January 31, 2010 · 10 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sidii ugu wayn abid masuul ka tirsan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay Safar uu muddo BIl ah ugu maqnaa Carriga Ingiriiska.
Aroornimada Saaka ayaa lagu waa-bariistay calanka midabkiisu isugu jiro Cagaarka iyo Huruuda oo sida ubaxa u babanaya gaadiidka, geedaha iyo goobaha muhiimka ah.
Waxaanay mowjado dad ah oo ka kooban qaybaha bulshadu kala duwan qulqulayeen laga bilaabo xarunta xisbiga ee xaafada Shacabka ilaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqatay dhoola-tus xisbigaasi kaga jawaabayay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumada oo sheegay in Gudoomiyaha Kulmiye aanu soo geli Karin wadanka ilaa uu cafis waydiisto xukuumada maadaama uu muujiyay bay yidhaahdeen inuu aaminsan yahay mabda’a federaalka.
Soo dhawayntan oo ahayd tii ugu balaadhnayd ee noocada ah ayaa waxay sababtay in la xidho jidka hor mara Madaxtooyada, iyada oo gaadiidka iyo dadka soo dhawaynayay Axmed-Siilaanyo ay tiro ahaan aad u badnaayeen. Ciidaamada ammaanka ay dadkii gaadiidka u duway dhinaca jidadka kale ee hareeraha ka mara Madaxtooyada.
Ciidamada Nabadgelyada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafiga iyo kuwa nabadgelyada ee Booliska iyo guud ahaanba isu soo baxayaashan taageersanaa xisbiga Kulmiye ayaa si kal iyo laab ah isugu gacan haadinayay. Taasina waxay meesha ka saartay tuhunadii laga qabay in ciidamada saaka la soo dhoobay jidadku ay saamayn ku yeelan karaan inay isku dhacaan dadka soo dhawaynayay Xisbiga Kulmiye.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa markii uu gaadhay xarunta Xisbigiisa warbaahinta uga waramay safarkiisii iyo wayxaalihii u soo qabsoomay.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; ““Waxaan dalka ka maqnaa muddo bil ah oo aan ku maqnaa dalka Maraykanka, waxaan sii maray iyagana Itoobiya, meelahaas aan sii marayay oo dhan. Waxaan u maqnaa dalka Somaliland, waxaan ku maqnaa inaan bulshadaa la kulmo, ilaa dawlada Maraykanka la kulmo, dawlada Itoobiya iyo cido bada oo kale oo aanu soo aragnay intii aanu joognay dalka Itoobiya, gobolo badan taagay, dad badan soo arkay, dad badan baa ila shaqaynayay oo reer Somaliland ah iyo xisbiga Kulmiye gaar ahaan, goob walbana dad aad iyo aad ayuu noo soo dhaweeyay.
Dawlada Maraykanka Hay’adaheeda iyo Baarlamaankeedu aad bay noo soo dhaweeyeen, qadiyada Somaliland ayaanu fahamsiinaynay in aanu ku guulaysanay ayaanu u aragnaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray oo yidhi; “Dawlada Maraykanka waxaanu ka wada hadalay arrimo fara badan oo la xidhiidha horumarka Somaliland, ictiraaf-raadinteeda, dimuqraadiyadeeda iyo mucaawinadeeda ayaanu ka wada hadalay, guulo badana waanu ka gaadhnay.”
Guud ahaan isu soo baxii dhoola tuska ahaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyeen Gudoomiyahooda oo ahaa ayaa ku dhamaaday jew nabadgelyo oo degan.

Gudoomiyaha Kulmiye oo u Gacan-haadinaya Taageerayaashii Soo Dhaweeyay


















Email this story
By Abdiqani
Tags: Hargeysa, Kulmiye, Siilaanyo, Soo dhawayn, Taageerayaal, Xisbi. Somaliland
Alleylehe Silaanyo Wacdaro la yaqaan wuu dhigay. Ina Rayaalena ha iska hurdo ilaa 10 goal laga dhaliyo!
Soo dhaweynta Md Silaanyo Waxay Muujineysaa In uu yahay Future President Of Somaliland!
Eesh Calaa Madaxweyne!!! Horta sidii madaxweynayaasha ma loo soo dhaweeyey Mudane Siilaanyo, mise anaa is-moodsiiyey??? Waxaan ka baqayaa inuu Ina-Riyaale hinaase maanta induhu caddaadaan. Hawlihii laga sugaayey in ay dawladda Ina-Riyaale dibadda ka soo qabato ee ay ka gaabisay, waa kawaa Madaxdii Mucaaridku ka soo dhalaalay, intii ay waraabayaasha uu Ina-Riyaale horjoogga u yahay boobka dhulka iyo musuq-maasuqa ku mashquulsanaayeen ee ay beenta aan dhammaanayn dadweynaha ku harqinayeen.
Qudhaanjoy ku Quuso
Guul iyo Gobannimo "SOMALILAND"
Fareh
soo dhawayntu waa wacnayd, laakiin soo dhawayni cod maaha. imikuun buu marka codbixinta la gaadho odhan doonaa 80.baa laigaga helay, isagoo kun cod lagaga helay.
waa madaxweyne qaran siilaanyo codkii uunbuu sugaya rayaale iyo jayjkiisii waxanleenahay kanaxoow nafta waa.
nimco aadan quule
Bristol Uk
Somaliland guul iyo gobonimo kulmiye guul.
Sawiiradan waxeey inaa tuusayan inuu Silaanyo yahay madaxweynaha ruunta ee Somaliland!!!!!!!!!!!!
Everyone should address Silaanyo as Mr. President for now on.
guul iyo gobanimo Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo guuleyso
haa waar sanadkan waa lahubaaaaaaa waxaa helaaya xisbiga kulmiye wahy
siilaanyo waa mujaahaid wadanka usoo jihaaday
markaaana we need change is badaaaaaael waa lagama maarmaan sxbayaall this year waa kulmiye kkkkkk
waaar sanadkan waa kulmiye
kulmiye ayaa qaadaaya waa lahubaaaaaa ee sxbayaal waxba yaan layska daadline
viva revolution. viva kulmiye…