Somaliland

Gudoomiyihii Sool oo Qarax Miino Ku Dhaawacmay iyo khasaare kale ee qaraxaas

January 28, 2010   ·   5 Comments

Laascaanood (Somalilandpress)- Gudoomiyihii gobolka Sool, Faarax Askar Xuseen ayaa dhaawacyo halis ahi ay ka soo gaadheen qarax miino oo saaka lala beegsaday, isaga oo galaya gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood, waxaana qaraxaasi miino ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisi, iyada oo dhaawacyo kalena ay soo gaadheen dirwalkiisii iyo Laba qof oo shicib ah, kuwaasoo marayay meel ku dhow goobta qaraxu ka dhacay.

Sida ay Somalilandpress khadka telefoonka ugu sheegeen qaar ka mid ah ehelada Badhasaabka oo aanu la xidhiidhnay, waxa dhaawac ka soo gaadhay 4 meelood oo jidhkiisa ka mid ah, iyada qaar ka mid ah dhaawacyada soo gaadhay ay halis yihiin, waxaana loo soo qaaday dhinaca xarunta gobolka Togdheer ee Burco si lagula tacaalo wax ka qabashada dhaawacyadan soo gaadhay.

Qaraxan ayaa sida la sheegay loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu hagayay rimuud. Waxa haatan si xoog leh isu soo taraya qaraxyada ka dhacaya magaalada Laascaanood oo qaarkood dhimasho iyo dhaawacba gaysteen, waxaana wakhtigan ku sugan magaalada Laascaanood in ka badan 7 Wasiir oo ka tirsan xukuumada, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo siyaasiyiin kale oo magac wayn leh kana soo jeeda deegaanka Sool.

Ilaa hada lama sheegin cid loo qabtay falkan qaraxa dhimashada keenay ee maanta ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxaana qaraxyadan magaalada Laascaanood ka dhacayaa iyada oo dadkii loo qabqabtay ilaa hada cid maxkamad la horkeenin, dadka loo hayona waxa ku jira Taliyaha nabad sugida qaranka Somaliland ugu qaabilsan gobolka Sool oo ah ninka uu ku xeeran yahay tuhunka ugu way nee la xidhiidha qaraxii lagu dilay Taliyihii qaybta 12-aad ee ciidamada qaranka Somaliland.

Email this story Email this story

By


Readers Comments (5)

  1. Sayid says:

    War ileeyn doqoni wax ma fahamto: Nimankan Daraawiish baa la yiraah digaal iyo xeelad cid ku gaarta ma jirto. Daba dhilifka aad rabtaan soo kaxeeyste Laascaanood waa xoroobin.

    Dowlad Qabiil kuma noqonaysid ee yaan waqtigu kugu dhicin oo SOmali geeys ka raac oo waa dadkaagiiye wax la wadaag hadii kale sidaas baad ku jirin ilaa eey qabiil isku badasho oo eey gaarto Daarood iyo dirta waqooyi.

     Reply
  2. Jamal says:

    Darawiish baa laydhaadaa oo markii Cabdillaahiy Yussuf xabashiga u niikinayay, Daraawiish mashxarady bay ku waalatay.

    Takale Daraawiishi haday cid dilayso, dadkii reer Sool oo awalba dhibaatooyin haysteen uunbay miino iyo qaraxa nafaqo uga dhigeen.

    Takale, Daraawiish weligeed dagaal bay ku jirtay, dhul iyo maal na waa laga dhacay…weli laba taako oo dhul Daraawiishi cidnay kama qabasan, laakiin waynu ognahay dhulbadan oo Caynabi ka mid tahay Daraawiish hadh cad laga dareeriyay.

    Taa maxaa dheere, Daraawiish 23 guul waday u ahayd Siyaad Bare…xamar bay meel yar oo Taleex layidhaado hantideedii oo dhan Darawiishi isugu geysay…oo ceel kamay qodin Sool; 17 sanadood Cabdillaahi Yuusuf bay Daraawiishi kabaha u siday…xolihii Daraawiish Bosaaso, Garoowe, Burco, iyo Hargaysa ayaa lageeyay…

    Iminkana haday Soomaliland ictiraaf hesho iyo hadii kaleba, Daraawiishi 20ka sandood ee soo socda xabaal bay uqodaysaa dadka reer Sool.

    Waataa taariikhda dhabta aha ee Daraawiishi.

     Reply
  3. Kayse says:

    Wa cadi hadi reer Sool sida Konfur isku cunayaan, xagas ka so hubeyaa anaguna xagan banu ka hubeen donaa, hadi lagu dhawacay Gudoomiyihi Sool, ninkas wuxu ka dhashay dad iyo qabil ka so jedaa Sool, hada waxay ku kacii donaan waxa wadaa dhiibkaan oo uu adeegsadaay reer Sool.

    Sheekadu waxay noqotay sidi al shababki lahaa waxanu daba jognaa Ethiopia lakin waxay dhameeyan wa shacabka Konfur, waxa modaa Reer Soolkan leh Somaliland ciidan ban rabnaa inay dhameyaan shacabka iyo dadkaa ka so jedaa Sool.

    Wa cadiyee isku wadaa, labadiina camp wa ciidaa raysaa maanta wan aragnaa inay dhulbahante dhaxdoodaa kala jabaay.

     Reply
  4. Jamal says:

    Waar 25 sanno Sayid Maxammed Cabdulle Xasaan daba soco; 23 Siyaad Barre dabo soco; 17 Abdullahi Yussu kabaha usid; iminka Alshuun (Alshabaab) daba nashlee oo dalkaagii iyo degaankii qarxi ilaa ugu yaraan 20ka sanee soo socda ku wad: waa immisa sanno: 25+23+17+20 = 85 sanadood oo dagaal ah reer Sool xoolo iyo dhulba kuwaaye.

    Anigu umaan aqoon Dhulbahante inuu Harti ama Daarood yahay. Weligayba waxaan uhaystay reer waqooyi sida: Isaaqa, Gudabiirsayga, Ciisaha, Warsangeliga, Fiqishinga iyo kuwa kala.

    Cuqdadan Harti isku sheega iyo Isaaq nacaybku xagay katimi?

    Haduu maanta dhulgariir ka dhaco Sool, maankgaabka reer Sool ee qabyaalda iyo cuqdadu dishay waxay odhanayaa: Iidoor baa ka danbeeyay dhulgariirkaa.

    Waar ordee magiciin beye ragga wax laqaybsade oo gobolkiina dhista…iskaba ilaaba siyaasadaba.

     Reply
  5. samiya says:

    Anigu awalba waan ogaa inuu arinku yahay Qabiil waana sida aan rabay oo waxaa meesha ka baxaya SomaliLand oo waxeey noqon Dir iyo Darood

     Reply