January 2, 2010 · 4 Comments
Berbera (Somalilandpress)- Markab Qaaday xoolo isugu jira Geel iyo Adhi oo ku sii jeeda Boqortooyada wadanka Sucuudiga ayaa caawa goor dhawayd ka shiraacday Marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Markabkan ayaa qaaday xoolo dhan 24 kun oo Neef oo Adhi ah iyo 1000 neef oo Geel, waana Markabkii Labaad ee intii ka dambaysay Ciidii Arafada xoolo u qaada wadanka Sucuudiga tan wakhtigii Sucuudigu xayiraada ka qaaday xoolaha Somaliland.
Dhaqdhaqaaqa Dekedda iyo guud ahaan camirnaanta magaalada Berbera ayaa maalmihii u dambaysay la dareemayay oo isa soo tarayay, iyada oo ay halkaasi ku sugan yihiin wakhti xaadirkan ganacsatada waawayn ee ku hawlaha dhoofinta xoolaha iyo ka ganacsigooda, iyada oo habeen horena uu Dekedda ka shiraacday Markab xoolo isugu jira Geel, Adhi iyo Lo’ uu ka shiraacday.
Shirkadda AAA (Indhadeero) oo ah iyadu shirkada xoolaha ugu badan u dhoofinaysa wadanka Sucuudiga ayaa Mustafe Cabdi Cawad oo ah Gudoomiyaha shirkadaasi waxa uu sheegay inay xoolo tiro badan ay ugu jiraan maxjarka, isla-markaana ay jiraan xoolo badan oo ku soo qulqulaya magaladaasi si halkaasi ay uga dhoofiyaan.
Ganacsade Aadan Baradho oo xoolaha nool caan ku ah ka ganacsigooda oo wakhtigan isna ku sugan magaalada Berbera oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay inay xoolo gaadhaya Kontomeeyo Kun oo Neef ay leeyihiin ka dhoofinayaan magaalada Berbera.
Dhinaca kale, markabka raashinka gargaarka u sida ayaa la sheegayaa inay hawshaasi si fiican u socot, qaybtii Afraad ee sanadkii 2009kii loo dhoofinayay, shirkad wadaniya oo Towfiiq la yidhaahdo ayaa qaadatay
Isku soo wada xooriyoo camirnaan Dekedda Berbera ayaa si wayn isha looga hayaa oo mashquulkeedu cirka isku shareerayay, iyada oo wakhtigan Dekedda uu ku sugan yahay Markab Raashin Gargaar ah u sida wadanka Itoobiya, kaasi oo lagu mashquulsan yahay dejintiisa, hawshaasina ay si habsamiya u socoto, waana markii koowaad ee shirkad ganacsi Somaliland ah la siiyo qandaraaska gaadiidka, taasoo ah shirkad lagu magacaabo Towfiiq. Gaadiidka Somaliland iyo Itoobiya ayaana si wada jir ah uga hawl-galaya daabulidda raashinkaasi.
Email this story
By Abdiqani
It's good that the livestock trade has resumed fully and it wasnt one time thing.
Waxan xoog u salamaya umada Somaliyed weliba waxa xoog u salamaya Adan Baradho oo qarabo nahay.
Somaliland and Berbera port Authority need to be extra vigilant since terrorists from Somalia are trying to target the Berbera port and animal exporting businesses like they did today. Be very careful Somaliland your enemies wish you nothing but harm
runtii wa arin farxadeed in dekediiini sidas u camirmato.
hambalayo dawlada somaliland ganacsatada somalilandba dadkina busaradii imankey ka baeesaa.
walaale waxan hakan ka salaamayaa dhamaan reer somalnd