September 26, 2009 · 1 Comments
Hargeisa (Somalilandpress) Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa Xalay Casuumada Casho sharaf ah usamaysay Ducfacdii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Admas University
Tirada ardayda Casuumada loo fidiyay oo dhanayd 235 Arday oo dhamaysay kuliyadaha kala duwan ee Lagu qaato jaamacada Admas. Munaasabada Casho Sharafta ahayd oo xalay lagu qabtay Hotel Mansoor ee magaalada hargeisa ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuulyiin ka tirsan Shirkada Isgaadhsiinta Telesom, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Admas University, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale oo aad utiro badan.
Munaasabadasi waxaa hadal kooban ka jeediyay Madaxa Suuqgaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha shirkada Telesom Maxamed Isaaq Cilmi waxaanu uu sheegay in uu ku faraxsanyahay ka soo qayb galka Casuumadan ay shirkada Telesom u fidisay Dufcadii ugu horaysay ee ka qalinjabisa Jaamacada Admas, waxaana uu xusay in ku dhiiri galinayaan Dabaaldaga farxada oo ay ardayda qalinjabisay la wadaagaan, Maxamed isaaq waxa uu xusay inay Muhiimada Saarayaan markasta horumarka bulshada ee Dhinacyada Aqoonta iyo horumarka Somalilandba.
Waxaana uu ku dheeraaday inay mar walba heegan uyihiin wixii ay uga baahdaan, isaga oo xusay inay Telesom Tusaale wanaagsan u tahay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland.
Ugu danbayntii waxa uu ku dhiiri galiyay Maxamed Isaaq Ardayda ka qalin jabisay jaamacada Admas inay sii wadaan Aqoontooda oo aanay halkaa kaga hadhin. Waxaa isagun Xafladaasi Hadal kooban ka jeediyay Mustafe Aadan Muuse oo ka tirsan Masuuliyiinta Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Telesom, waxaa uu sheegay inuu ku aad ugu faraxsanyahay in Shirkad ahaan ay la wadaagaan Farxada iyo Damaashaadka Qalinjabinta Dufcadii ugu horaysay ee ka baxda Jaamacada Admas.

Mustafe Aadan waxaa uu ku dhiiri galiyay Ardayda jaamacada Admas inay Shirkada Telesom heegan utahay wixii horumar ah ee kor loogu qaadayo Aqoonta, isaga oo xusay inay Telesom diyaar utahay inay kala qayb qaadato, Ardaydana looga Baahanyahay Dadaalkooda inay Muujiyaan.
Munaasabadaasi oo ay hadal kooban ka jeediyeen qaar ka mid ah Maamulka Jaamacada Admas ayaa aad uga mahad celiyay shirkada telephonada ee Telesom Casuumada dhiiri galinta ah ee ay ufidiyeen Ardayda jaamacada Admas, iyaga oo ilaahayna uga baryay inuu Khayr iyo Ajar ugu badalo.
Madaxa Adeega Casriga ah ee ZAAD Service Mr. Cabdiraxmaan shire ayaa isagu Ardayda ku wargeliyay muhiimada uu u leeyahay adeegan casriga ah, maadaama ay yihiin kuwa loo baahan yahay inay la jaanqaadaan horumarka technoolajiyada, isaga oo aad uga qosliyay martisharaftii ka qaybgashay casho sharaftaasi.
ugu dambayntii Aqoonyahanada Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna ka hadashay kulankaasi casho sharafta ah ee shirkada Telesom kula dambaaldagaysay Aqoonyahanada cusub ee ay soo saartay Jaamacada Admas ayaa bogaadisay guud ahaan Ardayda ka qalinjebisay jaamacadaas, gaar ahaan hablaha bay tidhi maadaama ay AFar hablood Afar kuliyadood oo kala duwan kaalmaha koowaad ka galeen, guud ahaana Jaamacada ay ugu saraysay Ardayad magaceeda la yidhaahdo Faadumo Cawil Xirsi, Saddexda Hablood ee iyaguna Saddexda kuliyadood ee kale kaalmaha ugu horeeya ee koowaad ka galay ayaa magacyadoodu kala yihiin, Amaal Cabdiqaadir Xirsi, Nuura Axmed Maxamed iyo Hana Maxamed Xirsi.
Maaha markii u horaysay ee ay Shirkada Telesom casuumad noocan oo kale ah, isla-markaana ay ku dhiirigelinayso koboca aqoonta ay u qabato Arday reer Somaliland, balse sanad walba Ardayda ka qalinjebisa jaamacada ayay u samaysaa casuumad noocana, dhiiri-gelinta ardayda jaamacada waxay shirkadu u qabatay oo u dambeeyay Tartan aqooneedkii ay Jaamacadan Admas kaalinta labaad ka gashay ee dhexmaray 5 jaamacadood ee gaarka loo leeyahay magaalada Hargeysa ka jira.
sidoo kale, jaamacadaha kale ee wadanka ayay shirkadu si joogto ah ula socotaa dhiirigelinta, iyada oo dhinaca kalena hawl-wadeeno badan oo shirkada ka tirsan ay sanad walba ka soo baxaan kana aflaxaan jaamacada Somaliland.
\

Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Telesom, Maxamed Isaaq iyo cali Cajab


Mustafe Aadan iyo Madaxa Zaad Service Cabdiraxmaan Shire








Email this story
By Abdiqani
Waa farxad weyn..