Somaliland

Muwaadin Ugu Baaqey Dadweynaha Reer Somaliland In Ay Mudo Kordhinta Golaha Guurtida Inta Diidani Ku Muujiyaan Mudaharaad Qoraal Ah Oo Ay Ku Xardhaan Baabuurtooda.

September 21, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)-Cali Aadan Maxamed oo kamid ah muwaadiniinta qurba jooga ah ee kusugan dalka ayaa ugu baaqey dadweynaha reer Somaliland,ee kasoo horjeeda mudo kordhinta Golaha Guurtidu xilka ugu kordhineyso Madexweyne Rayaale,in ay ku muujiyaan mudaharaad qoraal ah oo ay kusoo dhajiyaan baabuurtooda.

Mr Cali oo isagu mudo bilo kusiman mudaharaadka noocan ah kawadey caasimada Somaliland ee Hargeysa yaa sheegay in markii uhoreysay maalin kahor ay ku qabsadeen Ciidanka Boolisku mudahraadkan uu kalida kunoqdey,isagoo baabuurkiisa ku qorey xuruuf qoraal ah oo uu kaga soo horjeedo mudo jkordhin ay Golaha Guurtidu usameyso Madexweyne Rayaale,taas oo uu ku macneeyey arin aaney raali ka aheyn inta ugu badan ee Mujtamaca Somaliland.

Muwaadinkan ayaa ku doodey in uu xaq uleeyahey in rabitaankiisa ku cabiro mudaharaad aan buuq iyo qeylo aheyn oo loo isticmaali karo kan uu isticmaaley,oo ah boodhadh qoraal ah iyo waxyaabo badan oo kale,isagoo qof waliba ku dhajisan kara meheradiisa baabuurkiisa iyo meel kasta oo isaga ugaar ah isagoo arimahaa kahadlaya wuxu yidhi.

“Xaaladu hada waxey mareysaa meel adag,maadaama oo sidhibyar lagu afduubayo rayulcaamkii dadweynaha kadib markii dib loo riixey doorasho xor ah oo dadweynuhu codkooda ku dhiibtaan,waxeyna hada taagan tahey in dadweynuhu rayiga ay kaqabaan in Golaha Guurtidu mar kale wakhtigan hada lagu jiro ay inta ay doonaan u kordhiyaan Madexweyne Rayaale,ay ku cabiraan fikirkooda mudahraad qoraal ah oo qof awliba ku soo xardho Gaadiidkiisa, meheradiisa iyo meel kasta oo uu gaar uleeyahey taas oo miijineysa Xoryida muwaadinka,kolba hadii lawaayey doorasho xor iyo xalaal ah oo ay codkooda ku dhiibtaan” Ayuu Yidhi.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in aan dalka Somaliland lamid noqonin Djbouti iyo Eleteriya ,iyo Liibiya ,oo aaney shacbigoodu ku dhicin in ay cabiraan rabitaankooda,Waxanu hooosta ka xariiqey in loo baahan yahey in Golaha Guurtidu xaqiiqsadaan in dadweynaha ay metelyaan aaney raali ka aheyn talaabada ay wadaan.

“Anigu kali ayaan kunoqdey mudaharaadka noocan ah,anigoo baabuurkeyga muraayadiisa danbe ku dhajiyey xuruuf qoraal ah oo aan kaga soo horjeedo in aaney shacabka Soamliland aqbalaneynin mudo kordhin danbe oo ay Golaha Guurtidu mar kale xilka ugu kordhiyaan Madexweyne Rayaale” Ayuu Ydhi Mr Cali Aadan Maxamed.

“Waxana dhacdey in markii uhoreysey maalintii Iida maalinkii kahoreeyey ay igu qabasdeen Ciidanka Boolisku laakiin,waxa iiga hiiliyey oo iga ridey dadweyne aad utira badan sababta ay maalinkaa iisoo doonteena,waa mudo kordhinta ay foosha kuyihiin xiligan Golaha Guurtidu”Ayuu Yidhi

Gabagabadiina Mr Cali Aadan Maxamed waxa uu sheegey in xaalada xiligan lagu jiro xalkeedu yahey in Madexweyne Rayaale sida ugu dhakhsaha badan u aqbalo Dowlad wadaag ilaa inta laga gaadhayo Doorasho xor ah hadii kale aanu qorsheysan in uu kursiga kuyimaado waxey gooyeen Guurtida dhaxaltooyada kutimd meeshu raga ubadan,waxanu xusey in salaadiinta uu saacadha qaloocan u dirayo ergada dhexdhexaadinta ahi ay la macno tahey,hoosaasin uu sameynayo inta waagu beryayo mudo kordhintii uu Rayaale kacodasdey Golaha Guurtida .

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)