Somaliland

Bandhig Dhaqameedka Mooge iyo Carwada Caalamiga Buugeedka ee Hargeysa

July 16, 2009   ·   1 Comments

Hargeisa, 17 July 2009 (Somalilandpress) – Kayd, Redsea-online.com, Ilays, Havoyoco, Sonyo and Naadiyada Akhriska ee wadanku waxay dadwaynaha ku dhaqan Somaliland loogu bushaaraynayaa in magaalada Hargeysa uu kaaga bilaabmi doono bandhig dhaqameed aan noociisu hore uga dhicin Somaliland oo la yidhaahdo Bandhig Dhaqameedka Mooge, Alle ha u naxariistee. Bandhig Dhaqameedka Mooge wuxuu bilaabmayaa xilliga dabshidka oo ku beegan 22 bisha Julaay isaga oo socon doona muddo Lix cisho ah. Bandhig dhaqameedkan waxa kale oo ku ladhan Carwada Caalamiga Buugeedka ee Hargeysa oo lagu soo bandhigayo buugaag ay curiyeen qoreyaal Soomali iyo ajaanibba leh oo ku saabsan arrimaha bulshada, sayniska, fanka iyo suugaanta.

Bandhig Dhaqameedka Mooge iyo Carwada Caalamiga ah ee Buugta waxa ay ka koobnaanayaan barnaamijyo iyo dhacdooyin aad u qiime badan oo ay ka muuqanayaan qorayaal, aqoonyahanno iyo fannaaniin isugu jira rug caddaa iyo dhallinyaro. Dhacdoonyinkaas waxaa ka mid noqonaya bandhig suugaaneedyo, masrixiyado, dood cilmiyeedyo, aqoon isweydaarsiyo aad waxtar u leh oo iftiiminaya baylahda faraha badan ee hor taagan hadda bulshadeenna.
waxaa nagala soo qaybgali doona, oo aad filan kartaa, qoraayaal, abwaanno, fannaaniin iyo indheergarad ku xeel dheer af Soomaliga iyo dhaqanka, oo ay ka mid yihiin; Abwaan Gaariye, Hadraawi, Xasan Ganey, Baarleex, Xasan Qawdhan, Axmed Saleebaan Bidde, Cali Banfas, Muuse Ali Faruur, Shaacir, Awgeedi, Dhinaca qorayaasha: Boobe Yuusuf Ducaale, Xasan C. Madar, Sayid Maxamed Yuusuf, Maxamed Baashe X. Xasan, Cabdilaahi Cawad Cige, iyo qaarkale oo badan.
Dhinaca kale waxaa dood cilmyeedyo aad u faa’iido badan oo lagu soo bandhiggi doono madasha hogaamin doona Prof. Saleeban, Dr. Bulxan, Dr. Fadal, Rashiid Gadhwayne, Cabdalah Xaaji, Axmed Macalin, M. Yasin Colaad, Dr, Sacad A. Shire, Prof. Xadi iyo aqoon yahanno kale oo aad u tiro b adan oo wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba ka iman doona.

Wixii macluumad iyo faahfaahin dheeraad ee ku saabsan Mooge Festival ama Hargeysa International Book Fair kala soo xidhiidh:

Telephone: 4022737
Email: ayan_mahamoud@kayd.org ama Jaamac Muuse Jaamac; jmgurey@gmail.com

Email this story Email this story

By

Tags: , , ,


Readers Comments (1)

  1. Milgo says:

    This is a great event!I hope somalilandpress will cover this event extensively!

     Reply