Somaliland

Dollar Store oo Hir-geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac-daray Jaamacada Timacadde ee Gabiley

December 25, 2009   ·   3 Comments

Gabiley (Somalilandpress) — Maamulka Gobolka Gabiley ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray tartan kubada cagta ah oo furmay 8 kooxood heerka Labaad ee gobolka Gabiley, kaasi oo loogu magac-daray jaamacada gobolkaasi ee Tima-cadde.

Maareeyaha Guud ee shirkada Maal-gelisay Tartankan Dollar Store, Mr. Deeq Cabdi Axmed oo ka hadlay furitaankii tartankaasi ayaa ciyaartoyda ku wargeliyay inay shirkadoodu u samayn doonaan kooxaha Somaliland ka ciyaara diraysyo u gaar ah oo aan ahayn kuwa ay ku ciyaaraan kooxaha caanka ah ee dunida. “Annagu Dollar Store ahaan waxaanu kooxaha Somaliland ka ciyaara u samaynaynaa koox walba waliba dirayska ay jeclaato oo iyada u gaar ah, oo calaamadii naadigoodu ku yaalo oo aan naadiyada adduunka ka ciyaaraa isticmaalin.

Maareeyaha Guud ee Dollar Store Deeq Cabdi axmed 225x300 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee Gabiley

Maareeyaha Guud ee Dollar Store Deeq Cabdi axmed

Maayarka iyo maamulka gobolka ayaanu ka tashanaynaa sidii ay noo siin lahaayeen astaanka gobolka oo aanu rabno in aanu u samayno dirays qaran, halka aynu kaga ciyaarno diraysyada naadiyada kale. Waxa kale oo iyaduna meesha noogu jirta in aynu samayno sawiro ay inoogu sawiran yihiin ciyaartoyda gobollada iyo degmooyinkeena oo aynaan xayaysiin ciyaartoyda ajnebiga ah. Waxaan rajaynayaa in aanay noqon hawshii u dambaysay ee aynu wada qabano, balse ay noqoto mid halkeeda ka sii socota oo bar-bilaw ah.”

Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo isna munaasibada furitaanka tartankan ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Waxaan u mahadnaqaynaa Company-ga Dollar Store oo inoogu deeqay koobkan Jaamacada Timacadde, Ururka Waayo-arag oo isna fulinta lahaa isna waanu u mahadnaqaynayaa. Waxaynu furaynaa xafiiskii gobolka saandambe, koobkan ka xiga gobolka ayaa dhigi doona, ka ku sii xigana Dawlada Hoose ayaa dhigi doonta.”

Maayarka Gobolka Gabilay Aadan Maxamed Badde ayaa sidoo kale isna munaasibadaasi kula hadlay ciyaartayda waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaynu nahay dad isku mid ha oo qaarna maamulkii wadaan, qaarna ciyaartii wadaan.

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Dollar Store, Waayo-arag,Badhasaabka, Taliyaha qaybta iyo ciyaartoyga balwadihii iska daayay ee ciyaar u soo banaan-baxay. Maanta waxaad tihiin 8 kooxood inaad ka soo badataan ayaan rajaynayaa, ciyaarihii gobolladu inay qabsoomaan ayaan rajaynayaa. Waxaan aad uga xumahay intii aanu gobolnimada haynay in aan la qaban ciyaarihii gobollada, annaga oo doonaynay in aanu idinku hogaamino. Kooxda Cadho loo bixiyay iska bedela ayaan odhan lahaa waayo ciyaartoyga kuma fiicna cadhadu, kooxda Aston Villa baxdayna inaga daaya ayaan odhan lahaa oo la baxa Timacadde. Waxa la rabaa inaad wadamada kale u tagtaan ciyaaro, halka dadka kale ay tahriibta ugu baxayaan.”

Maayarka Gobolka Gabilay Aadan Maxamed Badde ayaa sidoo kale isna munaasibadaasi kula hadlay ciyaartayda waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaynu nahay dad isku mid ha oo qaarna maamulkii wadaan, qaarna ciyaartii wadaan.

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Dollar Store, Waayo-arag,Badhasaabka, Taliyaha qaybta iyo ciyaartoyga balwadihii iska daayay ee ciyaar u soo banaan-baxay. Maanta waxaad tihiin 8 kooxood inaad ka soo badataan ayaan rajaynayaa, ciyaarihii gobolladu inay qabsoomaan ayaan rajaynayaa. Waxaan aad uga xumahay intii aanu gobolnimada haynay in aan la qaban ciyaarihii gobollada, annaga oo doonaynay in aanu idinku hogaamino. Kooxda Cadho loo bixiyay iska bedela ayaan odhan lahaa waayo ciyaartoyga kuma fiicna cadhadu, kooxda Aston Villa baxdayna inaga daaya ayaan odhan lahaa oo la baxa Timacadde. Waxa la rabaa inaad wadamada kale u tagtaan ciyaaro, halka dadka kale ay tahriibta ugu baxayaan.”

Xoghayaha Guud ee Ururka Waayo-arag Mustafe Cabdi Cilmi (Qalbi) oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee ugu caansanaa magaalada Hargeysa ayaa ciyaartoyda ka qayb-galay tartankaasi ku dhiiri-geliyay inay horumariyaan xirfadooda ciyaareed oo ay muujiyaan kartidii ay lahaayeen ciyaartoydii Magaca gobolka Gabiley kaga qayb-gashay tartankii gobollada dalka, waxaana uu ku wargeliyay inay sii wadi doonaan urur ahaan horumarinta ciyaaraha.

Ugu dambayntii, waxa halkaasi ciyaar aad u xiiso badani ku dhex-martay labada kooxood ee Timacadde iyo Heego, ciyaartaas oo ku dhamaatay barbar-dhac 1-1.

Tartankana kooxaha ka qayb-galayaa waxay kala yihiin, Naadiga Heego. Naadiga Timacadde, Naadiga FC Niil, Naadiga Cadho, Naadiga Sooyaal, Naadiga Gaashaan, Naadiga dhoobo, Naadiga Lion.

Dollar Store waxa ka heli kartaa wax yaalo badan oo kala duwan siba dharka dumarka, ciyaalka, raga, sports (basketball, tops, shoes, soccer, etc), cosmetics iyo wax yaalo kale oo badan. Waxa boqaata dollarstorescentre.com, hada uu bahan tahay fahfahin kale.

Xoghayaha Guud ee Ururka Waayo Arag Mustafe Qalbi 300x225 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee Gabiley

Xoghayaha Guud ee Ururka Waayo Arag Mustafe Qalbi

Timacadde 300x225 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee GabileyTimacadde1 300x225 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee GabileyTimacadde Cup 300x225 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee GabileyMaayarka Gabiley 225x300 Dollar Store oo Hir geliyay Tartan Kubada Cagta oo Loogu Magac daray Jaamacada Timacadde ee Gabiley

Email this story Email this story

By

Tags: , , , ,


Readers Comments (3)

  1. Yonis says:

    Wa fikirad fican ina dib loo furay ciyaarahi Somaliland tan kale aad ba ugu faraxsanahay inay shirkadaha Somaliland malgalinayan bulshada iyo dhalinyarada. Fikirad fican bay dhaman so jediyen wana ku tageersanahay.

    Waxan lee yahey dhaman hambalyo, Shirkada Dollar-Store-na waxan lee yahey mesha ka si wada hawsha ruunti waxa daad weynaha tusteen ina tihin dhalinyaro cilmi iyo aqoon ba leh dhinac kastaba. Wana hubaa ina aad loga jacayl yahey Dollar-Store in Hargeisa.

    Waxan ficnaan lahed inay kuwa kalena ka so qayb galan waxa moda shirkadaha Somaliland waxa ugu firfircoon oo aduunka la socda Dollar-Store iyo Telesom.

    Magacyo fican bay ka noqdeen Somalilanders-ka degan debadaha.

     Reply
  2. Jama says:

    Very good welcome Dollar-Store lakin you need better name. Something powerful and short, dollar is just word and store can be any store.

     Reply
  3. Thnks, Jaamac and Yonis, waa ku mahadsan tihii dhiiri-gelintiina aad na sii seen hadaanu nahay shirkada Dolar store, waxaanan ku dedaalaynaa inshalah sidi inta karaankayaga ah anu dhirilgelinta iyo ababulka ula dabatagnaan laheen dhalinyaradayada reer somalialand.

    Maareeyaha Guud ee Shirkada Dollar Store

     Reply