Somaliland

Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Hore

November 3, 2009   ·   2 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Todobada xubnood ee loo dhaariyay, loona igmaday inay noqdaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay xubnaha komishankii hore ee is-casilay.
Munaasibada xil-wareejinta oo lagu qabtay Hoteelka Maansoor magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Culimo-awdiin, aqoonyahano, dhalinyaro haween iyo qaybaha bulshada.
jaamac sweden Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Hore

Cali Maxamed Bikallo oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Komishankii hore oo uu hore u magacabay Xisbiga Kulmiye oo u hadlay Todobada xubnood ee xilka tiriyay, ayaa faahfaahin ka siiyay komishanka cusub dhibaatooyinka xagal-daaciyay inay ku guulaystaan tartanka Doorashooda oo ay wadanka ka hirgeliyaan sidii loo igmaday. “Waxa jira isqabqabsi fara badan uu sababay doorashadii Madaxtooyada oo wakhtigeedii ku qabsoomi wayday. Hadal iyo dhamaan markii ay xal noqotay waanu aqbalay in aanu meesha banayno. Hase yeeshee weli waxa jira meelo u baahan in umada reer Somaliland wax ka qabtaan, taasoo hadii la qaban waayo aanay waxba dawoobayn. Komishankii naga horeeyay waxa lagu ammaanaa doorashooyinkii ay qabteen, aniga oo la qaba ammaantaas, waxa muhiim ahayd, meesha ku jirtay doorashadii maxaad u qaban waydeen, waxaanu qabanay diiwaan-gelintii, cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo Dameer dawada lama helaayo. maanu qaban kari waayeen Saddex maalmood oo doorasho la galo, balse muhiimada u wayn ee doorashadu u qabsoomi wayday waxay ahayd diiwaan-gelinta.” Ayuu yidhi Mr. Bikallo.

Gudoomiyaha Komishanka Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Hore

Gudoomiyaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka, Md. Yuusuf Xajai Axmed Ciise (Xamari) oo isagu munaasibada xil-wareejinta u hadlay xubnaha cusub ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “ugu horayntii, waxaan u mahad-naqayaa komishankan aanu hadda xilka kala wareegnay, waxay la kulmeen hawl culus, diiwaan-gelintii oo weli qabyo ah, annagana waxa nalooga fadhiyaa in aanu qabyo tirno. Waxaanuna la wareegnay qalabkii, gaadiidkii,natiijooyinka doorashooyinkii hore. Balse weli wixii xisaabaad ah kumanaan heshiin. Magaca Illaahay baa nalagu dhaariyay, Illaahay dartii ayaanuna xilka u gudan doonaa, xisbiyada siyaasadana waxaanu ka rajaynaynaa inay nala shaqeeyaan oo rajo badan noo muujiyaan.”

jugsoo dhacay Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Horesiilaaranyo Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Horeagaasimihii hore ee komishanka Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii HoreGudoomiye ku xigeenka Komishanka Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Hore
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa iska daba-maray inay jiraan cabashooyin oo laga qabo hawl-karnimo la’aanta komishankii hore, iyaga oo muujiyay rajada ay ka qabaan komishankan cusub inuu si hagar la’aan ah hawshiisa u guto oo ay iska ilaaliyaan, kana faa’iidaystaan qaybada iyo galdaloolooyinka shaqo ee ka muuqday komishanka xilka wareejiyay.

masuuliyiin Somaliland: Komishanka Cusub Oo Xilkii ka Tirsaday Komishankii Hore
Hogaamiyeyaasha Axsaabta Qaranku waxa ay munaasibadaasi ugu duceeyeen komishanka cusub inuu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee loo dhaariyay, iyaga oo u balan-qaaday inay la shaqaynayaan una fududaynayaan hawlaha shaqo ee ka dhexeeya axsaabta siyaasada komishanka cusub oo ah garsooraha u dhaxaynaya.
Ugu dambayntii, munaasibadaasi waxa komishanka cusubi kula wareegay, Natiijada Saddexdii Doorasho ee wadanka ka hir-galay (Golaha Deegaanka, Madaxtooyada iyo Baarlamaanka), Xisaabaadka lacageed ee komishanka u yaala Accountkooda Dahabshiil iyo Baanka Somaliland, Agabkii lagu hirgeliyay doorashooyinkii hore iyo gaadiidba, marka laga reebo Server-ka kala shaan-dhaynaya codbixiyeyaasha.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (2)

  1. Farhan (Oday) says:

    Waxaa idiin hortaala hawl culus oo ubaahan in dadadaal badan laga muujiyo. Hana qonina sida kuwii hore ee markay arkeen min hal minyaro ama gabadh da'yar ku guursaday lacagtii ay umadu layd. Waxaad layaabaysaan marka aad maqashid gudoomiyihii hore lacagaha uu sheegayay ee kujiray Accounada komishanku in ay hawanayaan.

    Kuwii hore waxa ay ahaayeen qaar ayna habdhaqankoodu wanaagsanayn oo waxaa lagu ibtileeyay noocyada balwadaha kale duwan, cidkastaana waa ogtahay. Hadaba hadii aad wadadaas oo kale martaan ilaahay wuxuu balan qaaday in aad guuldaraysanaysaan, ee iska ilaaliya macaasida iyo dulmiga.

    Kuwii hore waxa ay galeen bejka madaw ee taariikhda somaliland, hadaananu nahayna hogaamiyayaashii mustaqbalka waxaanu ku xardhidoonaa taariikhda madow todobadaas nin ee wadanka kuriday wadadii burburka, balse Alle inaga badbaadiyay.

    Bulshadu waxay idinku qiimayndoontaa sida aad wax ubadaan. Hakatagina aduunka iyo dalkiinaba idiinkoo taariikhmadow kuleh dadkiina.

    Noqda Cadiliin,

    Farhan (Oday)
    Hargeisa, Somaliland

     Reply
  2. Bashe says:

    wakhtigu wuu soconayaa, taariikhduna way is qoreysaa, qof walbana waxaa buuga u galayaa wanaag iyo xumaan waxa uu qabto, wuxuu umadadiisa daranyeysan u qabto, markaa waxa laydinka filayaa inaad noqotaan kuwa taariikhdu wax wanaagsan ka sheekto een aydaan noqon kuwa bulshada habaar iyo cay ka kasbada. waxa laydinka fadhiyaa waa inaad noqotaan garsoorayaal caadilin ah oo ixtiraama sharciga ilaaliyana cadaalada oo dhex u noqda dhinacyada tartamaya. umaduna waxay idiinku abaalgudi doontaa kolba sidaad idinku iska dhigtaan, idinkay idiin taalaa sharaf iyo dheg xumo kaad kasbaneysaan.
    dhinaca kale commissionkii hore lama odhan karo dhamaan way xumaayeen ee waxaa ku jirey rag wanaagsan oo aqoon, karti, daacadnimo, balwad la’aan inta u saaxiib ahaa mudnaana in mar labaad la soo celiyo doorna aan ku lahayn wixii dhacay balse waxay noqdeen sakaaradii budka la kulantay, barruur xun bay ku dhex dhacaan dabeedna waa la raaciyey laakiin qof walba wuxuu yahay buu yahay.

    Alle xilka haydin fududeeyo

     Reply