Somaliland

Somaliland: Komishanka Cusub ee Doorashooyinka oo Socdaal Shaqo ugu Kicitimay Wadanka Itoobiya

November 21, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Xubnaha Komishanka cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay wehelinayaan Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Hawl-wadeenada Xarunta Komishanka ayaa maanta Abaaro 2:00 Duhurnimo ka baqoolay dhabbaha gegida Caalamiga ah ee Diyaaradaha (Egal International Airport), iyaga oo u sii jeeday dhinaca caasimada Itoobiya ee Addis Ababa halkaasi oo ku soo qaadanayaan tababar la xidhiidha shaqadooda, isla-markaana mudada ay halkaasi joogaan kulamo la yeelan doona khuburada ku xeel-dheer arrimaha Server-ka ee Somaliland u imanaya si ay u maareeyaan xal u helida kala shaandhaynta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Komishanku intii aanay maanta ka dhoofin madaarka waxa ay qolka VIP-da ee Madaarka xog-waran ku saabsan safarkooda ku siiyeen Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandpress.

Gudoomiyaha Komishanka Eng. Ciise Yuusuf Xamari oo ugu horayn nooga waramaya socdaalkooda iyo intii ay hada hawsha la wareegeen waxa u qabsoomay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Wax badan ayaa noo qabsoomay, marka u horaysa xog baanu urursanay, intaa ka sokow qolada deeqbixiyeyaasha hawl baanu ka sugaynay oo ku jirtay heshiiska oo ahayd inay soo saaraan liiska oo ay keenaan cida khibrada u lahayd Serverka, ta aanu u baxaynaa waa taas, ta labaadna waxa weeye Tababar baanu laftayadu u baxaynaa oo Komishanka hore maanu soo ahayn, labadaas oo isbarkan ayaanu u baxaynaa.”

 Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Axmed Maxamed Xasan ayaa isaguna faahfaahin intaas badan naga siiyay socdaalkooda wadanka Itoobiya ay ugu baxeen maanta, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Doorasho dhamaanteen diyaar baynu u nahay, annaga taas ayaa naloo keenay, waxa ugu waynina waxay ahayd Serverkaas inala hadhay, hawsha aanu u baxaynaa waa xal u helidaas, kaasna waanaga u socona oo khubaradii dawaynaysay ee caal bixinaysay inay timaado, markaa diyaar-garawgooda iyo inta aanu heshiiska galayno 5 cisho ayay qaadanaysaa, soo noqodkayga hadii aanay na soo raacinba waxa laga yaabaa in aanay wax badan naga danbayn oo ay yimaadaan, arrinkeenu wuxuu ka bilaabmayaa maalintay nimankaasi yimaadaan oo serverkaasi bilaabaan oo liis lagu wada kalsoon yahay yimaado, markaa dee doorashadu waxay qaadanaysaa todobaadyo iyo bilo.”

Mudane Axmed Maxamed Xasan oo ah Afhayeenka u hadlay Xubnaha Komishanka ayaa sheegay tan iyo markii ay xilka la wareegeen inay ku hawlanaayeen sidii ay la tashi ula samayn lahaayeen Labadii Komishan ee uga horeeyay shaqadan ay hada bilaabeen, Goleyaasha Qaranka, Axsaabta iyo Xukuumada. Waxa kale oo uu sheegay in waxa ugu horeeya ee ilaa hada u qabsoomay inuu yahay kalsooni wada shaqayn dhexdooda ah, iyaga oo samaystay la-taliye dhinaca sharciga ah, gudoomiye iyo ku-xigeenka ay u xilsaareen diiwaan-gelinta oo ah ta dib u dhigtay doorashada Madaxtooyada.

 

Waxa kale oo uu xusay inay xidhiidh joogto ah oo khadka telefoonka iyo internet-kaba la sameeyeen deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka, kaasoo suurto-geliyay Socdaalka tababarka ay maanta ku tageen Itoobiya oo ay ku soo baranayaan shaqada Komishinimo waxa looga baahan yahay muddo 7 maalmood ah, iyaga oo sida oo kale deeqbixiyeyaasha iyo khuburada Serverka loo xil-saaray oo ah Niman Ingiriis ah ay Addis Ababa kula soo kulmayaan ka dib ugu soo laabanayaan Magaalada Hargeysa.
Wax badan ayaa noo qabsoomay, marka u horaysa xog baanu urursanay, intaa ka sokow qolada deeqbixiyeyaasha hawl baanu ka sugaynay oo ku jirtay heshiiska oo ahayd inay soo saaraan liiska oo ay keenaan cida khibrada u lahayd Serverka, ta aanu u baxaynaa waa taas, ta labaadna waxa weeye Tababar baanu laftayadu u baxaynaa oo Komishanka hore maanu soo ahayn, labadaas oo isbarkan ayaanu u baxaynaa.”

 

Xubnaha Komishanka waxa socdaalkooda ku wehelinayay Agaasimaha Guud Mr. Cabdiraxmaan, Xeel-dheere Dhalinyaro ah oo u dhashay Somaliland takhasus gaar ahna u leh Serverka iyo culuunta IT-ga oo lagu magacaabo Cumar Taani iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hawl-wadeenada Komishanka, waxaana magaalada Hargeysa ka qaaday Diyaar gaar ah oo loo soo diray.

 

Source: Somalilandpress

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)