Opinions

Duullaanka Ku Socda Baarlamaanka Somaliland

August 31, 2009   ·   0 Comments

HARGEISA, 31 August 2009 (Somalilandpress) – Sabtidii 29kii Ogost 2009: Waxan Joognaa Hargeysa. Taariikhdu waa 2009-08-29, waa maalin Sabti ah waana Ramadaan.

Waxan ku soo kallaahay Golihii baarlamaanka oo ciidan hubkiisii u dhan yahay iskuweer ka hayo. Ciidaamadu debedda golaha keliya kuma sugna ee iyagoo hubkooda sita waxay joogaan gudaha xarunta wakiilada. Ciidamada Dereyska sitaa waxa ka tiro badan ciidanka dhar cadka ah iyo nabad-sugidda dhex mulacyaynaysaa qolalka iyo barxadda Golaha.

Waxa falkaas goob-joog ka ahaa taliyihii ciidanka boolisku Sanqadhi Dubbad oo maaraynayey gabbood falka lagula kacayey Golihii Sharci Dejinta Qaranka oo ah kan ugu mudan saddexda dhardhaar ee dawlad Dimuqraadi ahi ka kooban tahay.

Mar la weydiidyey Sanqadhi Dubbad cidda ku amartay wuxu tibaaxay inuu haysto amarka cid ka sarraysa. Ciidanka ka sokow waxa albaabka Baarlamaanka la soo dhigay gaadhiga loo yaqaan shebeglaha ee maxaabiista lagu qaado

Inkasta oo uu jawigu ahaa mid cakiran, haddana waxa Shirguddoonku isku deyey in fadhigu furmo, haseyeeshee waa uu suuroobi waayey, fadhigiina waa la xidhay kadib markii xubno anshax ahaan fadhiga looga joojiyey ay soo xaadireen, ayna diideen codsigii Guddomiyaha ee ahaa inay fadhiga debedda ka joogaan.

Axaddii, 30kii August: sidii ayay ciidanku u haysteen Golaha Baarlamaanka, labada is-goysa ee waddada Baarlamaanka hormartana ay ciidamo u dhoobnaayeen. Sidii ayaa albaabka baarlamaanka hortiisa loo keenay gaadhi qafilan oo ah kuwa maxaabiista lagu qaado.

Waxa cusbaa Saxaafadda oo Sabtidii Golaha joogtay oo sawireysay facaa’ilka cago-jugleynta ah iyo karaamo ka qaadka xildhibaanada lagula kacayey oo debedda la dhigay loona diidey inay Golaha ka soo ag dhowaadaan.

Saxaafadda iyo dadweyne ka cadhaysan falalka xaalad abuurka ah iyo cagajugleynta qaawan ee lagu hayo Golihii la soo doortay ayay ciidamo tiro badani ku hor taagnaayeen is-goyska bari ee u dhexeeya Baarlamaanka iyo Cisbitaalka Guud.

Ma mooddaa inqilaabkii Okotobar 1969?

Afartan sano ka hor, 21 Oktobar, 1969 Baarlamaankii sharciga ahaa iyo hay’adihhii dastuuriga ahaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya shadaafaha ayaa loo laabay. Wixii falkaas ka dhashayna waa taas ilaa maanta huubadeedii la heensanayo.

Aroorttii salaasada ahayd, ee 21kii Oktoobar 1969 waxan ahaa arday dhigta Dugsiga Sare ee Banaadir, faslka 1aad (Form I). Goob joog baan dhacdadaas u ahaa. Heestii ugu horreeysey ee Idaacadda Raadyaw Muqdisho laga qaaday waxay ahayd:

Bushaara, Bushaar Bushaarra
Baarlamaankii Baga
Haddad Baa’biseen Baga
Waan u Baahnayne Baga

Heeso iyo tiraab taas la mid ah ayaa ka socoda Radyaw Hargeysa iyo Telefishanka xukuumaddu gacanta ku hayso.

Maxaa Siyaad Barre waagaas ku direy Baarlamaanka? Maxaase Rayaale maanta ku direy Baarlamaanka? (Maqaalkayga danbe ayaan isku dayayaa inaan si faahsan ugaga jawaabo)

Haddiise aynnu jawaab kooban bixino, waxaynnu og nahay in nidaamka dimuqraadiga baarlamanku astaan u yahay sarraynta dastuurka.

Ninka ama kooxda doonaysaa inay dimuqraadiyadda gawrac ugu jiiddo baarlamanka ayay abbaarta. Ama ka dhigtaa mid dhufaan ah oo ay ku addegato, wixii ay doonto ka fushato xubnihiisana waxooga dhaameel ah u lulsho.

Haddii ay taasi suurageli weydona farsamooyin kale ku daydaa. Sida caga-jugleyn, ciidan hubaysan iyo nabad sugid lagu baqdin gelinaya, iyadoo hay’adihii xukuumaddu ay si toos ah u caayaana una af-lagaadeeyaan hay’addaas dhawrsoon ee qaranka ka wakiilka ah.

Su’aasho waxay tahay, maxaaa Golaha Baarlamaanku galabsaday oo madaxweynuhu sidaas cadawtinimada leh ugu la dagaalamayaa?

Jawaabtu laba maaha ee waa mid qudha. Baarlamanku waa mucaarad. Denbi kale oo loo hayaa ma jiro. Weliba waa dhufayskii ugu danbeeyey ee mucaridka.

Beryahan danbena heeso badan oo Afweyne ama kacaankiisii lagu ammaani jirey ayaa Raadyo Hargeysa iyo Tvga Qaranka ka socda. Ma biciidsanayo haddii uu Radyow Hargeysa iyo TV-ga Qaranku ay sidii Radayow Muqdisho 1969kii qaadaam heeso ay ka mid yihiin:

Bushaara Bushaara
Baarlamaankii Baga
haddad baa’biseen Baga
waan u baahnayne Baga

Arrintu Ma Shidhaab Hadal Kama Danbeyn Baa?

Arrintu waxay leedahay saansaankii sheeko dhacday xilligii Ingiriisku dalka ka talinayey. Caaqil reer Ceerigaabo ah oo run sheeg ahaa ayaa ka baanay shir cuqaasha degmada iyo DC-ga wada lahaayeen. DC-gii ingiriiska ahaa ma uu jeclaysan hadalka caaqilka, markaasuu caaqilkii oo hadalka wata ku yidhi. “Shidhaab Mr Cali”. Caaqilkii ayaa aamusay. Maalin dambe oo ay cuqaashii iyo DC-gii shir kale isugu yimmaaddeen ayaa ninkii caddaanka ahaa arkay caaqilkii oo aamusan, markaasaa DC-gii weydiiyey, “Cali maxaa ku aamusiyey?” Dabadeed sidii odayga wax kale looga filayey buu yidhi, “Sir Shidhaab hadal kama danbayn”.

Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in loo gurmado oo laga hortago weerarka lagu hayo Golaha Baaralamaanka intaan Mudane Rayaale gebigiisaba quful sudhin oo aanu magacaabin guddi u hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda oo ka soo talo bixisa waxa xukuumaddu ka yeeli-doonto shir-guddoonka iyo xildhibaanada laga indho-saabay hoggaaminta suubban ee Madaxweynaha. Waa lagama maar maan inay xisbiyada qaranka, bulshada rayidka ah iyo shicibka Somaliland ay fadhiga ka kacaan intaan sida Komishankii Doorshooyinka Qaranka ee hore Baarlamaanka quful lagu jebin, xaalka xildhibaanada girgirif lihina noqon shidhaab hadal kama danbayn.

Waxa Qoray
Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

Email this story Email this story

By

Tags: , , , , ,


Readers Comments (0)