Somaliland

Golaha Wakiilada oo Berri Gacanta u Taagaya Moshin Maamuska ay Kaga Xayuubinayaan Madaxweyne Rayaale

September 5, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Fadhigii maanta ee wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka soo baxay qodob la taaban karo,

in kastoo ay xarunta golaha wakiilada Somaliland si weyn maanta loo soo hordhoobay ciidamada booliska noocyadooda kala duwan. Kal fadhigan ay maanta yeesheen mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland waxaa ka soo xaadiray 71 xildhibaan, waxaana la horkeenay laba mooshin oo kala ah,

1. In madaxaweynaha Somaliland lagu sameeyo maamuus ka xayuubin,

2 in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerka golaha, waxaana qodobkaasi golah hor keenay xildhaabno ka tirsan xisbiga Udub.

38 mudane ayaa fadhigii maanta shir gudoonka u gudbiyey mooshin maamuus ka xayuubin ah, waana markii ugu horaysay ee golaha si toosa loo hor keeno in madaxweynaha xilka xayuubin lagu sameeyo.

Kal fadhigan oo uu hogaaminaayey shirgodoonka wakiilada C/raxmaan Maxed C/laahi (C/raxmaan Cirro). Mooshinkaas ka dhanka ah maamuus ka xayuubinta waxaa loo mudeeyey in mudo 24 saacadood ah lagu dhaqan geliyo.

Geesta kale maamus ka xayuubintan ayaa waxay ka dhan tahay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Magacyada mudanayaasha mooshinkan soo hordhigay wakiilada kala soco wararka danbe ee shabakada

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)