September 28, 2009 · 0 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigiisii maanta waxa uu cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay in Goluhu ka noqdo Labadiisii Moshin ee la hor-keenay oo kala ahaa in Maamuuska laga xayuubiyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa iyo Moshinka labaad oo ahaa in maamuuska laga xayuubiyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo waliba in wax ka bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golahaas, waxa kale oo goluhu fadhigiisan maanta ku ansixiyay inuu galo fasax mudadiisu tahay 2 bilood.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shirgudoominayay fadhiga Golaha ayaa ka codsaday Mudaneyaasha Golaha inay isa saamaxaan, maadaama Goluhu fadhi galayo, iskana ilaawaan xurguftii yarayd ee siyaasada wadanka ee qasnayd saamaysay, waxa kale oo uu mudaneyaasha ku wargeliyay in marka loo baahdo laysugu yeedhi doono Xildhibaanada hadii laga maarmi waayo fadhi deg deg ah oo ay arrimo cusubi soo kordhaan.
Fadhigan maanta oo ay ka soo xaadireen Hoolka shirarka ee Xarunta Golaha Wakiilada Mudaneyaal tiradoodu dhan tahay 55 Mudane, 43 Mudane ayaa ogolaaday in Goluhu fasaxaas galo, lana laalo labada moshin, Hal Mudane wuu diiday, 10 ayaana ka aamusay, Gudoomiyuhuna ma codayn.
Sidaas ayaana lagu soo xidhay fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada.
Email this story
By Abdiqani