Somaliland

Muxuu Daarnaa Kulan ay Xalay Wada Yeesheen Xisbiyada Mucaaradku?

July 21, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Ku-simaha Gudoomiyaha, ahna Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID, Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa sheegay in kulan ay xalay isugu yimaadeen labada xisbi ee mucaaradku ay kaga wada-hadleen sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen qodobada ka dhiman shuruudihii deeqbixiyeyaashu ku xidheen sii daynta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Madaxtooyada ee kala ah bedelaada hogaanka komishanka doorashooyinka iyo qorshaha nabadgelyada ee doorashooyinka.
Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID waxa uu sheegay inay kulankoodii xalay ay kaga wada-hadleen sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen labada xisbi arrimahaas, isla-markaana ay talo-wada jir ah uga qaadan lahaayeen. Waxaana uu xusay inay u balansan yihiin beri Arbacada Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka iyo Hay’ada interpeice kulan ay kaga wada hadli doonaan sababaha keenay dib-u-dhaca natiijada hordhaca ah ee diiwaan-gelinta, maadaama ay wakhtigaas ku egtahay mudada ay hay’ada interpeice hore u qabsatay inay ku soo bandhigto natiijada hordhaca ah ee Serverka iyo xogaha diiwaan-gelinta.

Waxaana la filayaa in kulankan lagu ogaan doono sababta keentay dib u dhaca, isla-markaana ay Hay’ada Interpeace laga rajaynayaa in sidii balanqaadku ahaa ay xisbiyada qaranka ugu gudbiso copy-yada xogaha ka soo baxay natiijada diiwaan-gelinta.
Dhinaca kale, waxa labadii maalmood ee u dambeeyay dib-u-dhacay kulan ay deeq-bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinku ku yeelan lahaayeen magaalada Nayroobi ee dalka kiiniya, kaasoo lagu waday inay kaga wada-hadlaan go’aankay ka qaadanayaan fulin la’aanta qodobada ka dhiman shuruudihii ay hore ugu xidheen sii daynta dhaqaalaha doorashada.
Waxa laga cabsi qabaa hadii aan la dhamaystirin qodobada ka dhiman shuruudaha ay ku xidheen sii daynta dhaqaalaha inta ka horaysay furitaanka shirka deeqbixiyeyaasha in kulankaasi ay kaga dhawaaqi doonaan inay faraha kala baxayaan guud ahaanba hawlaha doorashooyinka Somaliland, isla-markaana ay dhaqaalihii halkaas ku joojinayaan, maadaama ay hore ugu adkaysteen in aanay wax dhaqaale ah soo shubayn ilaa la fuliyo qodobada furaha u ah qabsoomida doorashooyinka.

Email this story Email this story

By

Tags: , ,


Readers Comments (0)