October 27, 2009 · 0 Comments

Adeegan ayaa sidoo kale fududaynaya in macmiilku wax kaga iibsado goobaha kala duwan ee ganacsiga isaga oo adeegsanaya Kaadhka loo yaqaano Depit Card. Adeegan cusub ee la daahfuray maanta waxa loogu wanqalay magaciisa Dahabshiil E Cash (Dahabshiil Electronic Cash), munaasibad balaadhan oo la sameeyay sidii looga hirgelin lahaa goobaha kala duwan ee daaha faaha caalamka ay ka hawl-gasho shirkada Dahabshiil ayaa waxa ka goob-joog ka ahaa Masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland, Madaxda Axsaabta Qaranka, Madaxda Shirkadda Dahabshiil oo uu ugu horeeyo Maareeyaha Guud iyo maamuleyaasha shirkada ee laamaheeda qaar ka mid ah, waxa kale oo ka soo qayb-galay Ganacsatada Somaliland, macaashiima shirkada sida gaarka ah ugu xidhan iyo dadweyne kale, waxayna ku qabsoontay Hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

“Dahabshiil E Cash waa adeeg cusub oo casri ah, kaasoo sahlaya in qofku meel kasta oo uu joogo wax kaga iibsan karo. Adeegan ay shirkadu maanta daah-furayso waa mid dunida horumartay isticmaasho, balse wadamada Afrikaanka ahi aanay isticmaalin.
Dahabshiil oo mar kasta u dedaalaysa sidii ay u haqabtiri lahayd baahiyaha macaamiisha, waxa aanu muddooyinkan dambe isku taxlujinaynay sidii ay dadkeenu ula jaanqaadi lahayn horumarka laga gaadhay aqoonta IT-ga ee hada wax kasta lagu maamulo. Sidaa daraadeed, waxyaabaha adeegan looga faa’iidaysanayo waxa ka mid ah in aanu qofku qofku u xanibmin maalmaha jimcayaasha iyo ciidaha lagactii uu sugayay ee loo soo diray oo uu si sahlan lacagtiisii u helayo.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Shirkada Dahabshiil Laamaheeda Somaliland, Mr. Cabdi Faarax isaga oo ka hadlayay xagga adkaynta ammaanka lacagahan macaamiisha shirkadu masuulka ka tahay iyo sida ay isu-waafaqayaan in warqad casriya oo aan dadka badankiisu garanayn la adeegsado waxa uu yidhi: “Xagga ammaanka waa noocyada ugu adag ee caalamka laga isticmaalo, kaadhka laftiisa waanu soo adkayn oo ma googo’ayo, mana xogmayo, waliba hadii uu kaa xoqmo ama kaa lumo, lacagtaadii kaama lumin, waxaana laga isticmaalaa Yurub iyo Maraykan, waxaana Faan inoogu filan in aan adeegan laga isticmaalin Afrika, waxaana shaqada nidaamkani si toos ah u bilaabmaysaa 1 bisha November ee maalmaha yari ka hadhsan yihiin.”

Maamulaha Guud ee Kambaniga Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo isna ka hadlay madashaas ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegan casriga ah, isaga oo nidan ku galay in shirkadiisu soo waddo adeegyo kale oo si dhakhso leh ay daaha uga rogayaan dhawaan, kuwaasoo ah kuwo aad loo sugayo, waxaana uu ku tilmaamay Adeega Telefoonada oo ay shirkada Dahabshiil soo waddo Somtel Telecommunication,
“Shirkadu waxay lahayd Adeeg telefoon oo aan dalka wada gaadhsiisnayn, Somtel Telecomunication, kii baanu balaadhinaynaa, oo muddooyinkii dambeba aanu aad ugu mashquulsanayn, waxa uu adeegaasi idinka haqab tiri doonaa dhinaca adeega Internetka oo ah ka wax kasta ama shaqo kasta suurto-gelinaya, hada qalab yar oo Malaysia noogu maqan ayaa noo hadhsan, telefoono casriya iyo internet baaxadiisu wayn tahay ama speedkiisu deg deg badan ayay ayaad naga sugi doontaan.” Ayuu yidhi Cabdirashiid oo aad ugu mahadnaqay Hawl-wadeenada shirkada u qaabilsan culuunta IT-ga ee hindisay adeegyadan casriga ah.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Md. Abiib Xasan Filfil oo munaasibadaasi goob-joog ka ahaa ayaa hadal uu ka jeediyay shirkada ku amaanay waxqabadka ay bulshada ugu adeegto, isaga oo u balanqaaday in wixi kaga xidhma wasaaradiisa u fududayn doonaan, il-gaarana ku hayn doonaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay sida ay maalin maalinta ka dambaysay fikir cilmiyaysan ugu soo kordhinayaan bulshada Somaliland maamulka shirkada Dahabshiil iyo hawl-wadeenadooda dunida ku baahsani.

Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Maxamed-rashiid Sh. Xasan ayaa isna ayaa isaguna hoosta ka calaamadiyay in shirkada Dahabshiil ay muhiimad balaadhan ugu fadhido shacabka Somaliland oo ay sharaf u tahay reer Somaliland in shirkad wadankooda laga leeyahay loo aqoonsado mid caalamiya oo xafiisyo ku leh in ka badan 54 wadan.
Email this story
By Abdiqani