Somaliland

Kambaniga Dahabshiil Muxuu Ku Soo Kordhiyey Dadka iyo Dalka Somaliland?

June 24, 2009   ·   5 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Shirkadda Xawaaladaha Dahabshiil oo ku caan-baxday Dirashada, Dhigashada iyo Qaadashada Lacagaha, oo da’ ahaan ku dhow 20 jir, isla-markaana laamo kala duwan ku leh wadamada Dunida intooda badan, ayaa hada u muuqata mid maraysa heerkii ugu fiicnaa marka loo eego adeegyada ay bulshada u qabato. Iyada oo la odhan karo waxay hanatay kalsoonida umado kala duwan ee dunida ku kala nool, ka dib markii loo aqoonsaday shirkada ugu adeega wacan Qaarada Afrika dhinaca ganacsiga suuqa xorta ah. Sidoo kalena waxay buuxisay kaalintii Baananka Jamhuuriyada Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka helin beesha caalamka. Ka dib markii ay dhabarka u ridatay aamminaada dhigaalka iyo Dirsiga lacagaha. Taasoo ay lacagahooda ku aaminaan Ganacsatada waawayn, Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah, Laamaha Dawlada ee kala duwan, Shakhsiyaad iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaasoo si kalsooni ah u dhigta, kala baxa lacagahooda qaddar yar iyo qaddar waynba, waxa iyana aan ka maqnayn dadweyne tiro badan oo lacagaha ay isu dirayaan isu mariya Xawaaladaha Dahabshiil oo sida ugu fudud, uguna dhakhsaha badan u kala gaadhsiiya.

Iyada oo qodobadaas oo dhami jiraan hadana shirkada Dahabshiil waxay bishan gudaheeda ku soo kordhisay adeeg cusub oo ;la yidhaahdo; – ‘Mobile Ma Leedahay? (Fariinta Lacagta Kuu Timaada ka eeg Mobile-kaaga.) Waa Cajiiboo, Soo cel-celin iyo Caajis Ma lahee Dooro Dahabshiil.” Weedhahaasi waxay ka mid yihiin kelmado wargelin ah oo ay shirkadu macaamiisheeda ugu daah-furtay adeega cusub ee ay soo kordhisay. Nidaamka adeegan mobile-ka ee ay soo kordhisay shirkadu ayaa ah mid ku cusub maqalka iyo isticmaalka dadyawga reer Somaliland ee macaamiisha u ah Dahabshiil. “Shirkada Dahabshiil oo ahayd shirkad aanu aad u aaminsanayn, waanu ku faraxsanahay inay maanta suurto-gelisay adeeg cusub oo qof kasta u fududaynaya isticmaalka iyo la socoshada xisaabta Account-kiisa, waxaanan leeyahay bahda Dahabshiil waad dedaalaysaan ee halkaa ka sii wada.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Xuseen oo ka mid ah macaamiisha shirkada Dahabshiil oo aanu wax ka waydiinay adeegan cusub isaga oo jooga Hargeysa. Shirkadda Dahabshiil oo ka mid ah Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee aan dawliga ahayn, isla markaana ah Shirkadda ugu balaadhan Shirkadaha Ganacsiga Somaliland, ayaa sidoo kale ah Shirkadda ugu dhismayaasha badan Somaliland, iyada oo Cimaarado dhaadheer ka dhista Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan Hargeysa oo ay shirkaddu ku leedahay Dhismayaasha ugu badan uguna quruxda-badan, taasoo la odhan karo waxay ka qayb-qaadatay dib-u-dhiska iyo bilicda dalka. Sidoo kale, Dahabshiil waxa lagu tilmaamaa in ay tahay Shirkadda shaqaalaha ugu badani ka shaqeeyaan Somaliland oo lagu tilmaamo wadamada dadkoodu shaqo la’aanta ku sugan yihiin Afrika. Haddaba si aynu xog dheeraad ah uga ogaanno talaabooyinka Shirkadda Dahabshiil horumarka iyo dhaqaale kordhinta dalka kaga qaybqaato, ayaa waxaanu wax ka waydiinay Cabdifataax Aadan oo ka mid ah dadka aadka u faaqida horumarka iyo dhinacyada arrimaha bulshada. “Shirkadda Dahabshiil waxaan odhan karaa waxay ka mid tahay meelaha laga dheehdo horumarka Somaliland, waxay Shirkaddu ka qayb-qaadataa horumarka arrimaha bulshada, sida fulinta Adeegyada caafimaadka, Gurmadyada ay wakhtiga abaaraha u fidiso dadweynaha abaaraha iyo biyo la’aantu la soo deristo,, sida in ay Biyo u dhaamiso oo kale. Sidoo kale waxa ay Shirkaddu ka qayb-qaadatay dib-u-dhiska iyo bilicda Magaalooyinka Somaliland, waxay fududaysay laba kasta oo duni kala fog ku nool inay Daqiiqado gudahood isugu diri karaan wixii ay isku tari karaan Lacag ahaan. Waa shirkadda kaliya ee dadka ugu badan ee dalka Somaliland ka shaqo galaan, waxyaabaha uu Dahabshiil qabtana maaha wax halkan aan mar kaliya ku soo koobi karno. Hase ahaatee, inkastoo Shirkaddu dedaal baaxad leh muujisay dhinaceeda, haddana waxaas oo dhan waxa saldhig u ah nabadgalyada iyo daganaanshaha Somaliland ka jira, waayo nabadgalyadu wax kasta oo wanaagsan oo la qabtay ama la qabanayo qaybta ugu weyn ayay ka qaadataa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdifataax Aadan. Si kastaba ha ahaatee,

burco Kambaniga Dahabshiil Muxuu Ku Soo Kordhiyey Dadka iyo Dalka Somaliland? Shirkadda Xawaaladaha Lacagta ee Dahabshiil, waxay u muuqataa mid gaadhay, isla markaana dhaaftay Shirkadaha Caalamiga ah ee adeegydeeda oo kale qabta, iyada oo ka mid ah Muraayadaha horumarka Somaliland laga dheehdo, maadaama oo ay dabooshay baahiyo badan oo bulshadu u qabtay adeegyada ay fulliso.

 

Cabdiqani Xuseen Baynax

Somalilandpress

Email: cabdiqani0001@hotmail.com

Email this story Email this story

By

Tags: , , ,


Readers Comments (5)

  1. Hirsi says:

    good work dahabshil is'a big company

     Reply
  2. cabdiqaadir says:

    aad ayaad ugu mahadsan tahay sida quruxda badan ee aad wax uga qortay Kambaniga Xawaaladaha Dahabshiil oo ah Kambani si weyn loogu diirsaday, isla markaana adeeg aad u fiican u qabta bulshadiisa.
    mar labaad ayaan ku leeyahay sxb c/qani mahadsanid.

     Reply
  3. cabdiqaadir says:

    C/fataax Mursal

     Reply
  4. cabdiqaadir says:

    sxb waxaan aad kuugu hambalyaynayaa sida fiican ee aad wax uga qortay Kambaniga xawaaladaha ee Dahabshiil.
    Mahadsanid mar labaad sxb cabdiqani.

     Reply
  5. cabdiqaadir says:

    Mr. Nuuraani.

     Reply