Somaliland

Markab Raashin Gargaar u Sida Itoobiya oo Ku Soo Xidhay Dekeda Berbera

December 28, 2009   ·   3 Comments

Markabkii Afraad oo Raashin gargaar u sida wadanka Itoobiya ayaa maanta ku soo xidhay Marsada Caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Raashinkan ayaa qayb ka ah gargaar bini’aadamnimo oo ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu deeqaan dadka tabaalaysan ee abaaruhu ku waxyeeleeyeen wadanka Itoobiya.

Sarkaal Sare oo u hadlay Hay’ada Cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa farta ku fiiqay in raashinka markabkani sidaa yahay kii Afraad ee noociisa ah sanadkan gudihiisa ka soo dejiyaan dekedda Berbera. Waxaana uu xusay in Markabkani raashinka uu sidaa yahay 24 Kun oo Tan.

Sarkaalkani waxa uu ku sheegay Raashinka ay ka soo dejiyeen sanadkan gudihiisa Dekeda Berbera 89 kun oo Tan. Waxaana uu sheegay in sanadka dambe ee 2010 ay u qorshaysan tahay Hay’adooda inay bil walba Dekeda Berbera ka soo dejiyaan raashin gaadhaya 30 Kun oo Tan.

Raashinkan ayaa waxa uu qayb ka yahay ilaa 200 kun oo Tan oo loogu talo-galay in wadanka Itoobiya la gaadhsiiya, waxaana raristiisa si wada jir ah uga qayb-qaadanaya gaadiidka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo lagu wado in daabulidiisa lagu dhameeyo muddo Hal Todobaad ah.

Daabulidda Raashinka ayaa dhaqaalaha Somaliland ka soo galaya ee ay helayaan gaadiidka reer Somaliland uga qayb-qaadanaya hawsha rarku waxa lagu qiyaasay inay Hal Malyan oo Dollar oo faa’iido ahi ku jirto.

Dhinaca kale, wadada keliya ee ay maraan gadiidka raashin daabula ayaa gebi ahaanteedba uu ka muuqdaa dayac wayni, iyada oo googo’ iyo jajab badani ku yimi , ka dib markii ay mareen gadiid sida culays aan loogu talo-gelin, ilaa hada wax dayac-tir ah oo wadooyinkaas lagu sameeyayna ma jiro.

Sarkaal ka tirsan WFP ayaa tilmaamay in raashin kan yahay qaybtii afaraad ee sannadkan gudihiisa ka soo degta Berbera, sida oo kale sarkaalkaas u hadlay WFP ayaa cadeeyey in sannadkan 2009 in dalka Ethiopia la geeyey 89’000 oo tan raashin deeq ah kaas oo dhammaantood-ba ka soo degay dekeda Berbera .

Dhanka kalena waxaa uu sheegay sarkaalkan oo lagu magacaabo Meachel in ay sannadka fooda inagu soo haya ay hayadooda u qorsheysan tahay in ay dekeda Berbera ay bishiiba ay kala soo degi doonaan ilaa iyo 30’000 oo tan, kaas oo ka mid ah raashinkaas mucaawimadda ah ee Etoobiya.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (3)

  1. Warfaa says:

    Somalilander truckers should be given piority to haul shipments to Ethiopia or to Wajaale to ease unemployment in Somaliland.

     Reply
  2. dawlada itoobiya waa inay sameesaa wadooyinkeena gadiidkeeda burburiyaan kuwa u sida raashinka ee culayskoodu aadka u badan yahay.
    dawladuna waa inay ku xisaabtantaa oo isbarbar dhigtaa khsaaraha iyo faa'iidada inoogu jirta arrintan in dekedeena itoobiya wax kala soo dagto

     Reply
  3. Good_Citizen says:

    importing aid for ethiopia that what berbera has been reduced to thanks to riyale and xor xor the corrupt dual

     Reply