December 30, 2009 · 2 Comments
Hargeysa (Somalilandpress)- Hal Qof ayaa kun dhintay, Labo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii gaadhi jaad siday oo noociisu yahay Toyota Xaajiyad uu ku qalibmay jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Shilkan Gaadhi oo ka dhacay Tuulo Diin-qal lagu magacaabo oo u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa waxa Hal qof ee ku naf-waayay lagu magacaabaa Maxamed Khayl (Ina Casar Fayte) oo isagu ahaa Wadihii Gaadhigaas, waxaana ku dhaawacmay Laba qof oo kale, kuwaas oo dhaawacadooda mid ahaani culus, halka ka kalena uu soo gaadhay dhaawac fudud.
Dhaawaca dhibanayaashan ayaa la keenay maanta Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagu dawaynayo.
Shilalka ka dhaca jidka wayn ee isku xidha, Hargeysa, Berbera ilaa Burco ayaa ah ka ugu khasaaraha badan ee ay ku dhacaan baabuurta, waxaana loo nisbeeyaa iyada oo jidkaasi aan la dayac-tirin wadaduna ay tahay Hal Haad oo kaliya, kaasoo waliba si aad ah u burbursan. khaasaraha ay gaystaan shilalka noocan oo kale ah ayaa gaysta khasaare badan oo naf, maal iyo moodba isugu jira, shilkii gaadhi ee u dambeeyay waxa uu ahaa kii ka dhacay badhtamaha Dawga Buurta Sheekh ee uu ku dhacay gaadhiga siday Geela.
Email this story
By Abdiqani
I am sorry for this accidents, always like this accidents is happened for barabar road and most accidents in somaliland is that road and I condolences for the family of that maxmed khayl with all somalilanders .
I wish maxamed khayl tha paradise of allaha
aad ayaanu uga xunahay xaadiskaa intii ku dhimatey eebe ha u naxariisto intii ku dhaawacanteyna aha shaafiyo ,haseyeeshee gawaadhida xambaarta geedkaa xaaraanta ah ee qaadka kuwaas oo xawli aad u badan ku orda iyaga oon heysan wado fiican isla markaana gawaadhidu iska tacbaan tahay iyo dareewal xumo kolkaa waxa ay ila tahay in arinkaa dawlada somaliland iyo police ka wadooyinku fiira gaara u yeeshaan