September 28, 2009 · 2 Comments
“Haddii nalagu xadgudbo oo dambi nalaga galo oo la yidhaa hebel baa ka hadalay ee Jaamac ha la eryo, dee soo oog dambi, waxani waa reero lama kala xoog badna, haddii aad run doonayso”
“Komishanku maaha mid ka duwan nidaamka dalka oo baarlamaanku ha iscasilo iyo meesha ha ka tago waa isku mid, komishanku sharci ayuu ku dhisan yahay sharcina wuu ku tegi karaa”
“Deeqbixiyayaashu ma keeni karaan Komishanka hala beddelo, cidii tidhaahda deeqbixiyayaasha sidaa yidhina, sida xisbiyada qaranku yidhaahdaan war runs ah maaha kaasi”
“Annagu wax badan ayaanu ognahay oo qudhayadu xaq waxaannu u leenahay in qofkii yidhaahda Komishanka hala beddelo aanu dacwad ku oogno”
Waraysi Khaas ah – Jaamac Sweden
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Jaamac Maxamed Cumar (Sweden), ayaa ku dhawaaqay in aanay jirin cid xilkooda Komishanimo ka qaadi karta, isla markaana aanay cid odhan karin iscasila ilaa lagu soo caddeeyo eedaha loo soo jeediyey.
Md. Jaamac Maxamed Cumar oo waraysi khaas ah Jamhuuriya ku siiyey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ku adkaystay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku aanu ahayn wax aayar cidi iska odhan karto waanu beddelnay ama ha iscasilaan, balse yahay hay’ad qaran oo sharci ku dhisan, sidaa daraadeedna aanay aqbali doonin cid kasta oo karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo meel kaga dhacda.
Waraysigaas oo aad u dheeraa, isla markaana Guddoomiyaha wax lagaga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin qorshaha beesha caalamku soo jeediyeen, Guurtida iyo axsaabta qarankuna ayideen ee ku saabsan in la beddelo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka hadda shaqeeya iyo arrimo kale oo ku saabsan muranka hadheeyey saaxadda doorashada Somaliland, waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Guddoomiye, sideed Komishan ahaan u aragtaan qodobada beesha caalamku soo saareen ee ay ku jiraan in xubnaha Komishanka doorashooyinka la beddelo xisbiyada iyo xukuumadduna isku raaceen?
Jaamac Sweden: Horta Komishanku waxa uu ka mid yahay hay’adaha distooriga ah ee qaranka, sida baarlamaanku u dhisan yahay ee Guurtidu u dhisan tahay ee hay’adaha kale ee qaranku u dhisan yihiin ayuu Komishankuna u dhisan yahay. Shuruuc dalkani leeyahay oo lagu dhaqmo ayaa lagu soo doortaa, waad ogtihiinoo xeerka Komishanku waxa uu qeexayaa sida lagu soo doorto, sida xubinimada iyo Komishankuna meesha kaga bixi karo sharci ayaa sheegaya, sharcigaasi waxa uu sheegayaa in haddii ninka dambi lagu soo oogo la mariyo nidaamkii sharciga ahaa. Ruuxa dacwoonayaa waa inuu madaxweynaha u qoro, madaxweynuhu ku qanco oo guddi u saaro soo xaqiijisa, markaana loo gudbiyo baarlamaanka.
Horta markaa arrinta Komishanku maaha mid ka duwan nidaamka dalka oo baarlamaanku ha is casilo iyo Komishanku meesha ha ka tago waa isku mid, Komishanku sharci ayuu ku dhisan yahay sharcina wuu ku tegi karaa, markaa guud ahaan waxa weeye Komishanka qaranka xil weyn oo ummadeed ayaa saaran.
Muwaadiniinta ka tairsan xubnaha Komishankuna xuquuqdooda muwaadinimo ee wadanka ayey leeyihiin oo wax aayar uun la iska odhanyo ha la eryo maaha.
Beesha caalamku Somaliland madaxbannaanideeda ma soo faragelin karaan, wadana marka la leeyahay wuu madaxbannaan yahay waxa kow ka ah inuu isagu is-maamulayo oo aanay cidi ku soo farogelin karin arrimihiisa gudaha, deeqbixiyayaashu ma keeni karaan Komishanka hala beddelo, ciddii tidhaahda deeqbixiyayaasha sidaa yidhina, sida xisbiyada qaranku yidhaahdaan war run ah maaha kaasi, iyagana waa la waydiin karaa oo waxa la odhankaraa ma idinkaa wada Komishanka hala beddelo haddaad tihiin hay’adaha caalamiga ah arrintaasi milgahooda maaha, waxay odhan karaanna maaha, waxa la yidhaado madaxbannaanida ayey qayb ka tahay.
Komishanku xil doorasho ayuu hayaa, waxay Soomaalidu tidhaahdaa nin reer u weyn iyo naag naago ka umulisay midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan, anagu wax badan ayaanu ognahay oo qudhayadu xaq waxaanu u leenahay in qofkii yidhaahda Komishanka hala beddelo aanu dacwad ku oogno, xisbiyada qaranka qudhooda qaar ayaan wixii laga rabay aan fulin oo la galgalanaya, qaar ayaa sharcinimadii u lahaayeen inay madaxweyne isu sharraxaan aan haysan oo shuruucdu diiddan tahay, qaar ayaa baasaaboorro ajaanib ah haysta oo la doonayaa si ummaddu u ogaato in badka la dhigo oo jisiyaddii uun haystay ay tahay inuu ka tanaasulo amma aan xaqba u lahayn in la doorto.
Jamhuuriya: Waa runtaa oo Komishanku xeer ayuu ku dhisan yahay, xeerkaasina waxa uu sheegayaa haddii Komishanku lumiyo kalsoonida tartamayaasha inuu shaqadiisa waayi karo, markaa haddii xisbiyada mucaaridku kalsoonidii idin kala noqdeen oo saddexdii murrashax ee tartamayey isku raaceen in Komishanka la beddelo, taasi miyaanay sharciga waafaqsanayn oo ahayn inaad meesha banaysaan?
Jaamac Sweden: horta nin waliba meel ayuu fidhiyaa oo xil ayuu hayaa, guddoomiyayaasha xisbiyadu hay’addo dhisan ayay madax ka yihiin, sharciga ay ku fadhiyaan mid la mid ah ayaanu anaguna ku fadhinaa, markaa waxa weeye sida aanu anugba uga xishoonayno inaanu nidhaahno meesha banneeya inay nooga xishoodaan weeye, kalsoonida aad sheegaysana horta waxa loo baahan yahay in qofku yeesho iimaan uu ku kalsoonaado ciddii garsoorka u haysay, qadarkana Illaahay ayaa bixiya.
Annagu cidda wax helaysa iyo cida waayeysa ma hubno, qof walibana had ayuu leeyahay oo kuwaa tartamaya inay hadoodu gaadhsiin doonto doorashada war uma hayaan, anaga qudhayadu war uma hayno inaanu gaadhi doono, waddankana waxa loo baahan yahay in wanaag iyo nabad lagu dhaqo, arrinta Komishanku haddaan la lahayn kolba wax habsaamiya halaga hadlo ma haboona, horusocod ayaa loo baahan yahay wakhti cidhiidhi ah ayaa lagu jiraa.
Maanta waxa la leeyahay liis ayaa lagu noqonayaa oo dib haloogu noqdo, taasi waxay ku tusaysaa haddii ay khaldan yihiin maxaa markii horeba loo lahaa doorashada halagu galo, annagu bani’aadam ayaanu nahay oo dhaliil la waayi maayo, laakiin maanta halka la marayo in hore looga socdo mooyaane in dib looga noqdo maaha.
Xilka Komishanka qaranku hayo iyo xilalka hay’addaha kale ee distooriga ah ee dalka u dhisani waa isku mid, sida baarlamaanku ha iscasilo loo odhan karayn ayaan Komishankana loo odhan Karin ha iscasilaan, markaa waxaan leehayahay wixii na loola yimaaddaaba waa deelqaaf.
Jamhuuriya: Khubaro ka socda deeqbixiyayaasha ayaa la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan si loo hirgeliyo lixda qodob ee la isku raacay, haddii dhinacyadii idin soo magacaabay iyo deeqbixiyayaashu isku raacaan in Komishanka la beddelo maxaad yeelaysaan, maxaase arrintaa idiinka qorshaysan?
Jaamac Sweden: horta cida khubarada aad sheegayso la xisaabtamaya ee odhanaya wixii meeshan hore uga dhacay halaga marag-kaco waa annaga, waxayna u imanayaan hay’addii Interpeace ee hawshan waday in wixii ay ka tagtay la isla qiimeeyo, deeqbixiyayaashuna iyada ayey wax u dhiibteen, waana in warbixintii iyo halka ay hawshii kaga tageen helaan, qandaraasyadii baxay, sidii loo bixiyey iyo waxa haywshii qabyada ka dhigay intaaba waxa laga rabaa INTERPEACE, annaguna waxaanu tuhunsanahay in aan sidii la rabay loo maamulin¸ ta aanu anaga iyo deeqbixiyayaashu isla eegaynaa horta waa taas. Deeqbixiyayaasha lacag ayaa ka baxday waanan ugu mahadnaqaynaa, laakiin cidii ay wax u dhiibteen sidii la rabay ugamay soo bixin oo cadaynteedii ayaanu haynaa, waaba in lala xisaabtamo.
Haddaba, ninka xisbi ka tirsan ee leh Komishanku ha tago ma taas ayuu ka mid yahay oo leeyahay nimankaa ayaan asturayaa mise dan ummadeed ayaa laga hadlayaa, markaa waxa weeyaan xisbiyada qaranku sida aanu u dhisanahay si le’eg ayay u dhisan yihiin iscasilana nama odhan karaan, markaa Komsihanka hala eryo meesha kuma jirto, waxa weeyaan Komishanku xeer ayuu ku dhisan yahay ummaddana xil ayuu u hayaa dambi lagu soo oogo oo waliba qof-qof ah dhinacyaduna ku wada qancaan ayuu ku tegi karaa.
Jamhuuriya: Guddoomiye, khilaafkii dalka ka dhacay adiga ayaa lagugu eedaynaa oo adigoo aan la tashan xisbiyadii qaranka ayaad diiwaangelintii laashay, idinka aan dambi lahayn oo muwaadiniin ah ayey ahayd in aad idinka oo ummaddiina u naxaya iscasishaan, markaa hadana go’aanka maanta xisbiyada iyo deeqbixiyayaasha qaddiyadda Somaliland danaynayaa ay isla qaateen ee ah in la idin beddelo haddaad diidaan miyaanay gardarro ahayn?
Jaamac Sweden: Horta ma adiga ayaa igu leh iscasil, in Jaamac iscasilo yaa soo jeediyey, adeer horta mid aan kuu sheego, bani’aadamka sidaa aad adiguba karaamada u leedahay ayuu nin waliba u leeyahay, waxa weeyaan anagu waxaanu horjoogsanay god lagu ridayo Somaliland, liiskaa imika la leeyahay halagu noqdo haddii Illaahay laga baqanayo maxaa loogu noqonayaa, waxa uu ahaa liis qalad ah, waar waxaad garan kari la’dihiin haddaad saxaafaddii tihiin liiskii shalay xisbiyada mucaaridku lahaayeen doorashada ha lagu galo maxaa loogu noqonayaa ee lacagta dambe loo gelinayaa, miyaanay ahayn qalad ku jiray. Horta qodobkaasi yaanu idin seegin, ummadan waxba kamaanu hallayn ee god lagu ridayay ayaanu ka badbaadinay, waana wax aannu aakhiri la hortagayni inaanu ummadda wixii waajib naga saarnaa u qabanay, Somaliland wixii ka xumaadanayna runta hadaad doonaysaa saxaafadiina ayaa ka dambaysa, waxaad garan kari la’dihiin war been ah oo Nairobi laga soo saaray oo la yidhi liis ayaa la soo saaray inaad ka daba tagtaan oo wixii jira ummadda u soo bandhigtaan.
Markaa annagu bani’aadam ayaanu nahay in nala dulmiyo oggolaan mayno, cid kale in la dulmiyana oggaalaan mayno, ilaa iyo inta dambi nalagu helayana wixii naloola yimaaddaa waa deelqaaf.
Jamhuuriya: Haddii ay jireen dhibaatooyinkan aad sheegayso oo ka yimi ciddii qandaraaska la siiyey, idinka ayaa ahaa hay’addii qaranka u qaabilsanayd hawlaha doorashooyinka sow may ahayn in aad gudan kari waydeen hawshiinii?
Jaamac Sweden: Intaas oo jeer ayaanu ka hadalnay, deeqbixiyayaashii ayaanu ku nidhi waar nimankaasi malaa’iig maaha ee sidii la rabay wax uma wadaane eega, waxaanu u gudbinay labaatan warqadood, waa laga dhego-adayga. Waxaan idiin sheegayaa hadday tahay xisbiyada qaranka Somaliland iyo haddii ay annaga tahayba beesha caalamku waxay khaatiyaan ka joogtaa qoraal rasmi ah (Official) oo ka timi xafiis dibadeed oo saxaafad loo geeyo, ceeb aan weligeen innaga hadhayn weeye, calooshayada in aanu badka keeno ma doonayno, ma marka Somaliland iyo xisbiyadu lugta na qabataan mise markaanu rabno in aanu wax iska celino, xisbiyada qaranku iyagaa lugta na hayey , iyagaa halkaa na soo gaadhsiiyey, iyagaa cidda xumaan doonaysaa soo martaa. Ajanebiga ciddii lacag bixisay oo dhan mahad 100% ayaanu u haynaa, waayo lacag bay bixiyeen ay si hagar la’aan ah inoo siiyeen, wixii ay wax u bixiyeen cidii loo dhiibay sidii la rabay umay maamulin, way u tashadeen waddankiina khalkhal baa lagu geliyey, saddexdaa goor ee doorashadu dib-u-dhacaysay waxa ka hoosaysay dagaal si khalkhal ah ku dhaca, dad baa ku dhintay. Dacwadahaas oo dhan waanu gudbisanay, annagu dagaalka caalamiga ah ee garta ah waanu naqaanaa, ka Somaliland lugta na qabanayso weeyaan ka aan loo taag haynin. Iyadoo nin walba intiisa la siinayo weriyayaasha ayaa ka kow ah dhibaatada waddanka, waxaad moodaa in wax allaale waxa wadanka jooga loo wada kiraystay inay cid difaacaan, joornaaladu waa muraayada wadanka waar Nariobi baa laga yidhi, liis bay Somaliland heshay oo lagu tahniyadaynayaa natiijadii serfarka], maantana ha laga shaqeeyo oo khubaro ha la keeno ayaa la leeyahay maxaad u odhan waydeen sowtii shalay aad lahaydeen liis sax ah ayey heshay, ma Komishanka ayaa been sheegayey?
Jamhuuriya: Guddoomiye way jireen qaar ka mid ah dhibaatooyinkan Serfarka ee aad sheegayso, laakiin sow may ahayn arrinta la isku haystay sagaashan kun oo codbixiyayaal oo ay ahayd in dib loo saxo?
Jaamac Sweden: Maya wax allaale wax la qabtay oo la kala saarayba ma jiraan, sagaashankaa kun ee la tuuray iyo in kale oo la iska tuuray mooyaane nidaamkii wax kala ee wejiga iyo farta ayaa shaqaynwaayey, miyaad ogtahay taa adigu! Sagaashankan kun ogaan baa loo tuuray si tirade loogu yareeyo in kalena waa la tuuray, intii oo cad baanu haynaa oo intaanu khubarro caalami ah oo madaxbannaan oo annaga naga socota keeno ayaannu badka dhigi, haddii ay taasi timaado miyaa la wadahadli, xisbiyada qaranku taas ayey dagaal kaga jiraan in aanay dhicin.
Jamhuuriya, Guddoomiye, waxaad sheegtay in aanay qaar ka mid ah xisbiyadu u qalmin inay xil qabtaan, waxa kale oo idinka laftiinu xaq u leedihiin in aad dacwado gudbisataan oo aad is difaacdaan, bal arrimahaa noo caddeeyee waxaad uga jeedo?
Jaamac Sweden: Komishanka Qaranka wixii uu xaq u leeyahay ee uu ummaddan u hayo haddii nalagu xadgudbo oo dambi nalaga galo oo la yidhaa hebel baa ka hadalay ee Jaamac ha la eryo, dee soo oog dambi, waxani waa reero lama kala xoog badna, haddii aad run doonayso, taa xaq baanu u leenahay, ha la isugu soo dhawaado oo suluxa ummaddan ayuun baanu ka mid ahayne haday kululaato halkeeda ayey tagaysaa, soo qoro dacwada aad hebel ku haysato maxkamadaa jiree. Waxaad ka warrantaa annaga oo bannaanka joogna oo aan Komishanka soo gelin ayaa nala diiday oo la yidhi kuwii hore ayaa joogaya, maalintaana Interpeace ayuun baa socotay, mashruuca annagu waxaanu ugu nimi isaga oo yaala oo ah 12 malyuun oo qoran oo Komishankii hore iyo Baaralamankiiba ay leeyihiin mashruucan lacagta badani gelayso kuwii hore ha u joogaan. Mashruucaasi mid ceebtiisu meel walba gaadhay weeyaan, shakhsiyaad waddankeena ah ayey gashay Ilaahay baa soo qaban doona waanu haynaa xogtoodii, haddii arrintaa la furfuro safaarad iyo waxan Somaliland gudaheeda ah wax laga lug baxayo maaha.
Jamhuuriya: Guddoomiye, lixda qodob ee lagu heshiiyey waxa ka mid ah in diiwaangelintii lagu galo doorashada, isla markaana waqtiga doorashada lagu saleeyo xilliga farsamo ee Serfarka laga shaqayn karayo, adigu in diiwaangelintii lagu galo doorashada sidee ayaad u aragtaa, markaadse Serfarkii qiimayso muddo intee le’eg ayuu qaadan karayaa ayaad isleedahay?
Jaamac Sweden: Horta Komishanka Qaranka ninkii ugu tacabka badnaa diiwaangelinta ayaan ahayn Berbera markay ka furmaysay tayda iyo tu Alle ayey ku furantay, beesha caalamka ninkii ugu dooda badnaa ayaan ahay diiwaangelinta, waa shaqo aan garanayo, waa wax ummadayda waxtaraysa oo aan ogahay, laakiin wax khalad ah oo muhmal ah in lagu galo, waxa weeye arrintaasi marka si fiican loo maamulo ee hareeraha laga joogo ee cid caalami ah oo madaxbannaan la keeno weeye marka arrinteeda la garan karayaa, waxaan la garan karayn doorasho ayaan doonayaa, waanu heshiinay ee Komishanka ha la beddelo, xubin baa la beddeli kariwaayey, toddoba bilood ayey qaadatay in xisbiyada qaar keenaan, waar annaga taayadu way hawlyar tahaye ninka doorasho doonaya ee halkaa u badheedhaya illeyn maalin walba waynu hadliye aamusimaynee, waxa weeye Komishanka marka arrintiisa la geliyo habsaamin baa looga jeedaa, annaguna wax aan xaq naloogu lahayn oo baadil ah qaadanmayno.
Markaa waxaan leeyahay xisbiyada tartamaya waar iimaan qaba oo annaguna Ilaahay waxa uu nagu ogyahay in aanaan cidna idiin dulmin soo gala doorashada.
Jamhuuriya: Jaamac, markii hore ee la idin soo doortay waa la idin aaminay, laakiin markii dambe idinku sow maydun keenin in la idinka aamin baxo oo dhinacyadii doorashadu khusaysay mid kaleya lamaydun tashan?
Jaamac Sweden: Horta warkaagu inuu run noqdo ayaa fiican, Komishanka Qaranku soo jeedin ayuu leeyahay, waxaanu soo jeedinay in aan liis xalaal ahi jirin, taa cidna kala tashanmayno, doorashada soo socotana uma aragno in liiskaa lagu gelikarayo. Waxay ahayd in la yidhaa Komishanka Qaranku waxay badbaadiyeen ummaddii oo halkii liis la isku laayo lagu geli lahaa, laakiin maantana way taallaa waxa imanaysa sannad baa laga joogaaye qofkii 16 gaadhay 20-kii bilood ee diiwaangelintu jirtay halkee la marinayaa? Sow in dib looga qaado maaha, diiwaangelintu waa inay tahay mid casri ah oo sida sharcigu sheegayo tahay mid lix bilood ka hor doorashada la furay, tani ma tahay mid lix bilodo ka hor la furay. Markaa waxaannu leenahay xisbiyada qaranka waar idinkaba is-casila idinma lihine annagana hana odhanina.
Source: jamhuuriya
Email this story
By Abdiqani
Kibir iyo isla weyni baa haya Jaamac Sweden. Do you think you are above the law. Simply, waxad tahay shaqaale, shaqadaada haddii la saluugo waa lagu eryi karaa. Haddaad tegi waydana qasab baad ku tegi.
Tani waa beelo lamakala xoogroono ayuu yiri. Bal u fiirso hadalkiisa. Marka horeba ma beel ahaan buu meesha ku yimid mise qaran ahaan buu meesha loogu magacaabey waa yaabe.
Adeer haduu xalka Somalilandku jiro inuu halqof amaba qofood meelka tagaan wuu tagayaa. Hadii uu qofkaasi tagiwaayo gacmaha ayaa lasoo qaban xilxii loodhiibeyna waa lagala noqon.
Mise Somalidu meeshey tagaan iney iyagu leeyihiinbey ismoodaan. Wuxu waa qaran Somaliland layidhaa anaguna waxaanka midnahey dhilinyarada Somaliland ee aan marnaba rabin in Somaliland reero loo ekeysiiyo iyadoon qaran kuwadno.
Mustaqbalka marbaan iska soo sharixi Siyaasada Somaliland waa xadii la i doorto. Guul Somaliland iyo nabad Soomaaliya.