August 29, 2009 · 3 Comments
Warbixin: Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax
Hargeysa (Somalilandpress)- Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigii maanta Goluhu u balansanaa waxa uu ku furmay jawi ka xaalad duwan guud ahaanba fadhiyadii goluhu soo yeeshay intii uu jiray, ka dib markii ciidamo Boolis ah oo tiro badan, isla-markaana uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad ay madasha qabsadeen.

Sidii caadada ahayd waxa fadhigii madasha lagu furay Aayado Qur’aan ah oo uu Akhriyay Xildhibaan Obsiye, ka dibna waxa mikrafoonka la wareegay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Cirro), oo isagu u muuqday saaka mid ku soo toosay go’aan adag oo uu madasha dibada uga saarayo 8 xubnood oo Goluhu ku soo rogay Anshax-marin ka dib markii ay arbusheen fadhigii u dambeeyay goluhu yeeshay.

Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro oo gudoomiyay fadhigii maanta ayaa ku dhawaaqay inay madasha fadhiyaan 53 mudane, sidoo kalena waxa uu magacyadooda xaadiriyay 8-deeda Xildhibaan ee anshax-marinta Goluhu ku soo rogay, isaga oo ka codsaday inay madasha dibada uga baxaan.
Intaa ka dib Maxaa Dhacay?
XIldhibaanadan 8 deeda ah ayaa waxay kaga jawaabeen dalabkii Gudoomiyaha sidan: “Bixi Mayno, Waanu Diidnay, Kaalay hadaad Xooghayso adigu Na Saar, waxayna ku luuqeeyeen Hees Nebi ammaan ah oo uu Qaadayay Xildhibaan Aadan-Sanqoole, Nebi ammaankaas oo ay ka daba jiibiyeen 7 Xildhibaan ee lagu amray inay golaha ka baxaan (Rabi Salle Calal-xabiibi Muxumed, Wacaalal Ahlihii Limanil Kuramaahu.”
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ku dhawaaqay inuu fadhigu xidhan yahay. Hase yeeshee waxa mar keliya isbedelay jawigii madasha, xilligaas oo ay iska soo buuxiyeen kaamboolka Golaha Wakiillada iyo hoolkaba cutubyo ka tirsan ciidanka booliska oo siyaado ahaa, kuna amray ciidankii ilaaliyeyaasha ahaa ee labada shirgudoon inay madashaba dibada uga baxaan. Balse, shirgudoonka Golaha Wakiilladu waxay ammintaas warbaahinta maxaliga ah u qaybiyeen warsaxaafadeed u sii diyaarsanaa oo ka hadlaya in la inqilaabay golihii sharci-dejinta ee Wakiillada umadu soo dooratay, arrimahan dhacayaana ay tusaale u yihiin weerar badheedh ah oo xukuumada Rayaale ku soo ekaysiisay Golaha Wakiillada.

Hadaba, dhacdooyinka kale ee madasha waxa ugu la yaab badnaa badheedhihii Taliyaha ciidanka Booliska Kornayl Saqadhi Dubad oo mudooyinkan dambe waddo-halaq-mareen ka dhigtay Golaha Wakiillada, ciidamana keenayay fadhiyadii u dambeeyay, isaga oo hore u sheegay in ciidanka uu Golaha keenayo aanu uga amar-qaadanaynin shirgudoonadooda balse uu u madaxbanaan yahay, laakiin saaka waxa uu ku bariisaday isaga oo barbar-socda 8 xildhibaan ee madasha anshax-marinta looga saaray, isaga oo guus u ah inqilaabayna guud ahaan madasha, taasoo muujinaysa amaradii dambe ee uu bixiyay, sida ciidankii ilaalida labada shirgudoon uu u ku amray inay madasha dibada uga baxaan, halkaasoo labada shirgudoomiye ee Golaha Wakiilladu, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale markii ay arkeen in xaaladii goluhu tahay talo-faro-ka haaday ay iyaga oo gacmaha is haysta dibada uga soo baxeen xaydaankba Golaha, dibadana ugu soo baxeen iyaga oo lugaynaya, halkaasoo ay ka galbiyeen boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, kuwaasoo ili-ka-aragtay kala socday sida ay wax u dhacayeen, korna u qaaday ilaa intii ay ka gaadhayeen cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. “Walaalayaal waad aragtaan in maanta golihii keli ahaa ee umadu soo dooratay la inqilaabay oo ay ciidamo xoog ku soo galeen, awood loo adeegsaday, sharcigiina lagu tumanayo, waad aragtaan markhaatina waad ka tihiin” sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sidoo kalena, jewigii Golaha Wakiilada ee maanta ay awooda ku qabsadeen cutubyo ka tirsan ciidanka boolis oo cadad iyo tiro dhaafay ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay suxufiyiinta ka hawl-gala hay’adaha warbaahineed ee madaxa banaan waxay ka muteen xaaladan xadhig, hadidaad, qalab-burburin, baacsi, garaacis, caga-juglayn iyo waliba suxufiyiinta qaarkood oo lagala wareegay guud ahaanba qalabkii ay ugu soo shaqo tageen hawl-maalmeedkooda.

Waxaanay maalintani ahayd maalintii ay ugu arxanka darayd xukuumada Rayaale, isla-markaana si badheedh ah ay bartilmaameed uga dhigatay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ka hawl-gasha, iyaga oo diidanaa inay suxufiyiintani baahiyaan habkii ka baxsanaa dimiqraadiyada, isla-markaana jebinayay guud ahaanba shuruucdii dalka oo saaka u muuqday in inqilaabkii 1969-kii Askartii Siyaad Barre watay ku qabsadeen Golihii Baarlamaankii Shacabka Soomaalida. Waxaana suxufiyiintii maanta la xidhay la ka mid ahaa Weriye Qaasim Ibraahin oo ka hawl-gala WaryaTV iyo Saraarnews, Budul oo ka tirsan weriyeyaasha Wargeyska Haatuf, Cabdirashiid Cali Sheekh oo Wargeyska Jamhuuriya ka tirsan, halka laga garaacay Cabdi Xasan oo ka tirsan Radio Hormuud, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ka tirsan Radio Horyaal, Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Hadhwanaagnews ayaa sidoo kale qalabkii uu ku hawl-galayay waxyeelo laga gaadhsiiyay, halka suxufiyiin kale iyagana gacan-saar loola tagay.

Ciidanka Booliska ee saaka inqilaabay madasha golaha wakiilada ayaa guud ahaanba u muuqday kuwo aad u cadhaysan oo la sii diyaariyay, una muuqday kuwo u hawl-galay dhacdadan habeenkii xalay ahaa.

Si kastaba aha ahaatee, waxa guud ahaan isbedelay dareenkii bulshada Somaliland iyada oo ilaa iminka laga dhursugayo waxa uu arrintan ka yidhaahdo Madaxweyne Rayaale oo loo tirinayo ficlan inuu isagu ka dambeeyay dhacdadan saaka, halka xisbiyada Mucaaradkuna ay aragtidooda ku saabsan dhacdadan lagu inqilaabay Golihii Wakiilada ay muujiyeen inay aad uga xun yihiin. Sidoo kale, ra’yul-caamka dadweynaha Somaliland waxay dhacdadani u sawirtay dareen cusub oo ah in isbedel wayni ku yimi guud ahaanba dimiqraadiyadii iyo haykalkii dawladnimo ee Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng, Faysal Cali Waraabe, Axmed Muxumed Madar oo ka tirsan Saraakiisha xisbiga Kulmiye oo xayndaanka Golaha ka hadlay ayaa sheegay inay talaabadan aad uga xun yihiin, Gudoomiyaha Xisbiga KUlmiye Axmed Siilaanyo oo isna aanu xafiiskiisa ugu tagnay ayaa isaguna cambaareeyay oo ku tilmaamay duulaan ay xukuumadu ku soo qaaday hay’adii madaxa banaanayd ee sharci dejinta.


email; cabdiqani00001@hotmail.com
Email this story
By Abdiqani
waa Nasiib darro mar haddii Golihii keli ahaa ee ay dadku soo doorteen sidaa loo bah dilay oo loo inqilaabay waana musiibo hor leh oo ku soo korodhay Dimuqraadiyada Somaliland ay caalamka ka iibin jirtay, mana aha wax loo dul qaadan karo, waxaanay u egtahay in xukuumada Riyaale cagta saartay waddadii keli talisnimada oo ay sharciga dalka iyo Dastuurkaba doonayso in ay laab-laabto.
Waxa se laga sugayaa dad weynaha reer somaliland in ay ka jawaabaan Ficilladan xun-xun ee ay la soo baxday xukuumadii ay codkooda siiyeen, iyaga oo u maraya hab nabad gelyo leh in ay runta u sheegaan in aanay dadku aqbalayn cabudhin iyo talo maroorsi taasina ay hore uga soo dagaalameen.
Deep thought! Thanks for conrbtiuitng.
ezqzCm jmtnoidiuzgx