Opinions

Shiikh Shariifow Dhibaatada Somaliland Waa Loo Geystay Somaliyase Iyada Ayaa Isu Geysatay.

November 22, 2009   ·   5 Comments

Shir jaraa`id oo uu madaxweynaha Somalia, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ku qabtay madaxtooyadiisa bishan Noofambar 20da, 2009 ayaa waxa uu ku sheegay in Taliskii Siyaad Barre aanu si gaar ah dhibaato ugu geysan ummadda Somaliland laakiinse uu Somalida oo dhan u wada gesytay dhibaato. Hadaalkaas Shariifku waxa uu muujinayaa inaanu wax aqoon ah u lahayn taariikhdii midnimada (1960-1990) iyo sababihii dhashay dagaalladii Sokeeye ee dhexmaray Somaliland iyo Somalia. Waxaa kale oo cad inaanu Shariifku aqoon dheer u lahayn siyaasadda oo uu si fudud u dhaho hadallo gef weyn ku ah ummad. Waxaa kale oo hadalka Shariifka ka muuqda inaanu kalaba garanayn waxa ay ku kala duwanyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Puntland ee ka tirsan Somalia waayo waxa uu uga hadlaa si isku mid ah.

Shiikh Shariifow maalintii Moxamed Siyaad Barre ka huleelay Muqdisho oo ahayd January 26, 1991, Xamar dad iyo daaraba way dhisnayd oo way badqabeen marka laga reebo dhibaatadii koobnayd ee uu geystay dagaalkii Talsikaas lagu riday ee ka socday Muqdisho mudadii 26ka maalmood ahayd (January 1st ilaa January 26) halka Hargeysa iyo Burcaba dunsanaayeen, dadkooduna qaxooti ku ahaa Itoobiya waagaas, dhibaatadaas oo uu geystay Taliskii Siyaad Barrre ee aad difaacayso maanta. Haddaad indhaha ku kala qaaday Muqdisho oo dunsan iyo dadkeedii oo Kiiniya u qaxay, uma geysan Siyaad Barre ee waxaa dhibaatadaas isu geystay dadka Somalia (Koonfurta) kadib markii uu dhacay Taliskii Siyaad Barre. Xamar laba jeer ayay burburtay kuwaas oo kala ahaa: Dagaalkii ka dhex-qarxay Abgaal iyo Habargidir ee bilowday Noofambar 11dii, 1991 iyo dagaalkii Itoobiya lagu soo hoggaamiyay Somalia ee socday sannadihii 2007 iyo 2008, kuwaasna Taliskii Siyaad Barre sabab uma ahayn ee waxaa sabab u ahaa oo isku dilay Muqdisho, Itoobiyana isku soo hoggaamiyay dadka Somalia (Koonfurta). Sidaas ayaa Taliskii Siyaad Barre uga mas`uul ahaa dhibaatada ka dhacday Somaliland ee aanu uga mas`uul ahayn dhibaatada ka dhacday welina ka dhacaysa Somalia taas oo ay ka mas`uulyihiin dadka Somaliyana (Koonfurta) laftoodu.

Shiikh Shariifow, adiga oo lagugu tuhmayo inaad Diinta Islaamka wax ka taqaan, ayaa waxaad muujisay inaad la caqli iyo garaadba tahay madaxdii Somalia (Koonfurta) oo intay dembiyo culus ka galeen ummadda Somaliland dafirijiray waayo waxaad ka xishoonweyday in aad dafirto dulmigii weynaa iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay ummadda Somaliland. Waxaa la yidhi, “Mulaca carruurtu ciyaar-ciyaar bay ku dishaa isna waa u qudh-gooyo.” Dafiraadda aad inkirtay xasuuqii, burburkii, qaxintii, kufsigii, dhacii iwm ee Somalia kula kacday ummadda Somaliland intii u dhaxay 1982-1990 waxay sii xoojinaysaa go`aankii ummadda Somaliland ku gaadhay inay xornimadeedii ay kala soo noqotay Somalia sannadkii 1991. Shariifow ummadda Somaliland kaama rabto inaad ka raalligeliso hadalladaas gefka iyo inkiraadda ah sababta oo ah waxaad u muujisay cadaawad aad ku dheel-dheelayso dhibaatooyinkii loo gesytay arrintaas oo kalena lagama aqbalo raalligelin. Waxaad ogaataa inaadan joogin maalin aad ka hadashid Somaliland adiga oo gurigaagu gubanayo, madaxtooyadana ku eg.

Waxaad kale oo Shariifow aad hadalkaaga ku xustay in aanay Somalidu kala maarmikarin adiga oo u cuskanaya in Somalidu tahay dad isku diin, af, dhaqan, iyo midab ah. Haddii arrintanu run ahaan lahayd, waxaa midoobilahaa ama fadaraal samaysan lahaa dalalka carabta asalka ah oo ka kooban 17 dal oo xor ah kalana madaxbanaan kuwaas oo kala ah: Algeria , Bahrain , Egypt , Iraq Jordan, Kuwait , Lebanon , Libya , Morocco , Oman , Qatar , Saudi Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates , Yemen iyo Sudan. Wadaagga diinta, afka, dhaqanka, iyo midabka maaha wax lagu qancikaro oo lagu wadaagikaro midow ama fadaraal ama sabab u noqonkara inuu sii jiro haddii lagu heshiinwaayo. Cadaaladda iyo xukun-qaybsi loo simanyahay (Justice and fair power-sharing) ayaa ah shuruudaha ugu muhiimsan ee midow ama fadaraal ku jirikaro, waana arrinta ay Somalia ku guuldarraysatay inay fahamto xilligii midowga (1960-1990). Maantana kuwii ka mas`uulka ahaa ama taageersanaa burburkii midowga ee sacabka u tumayay xasuuqii iyo burburkii ku dhacay ummadda Somaliland ayaa u qaylinaya midnimo aan uurka jirin.

Diinta Islaamku way ammaantaa waanay taageertaa midowga laakiin way ka soo horjeedaa midow u keena dhinac ka mid ah dhinacyada uu ka dhaxeeyo dulmi, burbur iyo halaag sida tacadiyadii ay Somalia kula kacday dadka iyo dalka Somaliland siiba sannadihii 1988, 1989, 1990. Figradda “Somaliweyn” waxay la mid tahay maanta figradaha “Carabweyn” oo aan la garanayn waqtiga ay hirgelidoonaan. Somalida qaar ayaa waxaa ka dhaadhacsan in Somaliland iyo Somalia oo qudha ay yihiin “Somaliweyn” iyaga oo meesha ka saaraya Jabuuti iyo dhulalka Somaliyeed ee la gumaysto taas oo ay uga jeedaan dano gaar ah. Figradda “Somaliweyn” waxay aad u soo shaac-baxday Dagaalkii Labaad ee dunida (1939-1945) ujeedaduna waxay ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed lana wada hooskeeno hal dawlad iyo calan oo ka dhalata Geeska Afrika ee ma ahayn in laba qudhi is-raacdo loona arko “Somaliweyn”. Somaliland mardambe ma noqonayso raq fudud oo 5ta Somaliyeed u soo wada hilib-doontaan sidii ay ahayd xilligii midowga.

Go`aanka madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh oo qudha ummadda Somaliland mana aha waxay ka noqonkaraan madax iyo xisbitoona. Ummadda Somaliland waxaan leeyahay waa kaas caqliga ka Somalia (Koonfurta) ugu sarreeya maanta ee muujinaya in caqligii Somalia (Koonfurta) ku boobtay dawladdii midnimada ee 1960 aanu wax isbedel ah samayn maanta oo la joogo 2009, caqliga sidaas ahna ma istaahilo midnimo dambe. Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ma sugayso Somalia, xoog laguma muquuninkaro, dib dambana looma dagikaro.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (5)

  1. Jubba says:

    This sort of articles are ridiculous and totally unnecessary, everyone knows the history and events that took place, besides why do Somalilanders always play defensive if someone says something? Relax people.

     Reply
  2. muxumed says:

    xagjir xidid aasad dheer ku jira yaad tahay, xaqiiqdii soomaalidu way kala irdhawday dhibna way isu gaysatay in lagusii talax tagana ma aha, dadku waa dagaalamaa, waana la nabdoobi karaa ee maxay waxaasi udhacay? inaan nidhaahno kuna celcelino waa mid keeni karta uun jaahwareer aan dhamaad lahayn tan ay maanta kujirto Somalia, soomalina wax laqabsan la,dahay waa iyadoow soo shaac baxday in nin walba meeshiisa dhufays ka galay intay taasi ka dabar go,aysana meel gaadhi mayso shacabka ree sl walaaltinimo buuxda yaan uhayaa horumar nabad cadaalad inay ku naaloodaan waa mid aan ku taamayo somali idilkeedna sidoo kale.

    Ibrahin in badan oo shacabkan aad ka dhalatay ah kulama qabaan fikirkaas adi yuu gooni kugu yahay kumana hadli kartid codka aqlabiyada aamusan mana matashid Awdal,sool,sanaag,cayn,burco intuba somalia taageero buuxda yay uhayaan, umadiinaa soomaaliyeed dhan karaaca iyadaad waxaad rabtaan ku gaadhaysaane madaxna ka noqda waan idin ku garab istaagaynaaye.

    Hin biriirsi wax arag ma aha! siyaasad gudhan yay dhamaan somalidu ka siman tahay; waxaad u fiirsataa hada intaad iskiin isu maamulayseen waa la dhihi karaaa dhankiina nabad baa jirta marka lo eego koonfurta hayeeshee iyadooy jireen xukuumado wadanka dibadiisa lagu soo dhisay wadanka ku soo laabatay waxay ka badaleen majirto burburkii iyo daryaankii rasaaseed ee dhacayay waa halkeedii, waa mid lagu mahdiyo waqooyi inay xaaladaas ka duwantahay waxaana dhihi karaa waa talaabo ay horay uqaadeen walaalaheen waqooyi, waxaana dhihi karnaa bud dhiga nabadaynta somalia yay noqon kartaa, Alle ha u naxariistee Mudane Cigaal isagoo xilka walaalaha waqooyi u dhiibteen madaxwaynana u ahaa ayuu waraysigiisii uugu danbeeyay ku sheegay,Bbc qaybteeda laanta Afka soomaaliga ah

    "soomaali makala maarmi karto wax dan ahna uuguma jirto inay kala qoqobnaato inta la bogsanayo yaa lakala maqanyahay ee burburkii ssoo gaadhay guryahana laga dhisan mid haboona ma aha kala irdhoow abid ah" Eebow unaxariiso siyaasi rug cadaa ah yuu ahaa daneeyn buuxdana ka muuqatay.

     Reply
  3. daahir says:

    siyaasadani waa tee

     Reply
  4. Gobaad says:

    Why don't we just give them conditions that they may possibly refuse. Okay, you a Federal Somali Government? Here are the conditions: (1) First and foremost, they have pay restitutions for the death and destruction they have cause us. (2) Admit death and destruction of Somaliland and apologize publically. (3) Hargeisa has to be the capital of the Federal Government. (4) Our flag has to be the Federal Government Flag and (5) The Federal President has to be a Somalilander for the next 30 years.

    After that we can rotate the position of the President with a limit upto four to five years.

    Otherwise, we are better of without the rest of you. With the illdevised union we fall backwards and behind our progress 50 years. What a waste of time!

    Their denials of what they done people and coubntry and their continuous attacks on Somaliland, is a proof of what kind of people are and will only strengthen of decision of standing alone.

     Reply
  5. Warfaa says:

    I'd add every prominant ministerial post such as defence minister, foreign minister and finance minister all need to be held by Somalilanders.

     Reply