November 20, 2009 · 0 Comments
HARGEISA, 20 November 2009 (Somalilandpress) – Guddoomiye Ku-xigeenka xafiiska hay’ada wadaniga ah ee HAVOYOCO ee dalka Ethiopia Maxamed Cilmi Aadan [Ilkacase] ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba joojiyey hawlihii samo-falka ahaa ee uu muddooyinkii danbe ka shaqeynayey, isla markaana uu siyaasadii uu ku biiray, loona baahan-yahay in la taageero.
Sidaa waxa uu Ilkacase ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Sumer Time ee Magaalada Hargeysa, waxaanu madashaa ka cadeeyey inuu ku biirey Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.
Maxamed Cilmi Aadan [ilkacase] oo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Aniga soo qabtay xilal kala duwan oo hay’adaasi ah, kana mid ahaa asaasayaashi hay’adaasi, isla markaana waxaan ahaa agaasimhii fulintii, guddoomiyaha HAVOYOCO, imikana aan ahaa guddoomiye ku-xigeenka qeybta hay’adaasi ee dalka Ethiopia labadii sanadood ee u danbeeyey”.
Mar uu Maxamed Ilkacase ka hadlayey u jeedada uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “U jeedada aan maanta isugu kiin yeedhay waxa-weeyaan inaan bulshada reer Somaliland iyo bulshada kale ee aan la shaqeyn jiray-ba u cadeeyo, lana socodsiiyo inaan u ban-baxay arrimaha Siyaasada, oo aan faraha ka qaaday hawlihii samo-falka ee laygu yaqaanay, Sababta oo ah anniga oo wax badan ka soo qeybtay arrimaha bulshada, muddo dheerna ka soo shaqeynayey ururka HAVOYOCO iyo ururo kale oo badan oo ka mid ah ururada NGOs-yada Somaliland Civil Society-ga, sida Cosongo, Samo-talis, Shuro-net, CPM,annigoo intaas-ba ka mid ahaa asaasayaashi kana soo shaqeeyey waxaan door-biday wixii maanta ka danbeeya inaan uga diga-rogto dhinaca Siyaasada,oo aan is-leeyahay wax badan ayaad ku kordhin kartaa bulshada Somaliland, isla markaana loo baahan-yahay dhiig cusub oo ku soo biira siyaasada iyo geedi socodka Somaliland”
Isaga oo hadalkiisa si watana waxa uu yidhi “Maadama aanu Sharciga HAVOYOCO ogolayn inuu qofku Siyaasadna ku jiro samo-falna uu ka shaqeeyo, waxaan halkan gebi ahaanba ka cadeynayaa xilkii iyo hawlihii aan ururkaa Havoyoco u hayey laga bilaabo maanta aan iska casilay, kuna biiray Xisbiga KULMIYE, oo aan rabo wixii aan ummada tari karayo ee kartidayda iyo garaadka ah inaan ku kordhiyo,”.
Md. Ilkacase Waxa uu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland iyo cidkasta oo wanaag la jecel inay taageeraan Xisbiga KULMIYE.
Mar la weydiiyey su’aal ahayd, Ilkacase maxaad ku xulatay inaad Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE aad ku biirto? Waxa uu ku jawaabay “Meesha aan isleeyahay waxbaa laga sixi karayaa waa Xisbiga KULMIYE, isla markaana wadanka horumar gaadhsiinkara”.
Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Maxaa wakhtigan kugu dhaliyey inaad Siyaasada ku soo biirto, iyadoo aad hore Civil Society-ga uga shaqeyn jirtay?, waxa uu ugu jawaabay, “Wakhtigani waa xiliga ugu haboon ee aan is-leeyahay wax ayaad soo kordhin kartaa”.
Maxamed Cilmi Aadan [Ilkacase] waxa uu ku caan –baxay, isla markaana ka shaqeeyaa hawlaha Samo-falka, ee ururada bulshada, waxaanu caan ka yahay Somaliland gebi ahaanteed, laakin dadku waxay aad isku weydiinayaan waxa uu wakhtigan lagu tilmaamo Siyaasada midabada badan ee Somaliland aqoon-yahankan shaaciyey maanta inuu ku biiray Siyaasada u muuqday.
Source: hadhwanaag News
Email this story
By Hassan Ali
Tags: Hargeisa, HAVOYOCO, Kulmiye, Siyaasad, Somaliland, Xisbi