Somaliland

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo waraysi bixiyeey Isago lug ku maraya Hargeisa

July 2, 2009   ·   0 Comments

Hargeisa, Jul 3 2009 (Somalilandpress) — Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta socod lug ah ku maray meelo badan oo kala duwan oo ku mid ah Xaafadda Shacabka Hargeisa, isla markaana waxa uu si caadi ah ula sheekaysanayay dadweyne kala duwan oo ay ku kulmeen goobihii uu marayay.

Madaxweyne ku-xigeenka, oo markii dambe Warbaahintu waraysatay ayaa la waydiiyay su’aalo door ah oo uu kaga waramay xaalado badan oo dalka ku xeeran, waxaanu waxaan wanaagsanayn ku tilmaamay sidii maanta loola dhaqmay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), kaasoo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad u diiday in Masuuliyiintii Xisbiga KULMIYE iyo dadweynihii Siilaanyo soo dhawaynayay galaan Madaarka Hargeysa gudihiisa.

Warkaas oo dhamaystiran, dhinacyo badanna taabanaya halkan ka dhagayso:-

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Abdiqani Hussein Baynax
Hargeisa

Source: Somalilandpress

Email this story Email this story

By

Tags: , , , ,


Readers Comments (0)