Somaliland

Madaxweyne Rayaale oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Warfaafinta

December 30, 2009   ·   2 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Xasan Yuusuf.

Waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada lagu eedeeyay Agaasimaha xilka laga qaaday wada-shaqayn la’aan uu kula kacay masuulka uu la shaqeeyo, iyada oo eedayntaas aan loogu jeedin Wasaarada Warfaafinta oo keliya, balse warsaxaafadeedkan lagu xusay in Wasaarada Qoyska oo uu Agaasime guud ka ahaan jirayna uu la shaqayn waayay Wasiirka Qoyska.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilkan si ku-meel-gaadh ah ugu magacaabay Maxamed-siciid Muxumed oo ahaa Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa inuu sii  ahaado Agaasimaha Guud ee Warfaafinta.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (2)

  1. Good_Citizen says:

    Radio hargaysa hargaysa cid kama dhagaysto, wasaarada warfaafifnta dawalda af minshaar uun bay u tahay.

    The world is well beyond government owned media but UDUB believes otherwise !

     Reply
  2. qurbawi 78 says:

    Riyaale hadda madaxweyne ma aha distuurkii Somaliland buu ku ciyaaray siduu u lahaa ii kordhiya mudo.
    Dadkuna ma doorane wuxuu xilka ka dhaxlay alla u naxariistee cigaal

     Reply