September 25, 2009 · 1 Comments
HARGEISA, 25 September 2009 (Somalilandpress) – 24kii Sebtember,2009ka, ku sinaan 6:00 saacadood ee fiidnimo ayaanu ka baxanay magaalada Hargeysa, anaga oo u sii jeedna magaalada Gebilay ee galbeedka Hargeysa maalintaas waxa ay ahayd maalin jawi qurxoon cilmilada iyo neecawda jirtaana ay aad u fiicanayd daruuro qurux badana ay jireen jawiguna uu ahaa jawi rooban oo ku fiican in la dalxiiso naftuna ay iska daansho daanshooto, waxba yaanan ku dheeraan jawigaa qiimaha badanaa ee maalintaasi, waxa aaanu sii wadanay socdaalkayagii aniga oo la socoday koox dhalinyaro ah oo dhamaantayo u soconay hawl mutadawancimo iyo muwaadinimo ku dheehantahay gudanaynayna waajibkayga dhalinyranimo.
Waxaanu qaadanay wadada dheer ee isku xidha caasimada iyo gobalka Gebilay qadar markii aanu soconay ee aan dhaafnay deegaanka abaarso nasiib darno waxa aanu jidkaasi kula kulanay arin argagax iyo ma hadho nagu reebtay aananu ilaawi doonin inta noloshayda ka hadhay waxa jidka ka dhacay Shil baabuur oo naxdin iyo murgo gaar ah watay gaadhigii aanu wadanay ayaanu haadka bidix inta aanu wadada uga baxnay istaajinay, waaba Baabuur weyn oo kuwa xamuulka qaada ah oo midabkiisu yahay sacfaraan ama orange cidba sida ay u taqaanee oo ah UD iyo baabur cad oo marka tuuya oo is gelay Inaalilaahi wa inaailayihi raajucuun alle ha u gargaaro intii ku dhaawacantay naxariistii jano ha ka waraabiyo intii ku dhimatay, Ilaahayna idinka iyo anagaba ha inga nabad galiyo shil gaadiid cirr iyo dhulba, waxba ku dheeraan maayo shilkaa baabur iyo dhibaatooyinka jira waxaan ku lafo guri doonaa maqaalo kale. Lakiin waxaanan iyadan ilaabi doonin dhalintii ila socotay gargaarkii qiimaha badanaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeeloobay shilkaa baabuur Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro, Ilaahay waxa uu caawiyaa kuwa nafahooda caawiya ee alle ha caawiyo hana inoo gargaaro dhamaanteen.
Qadarkaa naxdinta iyo murugada badanaa aduunyada ayaa iska sidaase naxdin iyo murugo socotee.
ka dib waxaaanu sii wadaynay socdaalkaygii markii aanu mareynay Arabsiyo waxa tiixtiixay roob yar oo lagu qabawsaday oo markii aanu yaryarayn aanu u niqaanay ciyaal ka cabsiis, abaaro 7:32 daqiiqo ayaanu gaadhanay Gebilay waxa aanu islamarkiiba galnay madashii ay munaasibadu ka dhacaysay waa hotel Askar oo marka magaalada aad gashoba dhanka midig kaa qabanaya oo ku yaala barta magaalada laga galo islamarkaana ka mid ah hotelada uga waaweyn deegaankaas,waxaanu galnay hoolkii munaasibadu ka socotay yaaslaam oo madal qurxoon weyn marwaxdo badan ku xidhanyihiin dhalin aad u badan oo ka kala yimid deeganada gobalka gebilay ka koobanyahay iyo waliba marti sharaf kale oo ka timid Hargeysi ay camireen, Bal aan eegno madasha sida loo fadhiyey ee loo camiray dhinaca sare ee loo yiqaano banalka waxa fadhiyey ragg qiimo badan ku leh Somaliland iyo dhalinta dhexdeedaba waxaan ka xasuustaa Boobe Yuusuf Ducale, Xasan Cabdi Madar, Axmed aw Geedi iyo Cabdirisaq Sh Aadan Badhasaab xigeenka Gobolka Gebilay, Dhinaca midiga ee hoolka waxa saf dheer fadhiyey dhalin ku labisnayd garmaan ay ku qorontahay Timacade Readers Club oo saf dheer si quruxbadan oo nidaam leh u camiray dhinaca dad weynaha waxa fadhiyey hablo bilicsan oo ku jeeniqaarnaa halku dhiga naadiga xagaa meel aan ku fogayna ay fadhiyeen wiilal bilicsan oo iyaguna sidoo kale nidaamsanaa.
Aayadaha qur’aanka kariimaka ah ka dib waxa hadlo soo dhaweyna ah iyo ujeedooyinka loo aas aasay ku furay Mahdi Cabdi Sheekh oo ku hadlayey magaca aasaasayaasha naadigan una mahadnaqay martisahrafta isgu timid xafalada qiimaha leh sidoo kale mahadnaq baaladhan u hibeeyey naadiga akhristayaahsa Hargeysa oo uu sheegayn in ay hawl fiican oo ay bilaabeen lagaga dayday, munaasibada oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay balse ay khudbadeedu ay aad u dheeraayeen dad badan oo kala duwana ay madasha ka hadleen, akhiste idiinma soo gudbin karo dhamaan hadladooodii lakiin dhalintii meesha ka hadlay hadaan xuso waxa ka mid aha Agaasimaha fulinta ee SONYO, Barwaani, Culimo oo ka socoday uruka wadaniga ah ee HYDA islamarkaana ah gudoomiyihii hore ee SONYO, Farduus siciid dirir oo ka socotay naadiga Halkraan ee Burco, Khaalid Jaamac qodax oo ka socoday Naadiga akhriska ee Hargeysa iyo waliba Cabdicasiis yoonis oo ah wiil dayar oo sameeya maahmaahaha dhamaantood dhalintaasi waxa ay ka sinaayeen hambalyada dhiirigelinta iyo shucuurta faraxadeed ee ay la qeybsanyeen dhalinta ree gebilay, waxa iyaguna halkaasi gebayo qosol iyo xikmadi ku jirtay ka jeediyey laba abwaan oo dayar oo ree gebilay ah waa abwaan Baas iyo abwaan Mukhtaar.
Wali waxaan dhexmushaaxaynaa khudabdihii iyo hadaladii waxa isna markan makarafoonka la wareegay qoraa Xasan Cabdi Madar waxaanu ku hanblyeeyey dhalinta ree gebilay haswha fiican ee ay qabteen waxaanu ka codsaday in ayna hawsha ayna halkaa kaga hadhin ee ay sii wadaan islamarkaana ay wax akhiryaan inta ay akhriyi karaan qoraalka laftigiisan ay wax qoraan si ay uga midho dhaliyaan waxa ay hiigsanayaan mustaqbalka, qoraa Xasan Madar ka dib waxa qaatay hadalka abwaan Axmed aw geedi dheeraad oo ka codsaday dhalinta in nabada la ilaaliyo oo hadii aanay nabdi jirin aan nadi jirayn waxa akhris iyo qoral toona aanu jirayn isalmarkaana baaq nabadeed u diray beelaha walaalahaa ah ee ay diritu ku dhexmayrso deegaanka ceel beerdale ee u dhaxeeya gobolada Awdal iyo Gebilay waxaanu abwaan aw geedi madsha ka akhriyey gebayo isugu jira waano iyo nabdad oo ka hadlaya qiimaha nabada iyo dhibaatada degaalka.
Aan ka nasano akhriste dhinaca khudbadehee waxa la glay qadar buugaaga qaybina kaasoo oo ay ku deeqeen buugaag kala duwan qorayaasha Boobe, Xasan Cabdi Madar Axmed aw geedi iyo buugaag kale oo ay ku deeqeen Red-sea online iyo qorayaal ree Somaliland ah oo ku sugan qurbaha sida buugaagta ay qoreen qoraysahsa Jamal Cali xusen, Jamac muuse Jaamac, Cabdilaahi cawad cige iyo Ibraahim hawad waxaana dhamaan buugaagtaa loogu deeqay naadiga cusub ee timacade. Intaa ka dib waxa la galay qadar bakhtiiyaansiib ah oo waraaqo ay ku qoran yihiin buugaag kala duwan magacyadoo loo qeybiyey dedweynaha kadibna qofkastaa buuga uu ku guualysto la siinayay.
Akristayaasha qiimaha badanow waxaba yuuna qalinku ila dheeraane sida laga wada war qabo waxa hore Somaliland uga jiray 7 naadi waxaakhris dhamaan gobolada Somaliland iyada oo uu Naadigan Timacadana uu noqonayo naadigii 8aad ee laga aas aaso guud ahaan jamhuuriyada gaar ahaana gebilay, waxa lakiin mahada iyo hanbalyo weyn u suganaatay naadiga akhristayaasha Hargeysa oo ah naadigii ugu horeeyey oo hada jira Sadexsano iyo shanbilood sida uu ii sheegay Khalid Qodax oo ka tirsan badahaas, taasi waxa ay cadaynaysaa in ay dhalinta somaliland ay u tis qaaday dhinaca aqoonta, akhriskaa iyo waliba qoraalka islamarkaan ay dib u soo celinayaan ifiitnkii iyo ilayskii horumakra iyo waxbarashda ee ku burburay nidaamkii bahalka ahaa ee siyaad bare, runtii maanta waxa Somaliland dhalinteeda looga baahanyahay isbadal caafimaad qaba oo dhinaca horumarka ah lakiin yaanu noqon mida lagu badalo qori iyo is qarxin ee waa in uu noqdaa mid qalinka waxa lagu badalo.
GUUL IYO GOBANIMO WAARTA
Sahra Kiin Abdriahaman Ahmed
Freelance Journalist
Sahra873@hotmail.com
Hargeisa Somaliland
Email this story
By Hassan Ali
Tags: akhris, Gebiley, naadi, Somaliland, Tiimacade
Bravo, Timacade Readers Club. Waxaan kadhadhansaday maqaalka walaashay in ay ahayd xafladu mid siwayn loosoo agaasimay. Tani waa talaabo loo qaaday dhinaca saxda ah.
Farhan (oday)
Hargeisa, Somaliland