Somaliland

Somaliland: A Poem Dediticated to Gaariye by Bashir Goth

October 2, 2012   ·   2 Comments

gaariye33

GAARRIYE HADDUU TEGAY, MA GOBLAMAY AFKEENII

With the death of Mohammed Hashi Damac (Gaarriye), the Somali people have lost a great poet and a literary custodian. Apart from the many masterpieces and deeply intellectual poetry that he left behind, Gaarriye will be remembered in particular by his monumental efforts in founding and teaching the metrical structure of Somali poetry. He is to the Somali poetry as what Al Khalil ibn Ahmed Al Farahidi is to Arabic poetry.  I was honored to have met Gaarriye in 1997 when we both participated in a poetry evening at a fund-raising event for Amoud University in Abu Dhabi. One cannot find words to mourn the loss of such a literary giant, but silence at such a great calamity is not an option from a fellow poet. Therefore, I wrote the following elegy to capture at least some glimpses of his memory as a poet.

Abiidaba nin loo go’o

Oo lagu galaashiyo

Geesigu ma waaree

       *****

Gaarriye hadduu tegay

Tixdu gibil madaw iyo

Geybmaar ma xidhatoo

Ma goblamay afkeenii

Ma gaagaxday odhaahdii

Ma gallooftay heestii

Gegyigiyo dadkeenii

Carraduu ka goohoo

Gucumaale aariyo

Siduu yahay gudgude roob

Gurxanka iyo yeedhmada

Ka gariirin jiray iyo

Ma gammiintay ciiddii

          *****

Wallee gabay mug weyn iyo

Murti  gaaxinteediyo

Ma la hoyday geeraar

Iyo garasho waaayeel

          *****

Wallee geed adayg iyo

Durdur aan gudhayn iyo

Halyey lagu gabbada oon

Gibidhsiga aqoon iyo

Abwaan erayaduu gano

Goonyaha dalkoo idil

Laga goosan jirayoo

Goobtii la joogaba

Guubaabadiisiyo

Xikmaddiisa gaarka ah

Gaarriye siduu yidhi

Gundhigga iyo sheekada

Lagu goyni jiray iyo

Gole laga dab qaatiyo

Godol reera deeqiyo

Ma ahaa gob iyo qodax

          *****

Gaarriyow gobaad iyo

Nin sidaada geeddiga

Guluf iyo colaad iyo

Guri ba’ay dul joogsaday

Oo gacal wanaagiyo

Nabad soo gardaadshoo

Ka gilgishay xumaanoo

Taariikh gu’ weyn dhigay

Geeridu ma duugtee

          *****

Af Soomaaligaad galab

Iyo goor arooryaad

Sidii geenyo shaaximan

Goobayn taqaaniyo

Galladdii Ilaahay

Gaar kuugu deeqaan

Kugu sii galbiyayoo

Tix baan kugu gunaanaday

*****

Guullana firdawsiyo

Inuu goobta aakhiro

Guryo samo ku geeyaan

Duco kuugu guusoon

Gurmad kuugu soo diray

-Bashir Goth, Oct.1, 2012.

 

 Source: http://hanua.blogspot.com/

By

Tags: ,


Readers Comments (2)

  1. Idris Youssouf Elmi says:

    Gaariye miyuu tagay?

    Hanadow guyaal iyo guyaal iyo gaddaan joogo.
    Gusooriyo wixii hoog la maray gamana loo diiday.
    Anoo gaban nimankii I baray gololodii heesta.
    Godka iyo sarbeetana raggii gorofka ii buuxshay.
    Raggii garashadoodiyo aqoon gubiyo siinleyba.
    Gashaanqaad kuwii iga dhigee gabay I naasnujay.
    Gaaxdood maansadaa raggaan galangal-nuugaayay.
    Midkoodi u gaafbaxay xarriir erey la guud saaro.
    Midkoodi golii lagu kulmaba gees u hadal diiday.
    Midkoodi siduu Guule yidhi godob ka dheeraaday.
    Misaanka maansada gingiman dhab uugu gulaystay.
    Gurdanraac codkiisa danani jirey guguc sidiisiye.

    Ina Guri Barwaaqow waxaa gama'a I diidaya.
    Hawraarbaa godkeed jabay galowgu suu sheegay.
    Hoheey Gaariyey igu dhaheen xalayto geeryooye.

    Anoo garan nafley waxay sugtaa sacaday gu'iye.
    Anoo garan inay ruux waliba seeftu guud taalo.
    Anoo garan inaan geedinay maalin galabteeda.
    Anoo garan inaan galin tagaa soo god-noqonaynin.
    Geeridu xaq weeye runtii tanise waa gaare.

    Gu'baa tagey, garaadbaa godgaley gudin afbeelkeeddhe.
    Gooc maansada lagu yiqiin, gole madowgiisdhe.
    Guubaabo doorkay lahayd, gollibaa ciyidhe.
    Aqoon godol halkii lagu ogaa waa galgaltaasdhe.
    Hadalkuu gun-raaciis yiqiin gibil dhaciisiidhe.
    Wax-sheegii an gaarkowlaha gocashadiisidhe.
    Dugsiguu garaadkow ahaa goobis lagu sheegdhe.
    Gabaygaad martirisaad gugii geelu ku cabaadhe.
    Godob-reeb facca soo socda garan hummaageeddhe.

    Garashadu Allay gaar u too geeri loo dhalaye.
    Ifku waa gar lagasii socdiyo malaha guulguule.
    Ereygii gardhaladeed na tidhi waa laguu garanee.
    Naxariista Gullaan baryee gogol jannaad jiifsan.
    Godka nuurle Eebbaan barye garab Rasuul joogso.
    Maalinta la wada giigsanyee noole garanwaayay.
    Noqo Guule kii hadhkiis gaar u wada siiyo.
    Samir baan gudoonsaday dhabtii gar iyo gurteedba.
    Ana waan gaf badanee Raboow guusha ha I seejin.

    Idiris Yuusuf Cilmi.
    1er au 2 octobre 2012 à 5h00.

  2. samir iyo iiman, booka xasusta ayu ku ghoranyahe ee somalied waxan gubabo u dirayaa daad ka somalied inayna iilobin inay jiira raag magaac iyo mamusle oo tarihk.
    da iin lagu dhigo.


You must be logged in to post a comment.

More in Somaliland (478 of 1548 articles)
IDP CAMP INHARGEISA