Somaliland

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii oo ku soo laabtay dalka, kana hadlay safarkoodii

December 9, 2010   ·   1 Comments

soo laabashadii Madaxweynaha

Hargeysa (Somalilandpress)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddo dhawr iyo labaatan maalmooda safar shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana Madaxweynaha siday diyaarad khaas ah, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyeen madaxda qaranka iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo uu horkacayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye-Ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiilada, Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta sar-sare ee xisbiga UCID, wasiiro fara badan, hoggaanka xisbiga KULMIYE, saraakiil kale oo dawladda ka tirsan iyo dadweyne fara badan.

Madaxweynaha Somaliland soo dhaweyntaas kadib waxa uu shir jaraa’id ku qabtay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, kaas oo uu kaga waramay socdaalkiisii iyo waxyaabaha uga soo qabsoomay.
“Safarkayagii oo aanu ku horraynay dalka aynu jaarka iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya oo aanu la kulanay Ra’iisal-wasaaraha dalkaasi Males Zanawi, si aad iyo aad u heer saraysa oo aad u heer saraysa oo saaxiibtinimo ay ka muuqato ayaa naloo qaabilay oo naloola shiray, waxyaabo badan oo ku saabsan ama saameeya maslaxadda iyo danaha labada wadan (Somaliland iyo Itoobiya) iyo guud ahaan mandaqadaba ayaanu ka wada hadalnay, si wanaagsan oo aad u fiicanna waanu isula afgaranay.
Arrimo door ah ayaanu ka wada hadalnay Raysal Wasaaraha Itoobiya, hadday tahay dhinaca wada shaqaynta, ilaalinta nabadgelyada mandaqada, arrimaha siyaasadda, arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo hadday tahay wax wada qabsiga intaba.” Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mar kale Madaxweynaha oo ka hadlaya safarkiisii Ingiriiska iyo wixii ay ka wada hadleen wajiyadii qaabilay wuxuu yidhi, “Waxaanu tagnay dalka Ingiriiska oo aanu martiqaad ka haysanay, halkaas oo aad iyo aad si laxaad leh naloogu soo dhaweeyay. Waxaannu la kulanay madaxda dawladda Ingiriiska qayb ka mid ah, waxaanu la kulanay Rugta Ganacsiga, Maalqabeenka iyo ganacsiga danaynayay ama xiisanayay ee marti qaadka noo fidiyay iyo qaar kale oo ay u yeedheenba.
Waxa kale oo aanu kulan ku yeelanay oo aanu ka hadalnay meesha la yidhaahdo Chat-Ham House, halkaas oo badiba madaxda ka timaada dunida kale martiqaad loogu sameeyo oo ay isugu yimaadaan dadka wax garadka ah iyo siyaasiyiinta oo halkaas lagu soo bandhigo marba waxa uu la socdo qofka halkaa maraya ee ah masuuliyiinta wadamada kale ka yimi ah, halkaasna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay.”

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu xusay in uu la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo uu sheegay inay si wanaagsan u martiqaadeen. Isla-markaana ay xiisaynayeen xaalada iyo mustaqbalka wadanka.

Ugu dambayntii suxufiyiintii ka qayb-galay shirka jaraa’id ee Madaxweynaha ayaa su’aalo la xidhiidho safarkiisa iyo xaalada wadanka la boobay, kuwaasi oo uu ka jawaabay.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (1)

  1. mohamed says:

    Good fruitful trips. More importantly good also the President is back home to get busy on
    the numerous problems at home needing his immediate attention.
    Cheers.

     Reply