January 28, 2010 · 1 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay laba xeer oo kala ahaa xeerka xakamaynta hubka fudud iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah.
Fadhiga maanta oo uu gudoominayay shirgudoonka golahu waxay mudaneyaashu cod-gacan-taag ah ku ansixiyeen labadan xeer, taasi oo xeerka xakamaynta hubka fudud ay ogoladeen 20 XIldhibaan, 17 Mudae ayaa diiday 4-na way ka aamuseen. Halka xeerka shaqaalaha rayidka ah ay ka ogalaadeen 33 Mudane, 4-na ay diideen ayna ka aamuseen 3 Mudane, sidaasi ayay labada xeer ku ansaxeen, waxaana loo gudbin doonaa Golaha Guurtida.
Shirgudoonka Golaha Wakiillada ayaa ku war-geliyay Mudaneyaasha in mooshinkii dib u eegista xaalada amaanka dalka oo ay dhawaan 23 mudane shirgudoonka u soo gudbiyeen in loo gudbiyay La taliyaha sharciga ee Golaha.
Waxaana maanta Goluhu galay fasax muddo Afar todobaad ah. iyada oo marka mudaneyaashu ka soo laabtaan fasaxaana guda geli doonaan gudashada waajibaadkooda shaqo.
Email this story
By Abdiqani
Guns should be allowed, with al-shabaab around the people of somaliland are the first and last line of Defense.