaran talo ku nool baynu hore u ahay.”
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu madashaasi ka sheegay in maalmaha fooda inagu soo haya laga bilaabo doono Alle Bari Masaajida, hadii uu roobku di’i waayo, ka dib Saddex maalmood laga Soomi doono Somaliland, hadii uu di’i waayana ka dib Dadku isugu soo bixi doonaan magaalooyinka Somaliland oo dhan Roob-doon.
Madaxweyne ku-xigeenku dhamaadkii shirkiisa jaraa’id ayaa waxa uu halkaas shahaado sharaf ku gudoonsiyay Mr. Maqtal oo ah nin u dhashay wadanka Somaliland oo safaro socod dheer dhinaca aqoon-raadiska wadankiisa ah ku soo maray 18 wadan oo dunida. Hase yeeshee, waxa muu Mr. Maqtal halkaasi ka sheegay in aanay xukuumadu u maamusin sidii uu filayay, isaga oo ku eedeeyay Maayarka Hargeysa in uu dejiyay Hoteel Ambassador oo aanu hadana ka soo ag-wareegin, lacagtii hoteelka ee jiifka iyo cuntadana lagu haysto. Waxa kale oo uu aad u duray TV xukuumada oo uu sheegay in ay sii dayn waayeen cajalado la xidhiidh safaradiisa oo ay ka qaadeen ka dibna meel iska dhigteen. Waxa kale oo uu isla Madaxweyne ku-xigeenka hortiisa ka cadeeyay inay balamo ah inay la kulansiinayaan Madaxweynaha iyo kuxigeenka kaga baxeen xubno Wasiiro ah oo goobtaasi fadhiyay.
Cabdiqani Xuseen Baynax
Somalilandpress/Hargeisa
Email this story
By Abdiqani