September 29, 2009 · 0 Comments
Hargaysa (Somalilandpress)- Xildhibaanada Aqalka Odayaasha Somaliland (Golaha Guurtida) ayaa kal-fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay inay galaan fasax mudadiisu dhan tahay Laba Bilood.
Fadhigan Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa Madasha Hoolka Shirarka ee Golahaasi ka soo xaadiray 57 Mudane oo ka mid ah 82 XIldhibaan ee aqalkaasi odayaashu ka kooban yahay, waxaana ogolaaday in goluhu fasax galo xildhibaano tiradoodu dhan tahay 56 Mudane, Hal Mudane ayaa diiday, cid ka aamustay may jirin, Gudoomiyuhuna ma codayn.
“Waynu ka wada war-qabnaa maalmihii u dambeeyay hawlihii aynu wadnay ee ahaa khilaafkii ina dhex-yaalay, gaar ahaan madaxda qaranka,khilaafkaa u dhexeeyay. Madaxda qaranka hadii ay tahay Golaha Wakiilada,,Golaha Guurtida iyo xisbiyadaba waxay ina gayaysiisay in khilaafkii inaga ina dhex-yaalay aynu bulsho-waynta reer Somaliland u gudbinay,mar hadii aynu inagu qaybsanay bulshadeeniina way qaybsantay,,inaguna waynu isku siganay Illaahbaa ina kala badbaadiyay oo mahada leh,,Ilaahaybaa inoo soo gurmaday isku dhac ficliyan ahi hadii uu iman lahaana Somaliland,Somaliya kama sokayseen.markaa waxa la inooga baahan yahay in aynu khilaafaadka madaxeed dawayno kuwa bulshadu way soo raaciye. Waxaan anigu ka gudoomiye ahaan iyo ka qof ahaanba idinku casuumayaa madaxda Goleyaasha ha noqoto ama Golaha dhexdiisa. Hase ahaatee in aynu khilaafkaa dhexdeena ah isaga nimaadno dawaynana,,wada-shaqayna sidaas ku timaado oo inaga oo gacmaha is-haysana oo umada reer Somaliland u adeegayna aynu markaa ku dhaqaaqno wixii horumar ah ee la qabanayo oo aynu abaabul-galno,inaga taagteenu way yar tahay dawlad ahaan.
Laakiin quwadu waa dadwaynaha, Sidaa darteed waa in aynu dadwaynaha ku hagno, kuna hanuunino,kuna hogaamino sidii ay wax ku qabsanlahaayeen,,una noqon lahaayeen bulsho caafimaad qabta oo is rabta waa waajib ina saaran. Waxaan leeyahay waan siganay oo Ilaahay baa ina badbaadiyay ee yaanay mar dambe tan oo kale dhicin.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal dheer u jeediyay Mudaneyaasha Golaha Guurtida ka hor intii aanay u codayn fasaxooda.
Dhinaca kale, hadalka Gudoomiyaha oo aad u dheeraa ayaa waxyaalihii uu ku soo qaaday waxa ka mid ahaa oo ugu waawaynaa, khilaafkii siyaasadeed qaybta ugu wayn ee ay ku lahaayeen xisbiyada Qaranku, isaga oo u soo jeediyay inay heshiis midho dhal ah keenaan oo aanay cidla kaga dhaqaaqin is-afgaradkii iyo isu soo dhawaanshihii uu ka dhex-dhaliyay Go’aankii Golaha Guurtida iyo qodobadii ay u soo jeediyeen deeqbixiyeyaasha ee duuduubka lagu qaatay.
“Adduunwaynihii inoo soo gurmaday wuxuu inagu heshiisiiyay 6-qodob oo ay la yimaadeen, 3-da xisbina way aqbaleen heshiiskaasi lixda qodob ahaa ka hor intii aynaan inagu go’aanka ridin. Waxaan leeyahay ilmaadeerayaal fuliya, sidaas ayaynu guul ku gaadhaynaaye oo yaan dib-u-gurasho danbe dhicin,,oo yaanay dhicin doorasho danbe oo dib inooga dhacda, oo dedejiya muddo dheer baa la sugayay in ay doorasho dhacdo’e.”
Waxa kale oo uu ku soo hadal-qaaday Gudoomiyaha Golaha Guurtidu khudbadiisa khilaafka hadheeyay ee kala qaybiyay Golahooda laftiisa, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la mideeyo golaha, si uu mar kastaba u soo saaro go’aan midho dhal ah oo mideeya umada.
Abaaraha ba’an ee wadanka ku habsaday ayuu Gudoomiyuhu ku sheegay inay noqon karaan kuwo salka ku haya muranada madhalayska ah ee beryahan Somaliland soo wajahay iyo inay tahay Cadho Alle, sidaa darteed waxa uu bulsho waynta Somaliland ugu baaqay inay ILaahay xagiisa u soo noqdaan oo cibadaystaan, ilaahayna beryaan si uu abaaraha uga dulqaado.
Email this story
By Abdiqani