Somaliland

Laascaanood: Weerar Bambaano oo Lala Beegsaday Saldhiga Ciidanka Booliska

January 12, 2010   ·   0 Comments

Laascaanood (Somalilandpress)- Weerar loo adeegsaday Bambo-gacmeed ayaa lala beegsadaycaawa fiidkii Saldhigga Booliska ciidamada Laascaanood oo ku yaala xaafada daami ee badhtamaha jidka Laamiga ah ee magaalada.

Weerarkan oo ilaa hadda sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood oo lagu kalsoon yahay, qaraxana nooga waramaya ayaa waxa la hubaa ilaa hadda inay 3 Askari oo ka tirsan ciidankii Saldhigaasi inay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan, iyada oo warku intaasi ku daray in dhaawaca ciidankaasi qaarkood culus yahay oo loo soo qaadayo magaalada Burco si loogu dawaayo.

Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Laascaanood ayaa Somalilandpress oo khadka telefoonka kula xidhiidhay u xaqiijiyay inuu qaraxani laba jeer dhacay, oo laga maqlayay gariirkiisa magaalada iyo tuulooyinka nawaaxigeeda ah.

Qaraxan Bambaano ayaa siday wararku sheegayaan ahaa mid xoogan, ciidamada ayaa xidhay dhamaan wadooyinka, wayna adag tahay ilaa hada sida lagu ogaan karo, baaxada khasaare ee dhaafsiisan 3-daas Askari ee naloo xaqiijiyay in la ogaadaa.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in aanay jirin, ilaa hadda cid loo hayo inay ka dambaysay falkani, hase yeeshee, waxa ay arrintani daba socotaa weeraradii hore uga dhacay magaaladaasi ee looga shakisnaa inay ka dambeeyeen ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.

maaha markii u horaysay ee qarax noocan oo kale ahi uu ka dhaco magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Saaxil, hase yeeshee ilaa dabayaaqadii Sanadkii tagay inta la ogyahay waxa ka dhacay ilaa 5 qarax, iyada oo mid ka mid ah qaraxyadaasi oo gaystay dhaawac iyo dhimashaba lala beegsaday Alle ha u naxariistee Taliyihii Qaybta 12-aad ee ciidamka Qaranka Somaliland.

wararka aanu jiida Sool ka helaynaa waxay intaasi ku darayaan in qarax caawa uu ku beegmay iyada oo maanta Maxkamada Gobolka Sool ay fasaxday oo ay xoriyadoodii u soo celisay dad badan oo xidhnaa falkii lagu Dilay Taliyaha ciidanka Qaranka ee qaybta 12-aad, ka dib markii Maxkamadu siday xustay wax dambi ah oo arrintaasi la xidhiidha lagu waayay.

wixii warar ah ee ka soo kordhan magaalada Laascaanood kala socda Somalilandpress.com

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)