Somaliland

Markab u Rarnaa Ganacsatada Somaliland oo Markii ugu horaysay Taariikhda ku Gubtay Duleedka Berbera

August 31, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa(Somalilandpress)- Markab noociisu yahay MC. Stars oo u rarnaa ganacsatada Somaliland ayaa ku gubana duleedka magaalada xeebta ah ee Berbera, ka dib markii dab gudihiisa ka dhashay qabsaday. Markabkan oo ka soo shiraaqday wadanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Abu Dabay ayaa sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa waxa shuf beelay guudkii sare ee rarka markabka oo ay saarnaayeen badheecadaha kala duwan, gaar ahaan maryaha loogu talo-galay Ciida Ramadaan oo ay lahaayeen bacadlayaasha iyo Bakhaarada waawayn ee wadanku.

Waxa kale oo naloo xaqiiyay in dabku gaadhay rarka dhexe oo ay saaraayeen raashiinka noocyadiisa kala duwan, waxase kale oo hadhsan dabkuna aanu gaadhin boqcada hoose ee markabka oo ay saaran yihiin gaadiid aad u tiro badan, taasoo naloo sheegay in hadii dabku gaadho ay halis gelinayso inuu guud ahaan markabku qarxo gadiidka oo ay ku jiraan noocyada Baatroolka mishiinkoodu yahay awgeed.

Maamulka dekeda berbera ayaa si wayn uga hawl-galay sida wararka ku saabsan arrintan ee aan u helay xaqiijiyeen sidii loo bakhtiin lahaa, hase yeeshee waxa warku intaa ku daray in aan loo maaro helin weli iyada oo mishiinida biyaha bada tuura laysku dayay in lagu bakhtiiyo, waxaana maamulka dekedu codsaday in halkiisa lagu bakhtiiyo markabka oo aanu dekeda u soo dhawaan. Si kastaba ha ahaatee, arrinta gubashada markabkan oo ogaalkayo ah markii ugu horaysay taariikhda ee uu markab ku gubto duleedka magaalada Berbera, ayaa waxa hadal-hayntiisu ku badnayd magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka waawayn ee wadanka iyada oo xogta wararka ku saabsan bakhtiisiina laysugu gudbinayay khadka telefoonka, bacdalaha Hargeysa oo aanu dhex-marnay caawa ayaa si wayn looga hadal hayay gubashada markab.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)