Somaliland

Madaxtooyada Somaliland oo Loogu Baroordiiqay Qaraxyadii Somaliland Maalintii Murugada (29 October 2008)

October 29, 2009   ·   1 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo loogu baroordiiqayo dhacdadii foosha xumayd ee ay ku naf-waayeen dadka tiro badan kuna dhaawacmeen, ka dib markii 29 October 2008 lala beegsaday Qaraxyo loo adeegsaday Babuur Xarunta Madaxtooyada, Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay iyo Xarunta Xafiiska Ganacsiga Itoobiya.

 

Hadaba sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay qaraxyadaasi ayaa ku beeganayd maanta, waxaana munaasibada xuskaasi ka soo qayb-galay Madaxweynaha Somaliland, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Baarlamaanka qaar ka mid ah xisbiyada Mucaaradka, walaw aanu ka soo daahirin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo.

waxaana hadalo kooban ka jeediyay munaasibadaasi, Madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xasan Macalin iyo Masuul u hadlay Hay’ada Qaramada Midoobay, dhamaantoodna waxay ilaahay uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dadkii ku nafwaayay falkaasi gardarada ahaa, kuwa ku dhaawacmay ilaahay caafimaad siiyo.

warkaasoo faahfaahina waanu idiin soo gudbin doonaa.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (1)

  1. Farhan (Oday) says:

    Waxay ahayd maalin murugo badan, laakiin waxaa kadaran dadka halkaa iskugu yimid waxa uun ay kahadleen dhibatadii dhacday maalintaas madow. Mee istaraajiyadii laga gashaamanay inayna dib udhicin tan oo kale,

    Looma iman oo qudha in laga sheekeeyo wixii dhacay, laakiin waxaa kamiihsan in laga sheekeeyo samaynta lagu badbaadinayo in ayna dib udhiman 30 qof oo kale oo muwaadiini, maaha inta sharaab laga dhargo in layidhaa ……….. bala bala waxay ahayd maalin xun.

    Dawladay maydin samayn istaraajiyad laga hortagi karo in aanay tanoo kale dib udhicin ee maxaad umada usheegaysaan idinkoon usamaynin ilaalin ama in aad noloshooda badbaadisaan.

    Farhan (Oday)
    Hargeisa, Somaliland

     Reply