December 8, 2009 · 0 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii ugu horaysay si adag uga hadlay siyaasada xisbigiisa ee ku aaddan arrimaha dibada, hadiiba ay ku guulaystaan talada wadanka.
Arrimaha uu Axmed Siilaanyo diiradda saaray waxa ka mid ah aragtidiisa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee mandaqadda Geeska Afrika iyo wadamada jaarka dhaw.
Sidoo kale, waxa uu iftiimin ka bixiyay khatarta argagixisada oo uu ku tilmaamay inay tahay cadaw guud oo loo baahan yahay in dhinac looga soo wada jeesto sidii loo waajihii, maadaama Somaliland ay ka mid tahay meelaha ay ka fuliyeen falalkii ugu arxanka darraa.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye guud ahaan siyaasadiisa arrimaha dibada waxa uu ku iftiimiyay khudbad dheer oo uu maanta ka jeediyay xaflad ay xisbigiisa ugu soo biireen taageerayaal tiro badan oo ka soo baxay xisbiga UDUB.
Hadaba, khudbadiisa oo dareen ahaan dadka soo jiidatay, isla-markaana dad badani ku faaleeyeen inuu muuqaal ahaan u muuqday mid ku guulaysatay inay talada wadanku gacantiisa soo gashay.
Hadalkiisa oo aad u dheeraa, oo ay shabakada Somalilandpress si toos ah idiinku soo gudbisay ayaa waxa uu ku bilaabay sidan: – “Waxaan ka Hadlayaa Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye. Dalkeenu muddo badan ayuu madaxbanaanaa, wadan ahaa cagihiisa ku taagan, wadan jira ahaa, dad dedaalaya lahaa, dhibaatooyin badan ka soo gudbay, halgan dheer soo galay, dimuqraadiyad bilaabay, iyada oo mandaqada xasiloonideeda iyo degenaanshaheedu aad iyo aad u liito ka muujiyay xilkasnimo, wada jira.
Waxyaalaha aan u arko ilaa maanta inuu maamulka jiraa ku guuldaraystay ama ku fashilmay waxa ka mid ah, ilaa saacada aynu joogno in aan horumarkii aynu ka filaynay in dunida ina ictiraafto oo aan bulshada caalamka ka mid noqono, waa waxyaabaha ay ku guuldaraysatay xukuumada maanta jirtaa.
Hadii aan ka waramo, mandaqada aynu ku noolahay siyaasada xisbiga Kulmiye ka leeyahay waxa laynagu khuukhiyaa in colaadi inaga dhaxayso, oo aan wanaag dhexdeena oolin wadamada dunida iyo mandaqada aynu ku noolahay.
Waxaan leeyahay dawlada maanta jirtaa in badan bay isku daydaa iyada oo is leh wax ku korodhso inay xisbiga kulmiye dhaleecayn iyo eedayn u soo jeediso, iyada oo is leh kaga faa’iidayso in aanu kala mowqif ahayn qadiyadaha waawayn ee gobolku ka midaysan yahay. Waxaan halkan ka sheegayaa in xidhiidh wanaagsan oo nabadgelyo iyo iskaashi ah aanu la yeelanayno wadamada Mandaqada iyo waliba deriska sida Itoobiya, haday tahay Jabuuti iyo haday tahay gobolada kale ee Soomaaliya, haday tahay Puntland. Wadamadaas aan soo sheegay waxyaalaha inaga dhexeeya waxa ka mid ah inaynu leenahay cadaw guud, oo aynu u baahanahay inaynu meel uga soo wada jeedsano, waxaana ka mid ah cadawyadaas guud argagaxisadaa ka mid ah. Argagixisadu waxay ka mid tahah dhibaatooyinka qaybo badan oo dunida ah aafeeyay, gobollada aynu ku noolahay aafeeyay, khataro badan iyo dhibaato badan inagu haya, inagana weeraro badan inagu soo qaaday.
Waa ayaan-darro maanta inagana dawladeenu, maamulkeenu ama xisbiga talada haya ee UDUB markuu miciin kale waayay arrintii aynu meel uga soo wada jeednay ee qaranimadeenu ku dhisnayd ee waxa qudha ee aynu ku midaysnayn kaas ahaa inuu halkaasi wax ka dayo oo uu yidhaahdo xisbiga KUlMIYE ayaa ku xidhan Al-shabaab. Annagu hadii aanu KULMIYE nahay waxaanu aaminsanahay oo duwalka mandaqada kuwa nabada jecel, kuwa dimuqraadiga ah kala mid nahay in lala dagaalamo budhcad badeeda, in lala dagaalamo argagixsada nooc ay tahayba in geeska nabad lagu wada noolaado.
Waxaanu diyaar u nahay oo aanu u taaganahay in aanu xidhiidh ganacsi, isgaadhsiin, wada shaqayn iyo in aanu wada dhisno oo la wada isticmaalo Dekedda Berbera oo ay noqoto xarunta Geeska Afrika oo dhami wax kala soo dago, isuguna yimaado, oo ay noqoto meel xor ah oo xoolaha Afrika ka baxaan iyo ganacsigeedu. Maanta waataas xoolaha Dekedda Berbera laga dhoofinayo, maaha xoolaha Somaliland oo qudha ee waxay ka yimaadeen meelo badan ilaa Itoobiya waxaanu balanqaadaynaa hadii aanu Kulmiye nahay in wixii aan ahayn kharashka lagu qaadayo in aan laga qaadi si loo dhiirigeliyo Dekedda Berbera oo ay noqoto mid cid waliba ku soo hiranayso.
Maanta waxaynu ognahay in lagu gabanayo maxjarkii Qaranka loo sameeyay ee lacagtu ku baxday in la yidhaahdo qof baa kharashkiisii loo celinayaa.
Waanu ognahay dawladu inay halkaas wax ku maasho oo ay wax ka qaadato oo ay noqotay maamul musuqmaasuq u waashay, anagu waxaas waanu ka qaadaynaa waanaan ka daynaynaa. Waxa jira qaybo badan oo dunida ah oo aynaan sidii la doonayay uga faa’iidaysan, oo aad moodo in aynaan xidhiidh wanaagsanba la samayn, waxa ka mid ah wadamada Carabta iyo caalamka Islaamiga ah oo diintu inaga dhaxayso oo aynu mandaqad ku wada noolahay.
Waxa ilaa iminka jira, deeqo waxbarasho oo dibadeed, waxaynu u baahanahay wixii Soomaali la siin jiray markii aynu dhamayn, ee Jamhuuriyada Soomaaliya layna odhan jiray, deeqihii waxbarashadeed ee dibada ayna siinayeen wadamada carabtu ilaa iminkadaa waa la siiyaa, waynu ka qatanahay. Wadamada waa laga samaystaa, waxa laga samaystaa tacliinta, dhismaha wadooyinka, horumarintii, dhaqaalihii, mashaariicdii, horumarkii dhinacwaba ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aad iyo aad baa halkaas loo dayacay.
Waxaanu jecelahay in Soomaali markii ay isku dhamayd qaybtii ay Somaliland ku lahayd inaynu ka soo dhacsano, oo dadkeena xaqoodii u doono, oo tacliin dibadeed caruurta u doono, arrintaas ayaanu ka shaqaynaynaa, wanaan ku guulaysan doonaa insha Allaah.
Waxa iyaguna jira JImciyada Quruuma, Ururka Afrika, Jaamacada carabta, waxaanu leenahay albaabadiina noo fura. Hay’ada Caalamiga ah sida WFP ee caawimooyinka Somaliland siiya waxaanu leenahay deeqahaas maamulka hada jira iyo dawlada ayaa si gaar ah u isticmaala, oo si siyaasadeed u isticmaala, oo dadweynaheenu si aan sinayn ayay u isticmaalaan oo aan dadka la gaadhsiin, taasna talaabo ayaanu ka qaadaynaa, waxanaan ugu baaqaynaa caalamka wax na siinaya ee wax na taraya wax umadu wada leedahay in aan xisbi gaar ah oo maanta doorasho galayaa isticmaalin oo ay noqoto wax dadka axsaabta oo dhan kala taageeraa ay u siman yihiin. Waataas taanu culayska saaraynaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabe-gabeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Siilaanyo.

Email this story
By Abdiqani