Somaliland

Eedaysanayaal Maxkamadu Fasaxday oo ay Xukuumadu Xabsiga dib u Dhigtay Xataa Qareenkoodii

July 29, 2009   ·   0 Comments

Hargeysa (Somalilandpress)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa xoriyadoodii u celisay 9 eedaysane oo muddo 9 bilood ah u xidhnaa inay lug ku lahaayeen qaraxyadii argagaxiso ee dabayaaqadii sanadkii tagay Somaliland ka dhacay.

Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) oo isagu ahaa xaakinkii dacwadan ka garnaqayay ayaa shaaca ka qaaday ka dib markii uu dhegaystay dacwada eedaynta loogu jeediyay xubnahaasi, taasoo xeer-ilaalintu ku soo oogtay eedaymo ay ka mid yihiin inay gacan wayn ka gaysteen falalkii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa, iyaga oo taakulayn ku siiyay falkaasi. burbur iyo taakulaynka garna.
Dood, cadayn iyo eedaymo ka dib markii uu dhegaystay xaakimku ayuu ku dhawaaqay in eedaysanayaashaasi ay madaxbanaan yihiin, xoriyadoodiina loo celiyo marka laga reebo laba ka mid ah, oo iyaga maxkamadu ku xukuntay min 1 sano oo xadhig ah.
Waxaana uu Xaakinku ku sheegay in aan eedaysanayaashan loo hayn wax dambi ah, isla-markaana dacwada lagu soo eedeeyay aanay ahayn wax ay galeen, cadaymana loo hayn.
Go’aanka xaakimka ka dib, waxa madashii dhawaaqa ka jeediyay Taliyaha CID-da iyo Taliyaha Booliska Qaybta Hargeysa, kuwaasoo si mutuxan uga horyimi go’aankii Maxkamadu ugu celisay xoriyadoodii eedaysanayaasha, kuwaasoo ku amray ciidankii amniga ee goobta joogay inay qabqabtaan eedaysanayaashii dambiga loo haystay lagu waayay. taasoo sawaxan iyo buuq ka dhex-abuurtay Maxkamada, iyada oo ay gadoodeen eheladii iyo asxaabtii eedaysanayaasha xoriyadooda loo celiyay.

Ciidanka amiga ayaa iyagu rasaas ku kala kaxeeyay dadkaasi gadooday.
Talaabadan ka dhacday maxkamada ayaa waxay sababtay in xabsiga loo taxaabo, mid ka mid ah Garyaqaanadii u doodayay eedaysanayaasha oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Cali Banfas iyo Boqor Saleebaan. Kuwaasoo ay xadhigooda ka dambeeyeen masuuliyiintii Booliskii ee iyagu ka soo horjeestay amarka maxkamada.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi oo isagu ka mid ah Garyaqaanadii u doodayay eedaysanayaasha oo aanu arrintan wax ka waydiinay ayaa waxa uu falkan ku tlmaamay aad u fool xun oo aan hore loogu arag Maxkamadaha, kaasoo ah mid baal-marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka, xaqna aanay u lahayn boolisku inay garsooraha hortiisa dad ka qabtaan. Waxa uu intaa ku daray inay wax lala yaabo tahay in ciidamadii booliska ee loogu talo-galay inay ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka, inay iyagu noqdeen kuwa ku tumanaya si cadna uga horimanaya go’aankii maxkamada. Sidaa daraadeed, waxaana uu ku baaqay in deg deg ah xoriyadoodii loogu soo celiyo garyaqaanka iyo boqorka sharcidarada lagu xidhay ee aan wax dambi lahayn iyo waliba eedaysanayaasha maxkamadu fasaxday ee dib loo xidhay.

Ururka Garyaqaaanada ee Gargaar ayaa baaq ay soo saareen xukuumada ugu jeediyay in si deg deg loo sii daayo dadka xidhan ee Garyaqaanka iyo boqorku ku jiraan.

Sidoo kale, Ururka Garyaqaanada ee SOLLA ayaa iyaguna dhinacooda ka cambaareeyay talaabada lagu xidhay garyaqaanka iyo boqorka.

 

Xasan Copy1 Eedaysanayaal Maxkamadu Fasaxday oo ay Xukuumadu Xabsiga dib u Dhigtay Xataa Qareenkoodii Garyaqaan Xasan Cali Banfas oo iminka la Xidhan Eedaysane uu u Dooday oo Sharcigu fasaxay, xukuumadana u xidhan

Garyaqaan Xasan Cali Banfas, waxa uu wax ka dhigaa oo macaiin ka yahay Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama.

Qoraalkii Maxkamadu Ku sii Daysay Muwaadiniinta Dawlada u Xidhan

codka kur 231x300 Eedaysanayaal Maxkamadu Fasaxday oo ay Xukuumadu Xabsiga dib u Dhigtay Xataa Qareenkoodii

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)