August 18, 2009 · 1 Comments
HARGEISA, 18 August 2009 (Somalilandpress) – Waxaa farxad ii ahayd martiqadka iyo kaqaybgalka munaasibad qiimo lahayd oo loogu talagalay furitaanka naadiga akhriska ee degmada sheekh oo loogu magacdaray degmada loona bixiyay SHEEK READERS CLUB madashan ayaa ahayd madal aad loosoo qurxiyay oo ay soo agaasimeen dhalinyoro qiimo iyo qaayo leh halkaas oo anagana naloogu soo dhaweeyay si xurmo iyo sharafiba kudheehantay.
Munaasibadan ayaa ahayd mid bulshada reer sheekh iyo dhamaan marti sharaftii kasoo qayb gashayba ay uriyaaqeen farxad iyo rayn rayna galisay horumarka ay gaadhay dhalinta degmada sheekh, bulshada ku dhaqan iyo dhamaan mujtamaca jm somaliland ku dhaqan.
Madashan ayaa ay kasoo qayb galeen gudoomiyaha degmada sheekh iyo kuxigeenkisa waxaa kaloo kasoo qaybglaay naadiga akhriska burco HALKARAAN READER CLUB IYO NAADIGA BERBERA EE BERBERA READERS CLUB iyo ardayda dugsiyada kala duwan ee degmada sheekh kuwaaso ahaa kuwa ladoonayo inay naadiga kor uqaadan oo ay wax akhriyaan run ahaantii waxaa wajiyadooda hadhaysay faraxad aad u heer saraysa oo nuurka kasoo boo dayaa ayaad moodaysay inay faladhaha cadceedu dhinac naga hayso. waxaan odhankaraa arday kastaa iska daa xisaha iyo farxada oo kaliyee waxaa uu niyaysanaayay buugaagtii uu akhriyi lahaa iyo waliba kii uu soo bandhigi lahaa.
Run ahaantii munaasibadan waxa ka hadlay ugu horayntii Ismaaciil Xuseen Cali oo kamid ahaa ardaydii dhamstay dugsiga sare ee sheekh islamarkaana ah arday jamacada suudan katirsan waxaa uu ujeediyay mahadnaq iyo hanbalyo aad ubalaadhan dhamaan martishaftii isugu yimi munasibadaa.
waxaa uu kahadlay dulucda wax akhriska iyo qoraalku leeyahay waana ta munasibadan loo furay waxaa uu sheekay inay sheekhtay degmadii ugu horaysay ee naadi laga furo waxa uu intaa kudaray caqabadaha bulshada kaga horyimi markay fikirkan hirgalinaayeen waxa uu yidhi waxaa aad noogu adkatay kadhaadhicinta bulshada kalmada club oo ah ta naadi kasta magaciisa ugu danbaysaa taaso ay bulshadunagu dhaliishay iyagoo ka haystay fikir khaldan oo ah in club layidhaahdo oo kaliya meelaha baararkaa markaa ay moodeen inaanu wadno sumcad daro sikastaba ha ahaatee waxanu kuguulaysanay inaanu ka dhaadhicino oo ay uqaatan sida saxda ah. waxa intaa udheerayd ismaacil inay kufaraxsanyihiin oo ay heegan u ahaan doonaan naadigan ka hirgalay demada sheekh.
waxa isna kahadalay Maxamed ibraahim faa’iidada wax akhrisku leeyahay maxamed wuxuu muujiyaay dareen uu ku taageerayo furitaanka nadiga sheekh kadib waxa uu kahadlay wax akhriska isagoo tusaale usoo qaatay Cali Binu Abidaalib Alle ha karaali ahaadee xadiis uu kaga waramayo aqoonta taso ahayd aqoonta hadii aad bixiso way badataa laakin hadaad maalka bixiso wuu yaraada,aqoontu way ku hagtaa see maalka adigaa haga.
waxaa kaloo madashaa waano alle kacabsi badan xanbaarsan kajeediyay sheekh kamid ah sheekh yada degmada mudane Macalin Axmed waxa uu inbadan kuu waaniyay umada islaamka inay illaahay agtiisa markastaba udhawaadaan oo ay alle kacab siga badiyaan iyo tixraaca sunaha nabigeeni subanaa (N.N.K.H) sheekhu waxaa uu yidhi waynaanta iyo karaamaynta alle ayaa guul kasta lagu gaadha ee da’yarta waxan kula dardaarmayaa inay ku xeel dheeraadaan qawlka illahaay iyagoo ku dadaalayaa barashada cilmiyada kalena waxaa uu tusaaale sheekhu usoo qaaday in gaaladu midaysanyihiin balsee aanay islaamku midaysnayn waxa uu kusoo gaba gabeeyay duco ah in illahaay umada nabi maxamed (C.S.W) danbigooda dhaafo aamin aamin ayaynu inaguna leenahay.
waxaa hadal xigmad waano iyo waxtarbaleh kasoo jeediyaay madashaa Axmed Abokor oo kamid ah dhalinta firfircoon ee uu ku dhisanyahay naadiga akhriska berbera readers club waxaa uu soo jeediyay salaan aad u qimobadanayd,mahad naqad iyo guubaabo uu ku dhiirigalinayo dhalintii is xilqaamay iyo dhaman bulshada reer sheekh.
Axmed waxa uu yidhi waxaa noo farxad ah in naadi laga sameeyo degmada sheekh oo kamid ah gobolka saaxil maadama ay noqotay dagmadii ugu horaysay ee naadi laga furo.
waxaa uu sheekay isagoo ay soo wakiisheen naadiga akhriska haragaysa readers club inuu uga sido hanbalyo ay ku faraxsanyiin furitaanka naadiga iyagoo ahaa nadigii ugu horeeyaay ee laga sameeyo dalka. waxaa uu intaa ku daray inay jaamac muse jaamac iyo jamaal cali xuseen oo kamid ah qoraayaasha reer somaliland ee qurbojooga ah ay soo fareen fariin ah hanbalyo islamarkaana ay kagudoomeen bulshadii degmada sheekh.
Waxaa isna hadal xusho iyo milge badani kudheehanyahay kasoo jeediyaay munaasibadaa isku xidhaha naadiga akhriska burco HALKRAAN READER CLUB Jaamac Axmed Maxamed waxaa uu ujeediyaay mahad naq balaandhan bulshada reer sheekh sida fiican ee ay noogu soo naweeyeen martiqadka xafladan oo runtii noo wada dan ahayd dhamaan naadiyada akhriska dalka. jaamac waxaa uu sheekay inay ku faraxsanyihiin dhamaan xubnahaa naadiga halkaraan furitaan ka naadi cusub oo ay heegan uyihiin horumarka wax akhriska iyo qoraalka islamrkaana ay hiil iyo hooba lagarabtaaganyiin naadigan cusub ee degmada sheekh ka hirgalay 15/8/09 waxaa uu yidhi noqdaa kuwo fikirkaa ay imika hindiseen kusii adkaadaa waxaa uu tusaale usoo qaaday guushu way fududay sida lagu gaadhaa ee waxaa adag sida loogu sii adkaado waaritaankeeda.
Hadaba waxan leeyaay bulshada reer sheekh gaar ahaan dhalintii isku soo hawshay waan hubaayo hurumarbaad gaadhaysaane himiladiina fogeeyaa oo yuu hadifkiinu noqon hal bacaad lagu lisay ee ku da’daala sidaa dalka wax uga badalilaydeen fikrado cusubna ugu soo kordhinlaydeen, waxaa uu yidhi waxaan xasuustaa maalintii nadiga aanu burco kafuraynay inay caqabadan idin hortaala maanta ay nahortaalay balse aanu hada kagudubnay markaa waxaan idiin ogay inaydun maalindhaw ka gudbidoontaan waayo horaa looyidhi geesinimadu waa cagaha oo dhulka lagu siiyara hayo ee idinku udhabar adaygaa hawshaa hada farasaarteen samirna kudaraa horaa looyidhi samaraa sadkii hela. waxaa kale oo uu ka dhawaajiyaay inay deeq buugaag ah soo gaadhsiin doonaan naadiga sheekh readers club.
waxaa iyana hadal murtileh kasoo jeedisay Iimaan oo ah runtii inaan dhalinyoro ah oo aad ufirfircoon kana mid ahayd dhalintii fikirku kayimi in naadiga sheekh lasameeyo imaan waxay sheegtay inay tahay dhalint wax akhriska jecel waxay tidhi sababta nagu kalifktay waa markaan daraasad kusamaynay dhalinta badankeedu kaabadaha fadhiyaan ee waxna qayilayaan waxna sigaarka isu dhiibayaan taasa aniga igalisay calool xumo aad u murugo leh naguna kaliftay inaaanu fikirkan midayno islamrkaana waxaan rajaynayaa inaanu ka midho dhalino xilkan culus ee aanu dooranay.
waxa hadal masuulnimo kasoo jeediyay gudoomiyahaa degmada sheekh mudane Ibraahin C/laahi Cabsiiye runtii waxaa uu yidhi waxaan ukacay inay niyo samid aan ku niyo samay furitaankaa naadiga degmada sheekh runtii guubo iyo dhiri galin hadhayba garan maayo ee waxaan kuladardaarmayaa dhalinta inay halkaa kasii kordhiyaan dadaalka oo ay u dhabar adaygaan mawqufkooda anaguna waxaanu lagarabtaaganay wax alle wixii ay nooga baahdaan muuq iyo maalba.
gabagabadii waxaaa deeq buugaag ah gudoon siiyay isku xidhaha naadiga berber idiris xusseen C/laahi
by Nuura happy Maxamed Cali
(halkaraan readers club)
E-mail sadaashuwaaguul@live.com
nura_hapned@hotmail.com
Email this story
By Hassan Ali
Tags: Readers Club, Sheekh, Somali, Somaliland, Xaflad, Youth
Horta marka hore Hanbalyo weyn ayaan u soo jeedinayaa madashii cilmiga ee Sheekh. Meel gooniya oo halbowlaha igaga taalla weeye Sheekh, waana meeshaan ka bilaabay Uulada iskuulkii ugu horeeyay ee aan dhigto weligay. Sidoo kale waxaan hanbalyo u soo jeedinayaa gabadha qortay maqaalkan sida farshaxanimada leh ee ay u soo gudbisay wixii madasha ka dhacay.