January 28, 2010 · 0 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiye ku-xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Marxuum Xariir Faarax Ducaale ayaa maanta lagu aasay xabaalaha naaso-hablood ee magaalada Hargeysa.
Alah how naxariistee Marxuun Xariir Faarax Ducaale oo ka mid ahaa suxufiyiinta, waxgaradka, odayaasha saxaafada Somaliland, waxa uu si kedis ah ugu geeriyooday badhtamaha magaalada Hargeysa, isaga oo markaa ka soo baxay Masaajid una sii jeeda gurigiisa, waxaanu marxuumku ku dhacay suuqa, iyada oo markii ay naftu ka baxday.
Alle ha u naxariistee aaska Marxuum Xariir Faarax Ducaale waxa ka qayb-galay boqolaal ka mida suxufiyiinta ka hawl-gala hay’adaha, warbaahinta dalka, masuuliyiinta ururada Saxaafada Somaliland, Salaadiin, Xildhibaano iyo dadweyne kale oo tiro badan oo isugu jira qaybaha bulshada Somaliland.
Masuuliyiinta ka qayb-galay aaska Marxuumka waxa ay ka warameen taariikh nololeedkii Marxuumka, waxaana dhamaantood xubnihii halkaa ka hadlay ay xuseen inuu marxuumku ahaa shaqsi saaxiib u ahaa Salaada, oo akhlaaq wanaagsan, waxaanay Ilaahay uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Alleh how naxariistee Marxuun Xariir Faarax Ducaale oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somalialnd ee Solja oo maanta lagu aasay xabaalaha naaso hablood ee magaalada Hargeysa waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta waayo araga ah ee Somaliland.
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Kumuu Ahaa Marxuum Xariir Faarax Ducaale Taariikh Nololeedkiisii iyo kaalintii uu kasoo galay Saxaafada
Alla ha u naxariistee marxuum Xariir Faarax Ducaale wuxuu ku dhashay magaalada Burco sanadkii 1964,
Yaraantiisii waxa uu waxbarashadiisii Hoose iyo Malcaamad Qur’aan ka bilaabay degmada Caynabo, dugsigiisii Hoose/Dhexe waxa uu ku dhamaystay magaalada Laascaanood, waxbarashadiisii Dugsiga Sarena waxa uu ku qaatay Sh. Bashiir magaalada Burco.
1982, waxa uu ku wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay waxbarashadiisii Sare, taas oo uu galay kuliyadii ciidamada ee Jaalle Siyaas. 1984, waxa uu shaqadiisii u horaysay ka bilaabay magaalada Jowhar.
Markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda waxa uu Marxuum Xariir Faarax Ducaale ku soo laabtay dalka, waxaanu ka mid noqday haldoorkii dhidibada u taagay saxaafada madaxabanaan.
Sanadkii 1995 waxa uu ka mid noqday hawl-wadeenadii Wargeyska Jamhuuriya oo uu ka noqday Proof Reading, taasoo markii dambena uu uga dalacay Tifaftire Sare.
1998, waxa uu tifaftire ka noqday wargeys la odhan jiray Himilo oo ka soo bixi jiray magaalada Hargeysa.
1999, waxa uu mar tifaftire ka noqday Wargeyska Dawlada ee Mandeeq.
2003, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo uu xubin ka noqday.
Shirweynihii 2-aad ee Solja sanadkii 2005 waxa weriye Xariir Faarax Ducaale loogu doortay Gudoomiye ku xigeen, xilkaa soo uu ilaa iminka hayay.
Alle ha u naxariistee marxuum Xariir Faarax Ducaale waxa sidoo kale uu ahaa tifaftirihii u horeeyay ee Wargeyska Maalmaha ee ka soo baxaya Hargeysa.
Waxa kale, oo Marxuumku warkhtigan ahaa Tifaftiraha Wargeyska ku hadla codka hablaha suxufiyiinta Somaliland ee WIJA oo la yidhaahdo ALMIS NEWSPAPER.
Marxuum Xariir Faarax Ducaale waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo Lix caruur ah (Afar Wiil iyo Laba Hablood.)
Naraxiisti janno Alle ha ka waraabiyo Marxuumku waxa uu ahaa shakhsi ku sifoobay Cibaado suuban, markastana ka dhawrsan laqwiga iyo wax ka sheega dadka sida ay ku tiraabeen dhamaan dadkii ka hadlay aqoonta ay u lahaayeen marxuumka, taasoo dadku ka marag-fureen dhaqan-wanaagiisa iyo dhowrsanaantiisa.
Waxa Tacsi u Diraya Ehelka iyo Qaraabada iyo Dhamaan ubada reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xariir Faarax Ducaale dhamaan Madaxda Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta reer Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan daafaha caalamka.
Email this story
By Abdiqani
Tags: Journalists, Solja, Somaliland