Somaliland

Axmed Jowhari oo ka hadlay Shir ururka UDHIS ku qabtay Xaafadda Woolwich ee Magaalada London.

September 28, 2009   ·   0 Comments

London (Somalilandpress)- Axmed Maxamed Jawhari oo ka mid Ururka Udhis,oo haatan ku sugan magaalada Lodon,ayaa ka qaybgalayShir lagu qabtay Xaafadda Woolwich ee Magaalada London.
 
Mr.Jawhari ka hadlaya Kulankaas ayaa uga xogwaramay dadwynihii ka soo qaybgalay kulankaa xaalada siyaasdeed
ee dalka ka taagan iyo arimo kale oo dhinacyo badan leh,Waxaanu ku bilaabay
“Ugu horayn waxaan halkan tacsi uga dirayaa guud ahaan umada Somaliland gaar ahaana eheladii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii dhawaacmay isu soo bixii ka dhacey magaalada Hargeysa 12/9/2009. Arintaasi waa mid murugo gaar ah leh tiiraanyana ku reebtay inta wanaaga la jecel Somaliland waxaana ayaandaro weyn ah in kuwii loo igmaday difaaca dalka iyo dadku ay dhiiga shacabka ku daadiyaan caasimadeena.

Hadaanu nahay ururka UDHIS waxaanu si xoog leh u cambaaraynaa arintaa foosha xun. 
Ururka UDHIS waxa sameeye dadk reer Somaliland ahmiyaddoodu tahay danta Somaliland iyo hurumarka dalka oo anay ku jirin xusbi jacayl iyo shakhsi jacayltoona, qaabdhismeedkiisu weli dhama ee wuxuu dhammaanaya marka ummaddu ka soo wada qayb gasho tuulo ilaayo gobol.  
 
Maanta waynu wada ogasoonahay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalkeena ee ku saabsan qabsoomida dhoorashada Madaxwenaha. Ma aha markii ugu horeysay ee khilaaf noocan ahi uu ina soo maro. Wuxuu ina soo marey 2008dii, 2009ka bilowgiisii, ilaa maantana waa taaganyahay. Waxa muuqata in hogaanka siyaasada ee dalkeenu uu markale qorsheenayo in xal ku meel gaadh ah lagaga gudbo isku dhaca siyaasadeed ee haatan jira, xalkaasi oo ah ka keenay khalkhalka siyaasadeed ee soo noqnoqanaya ilaa 2008dii.  
 
Hadii aanu nahey ururka UDHIS waxa aanu aaminsanahey in aanay siyaasada wadanku noqon mid u xidhnaata xisbiyo iyo shakhsiyaad gaar oo isbidey in dantoodu ka mudantahey ta umada inteeda kale.
Dooda maanta taaganina waxa weeyaan mid baalmarsan oo aan ka turjumayn rabitaanka dadka.   Waxa aan shaki ku jirin in maamulka talada hayaa uu ku fashilmay xilkii loo igmaday gabi ahaan wax horumar ahna aanu  soo kordhin. Waxa kale oo iyaguna guul darada siyaasadeed la qaba xisbiyada mucaaridka ah oo gabey kaalintoodii oo ku koobnaadey sidii ay u ilaashan lahaayeen mansabkooda siyaadeed iskana indho tiray in dimuqraadiyad dhab ahi ay ka hirgasho dalka.
Waxa iyana marag ma doonto ah in sida dawladu ugu faro adeegayso kursiga uu mucaaridkuna sidaa si leeg ay uga go’antahey in hubiyaan in masraxa siyaasadeed uu koobnaado  shacbiguna aanu helin fursad ay ku kala doortaan fikrado siyaasadeed oo kala duwan. 
 
Hadaanu nahey ururka UDHIS waxa aanu aminsanahey in maanta loo baahanyahey in dib loo saxo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, Lana bedelo nidaamka imika ee sadexda xisbi ka kooban. Oo shrcigii dalka la soo celiyo laguna dhaqmo constitutionkii ummaddu u codeysey. Waxa jira fikir khaldan oo ay soo xigtaan shakhsiyaadka danta gaarka leh ee aan doonayn in lagula tartamo arigtida siyaasadeed kuwaaso ku dooda in hadii xisbiyada la fasaxo uu imanayo tafaraaruq iyo is barbar yaac dhawaac u geysan Kara isku duubnida bulshada Somaliland. Balse xaqiiqdu waxay tahey in aan loo baahnayn in si macmal ah loo xadido tirada xisbiyada, waayo waxa jireysa in xisbiyada siyaasada ay si dabiici ah tiradoodu u koobmayso.
 
Xisbiga siyaasadeed ee aan fikirkiisa iibin karaynin, kasbana karayn kalsoonida shacabka,ee aan maal galin karayn ololihiisa siyaasadeed  aanu ahayn mid sii jiri doona, xisbiyada sii jiri doonaana  ahaan doonaan kuwii kasbada tageerada shacabka fikirkooduna uu hirgalo isla markaana waxay sii adkaan lahaa dimuqraadiyadeena.   Nabada Somaliland qiimo wayn ayeey inoogu fadhidaa dhawrideeduna ahmiyad ayay inoo leedahey, dastuurkeenana isna waa in uu qiimo wayn inoo lahaadaa noqdaana mid la isku xukumo, sharcigana isna waa in la qiimeeyaa. Xuquuqda asaasiga ee muwaadiniintana iyadana waa in la qadariyaa. Tafaraaruqu iyo burburku Kama bilowdaan marka cadaalad la isku maamulo balse waxa uu yimaadaan marka cabudhin iyo cagajuglayn la caadaysto.  
   
Shir uu ururka UDHIS ku qabtay Xaafadda Woolwich ee Magaalada London, halkaas oo uu Axmed Moxamed Axmed (Jowhari) uu ka jeediyey hadalkan: 24/9/09 Hadii aanu nahay xisbiga UDHIS waxa aanu doonaynaa dimuqraadiyad ku salaysan cadaalad oo horumar iyo faa’iido u leh dalka iyo dadkaba, waxaanu rabnaa in aanu wax ka qabano dhibaatooyinka tiro badan ee  maanta dalkeena haysta. Waxa aanu doonaynaa in aanu isbedel muuqda ka hirgalino wadanka.  Waxa aanu rabnaa in aaney ka qayb qaadashada shacabkeenu ku koobnaan cod dhiibasho xiliga doorshada uun ah balse shacabku noqdo mid barnaamij cad ugu dhiibta xilka cida ay doorbidaan, isla markaana uu shacabku noqdo mid si buuxda ula xisaabtami Kara cidii ay doortaan.    

Waxa aynu aragnay waxa dhici Kara marka shacabku aanay jirin wax cad oo uu ku doortay dawladiisa sidii aynu ku aragnay weerarkii dhawaan lagu qaadey golaha wakiilada ee Somaliland, Golahaas oo ah ka kaliya ee si sharci maanta ku fadhiya. Taasi waxa kale oo ay muujinaysaa in marka danta guud lagu doorsado mida gaarka ah hogaanka dalkuna uu hilmaamo ujeedada meesha uu joogo. Dimuqraadiyada dalkeenuna waa mid maanta dib u gurasho ku jirta. Dawlada xun ee dhaawacaysa dimuqraadiyadeena ma istaahisho in xisbi ahaan lagu difaaco waayo dawladaasi beriba weey tagi doonta laakinse dalku waa kii. La yaab ma laha in kursiga la jeclaysto oo la isku dhejiyo laakiinse taasi Kama dhigna in dastuurka la baal maro dalkana khalkhal la galiyo, dawladu waxay awoodi karaysey in iyadoo ilaashaneysa in ay hadana wixii loo doortay iyo danta umada ka shaqeyso nasiib daro taasi way garan wayday     Xikmada siyaasadeedna kuma koobna kaliya sadexdaa xisbi, dadkeenu waxay xaq u leeyihiin in ay helaan dimuqraadiyad dhab oo aan magac u yaal uun ahayn.    
 
Maanta arrintan isku murugtay waxa u sabab ah horta waa laba arrimood: Daku wuxuu muwaafaqo iyo dawladnimo helaa marka wax ay ku heshiisyihiin jiraan taas oo ah Constitution dalka loo sameeyey ee muwaadiniinta dalka ku nooli ay u foodeen in lagu dhaqmo, 1) Waxa la jebiyey constitutionkii oo seddexda xisbi qaran markii inta ay shireen ku heshiiyeen in doorashada madaxweynaha laga soo hormariyo tan degaanka ayey jebiyeen constitutionkii, mar haddii meel laga jebiyo xeerka dalka u yaala waxyaabo badan oo kale ayaa leexsamaya oo in sidii uu ahaa loogu dhaqmo wey adkaaneysaa, Arrinta labaad 2) waa komishinka Qaran ee doorashooyinka u xilsaaran   Dhibaatada Somaliland ka taagan waxa dhigay Komishinka Qaranka oo xilkoodii gudan kari waayey awood ay doorasho ku qabtaana aan lahayn aqoontuna ay ku yartahay, markasta oo shaqadooda ay ku fashimaanna keena cudur-daar aan munaasib ahayn. Shirkaddii dalka khiyaamaysay ee qalabka mustacmalka ah u keentay diiwaangelinta iyo Server ka bilaa awoodda ah waxay ka faaiideysatey tamar darrida Komishinka iyo xubin ka mid ah oo si gaar ah ugu xidhneyd shirkadda qandaraaska qaadatay una suurta geliyey arrimo badan isagoo dalka khiyaameeyey qaybtiisiina qaatay. Maanta marnaba ma suutogelinkaraan iney doorasho xalaal ah qaadaan inta komishankani joogo.

 
Xukuumadda iyo dadweynaha reer Somaliland waa iney talaabo sharci ah ka qaadaan xubnaha Komishinka ka tirsan ee danbiyada qaranka ka galay shaqadana laga eryaa oo weliba maxkamad la soo taagaa.   Had iyo jeer waxaynu ku taamnaa nabadda beynu haysanaa ee ha burburinina waa 19 years inta aynu hadalkaas oo kaliya carabka ku hayney, hormar ayaa loo baahanyahay.
 
Tacab ayaa loo baahanyahay si aynu horumar u gaadhno maaha ineynu nidhaahno ha dhaqdhaqaaqina nabadda ayaa wax noqoneysee. Nabadda aynu haysano ma dawlad iyo sharci ayaa inoo haya mise waa mid bilaashuruud kaga timi dadweynaha reer Somaliland, waxaynu u baahanaya nabad ku fadhida sharci lagag baqo,  Dawladdu marka ay sharciga ku dhaqanto ee ay nabadda keento waxa laga baqaa sharciga oo loo hogaansamaa, maanta Somaliland askarigu isaga ayaa iska leh qoriga uu sito haddii la soo weeraro oo iska caabinta uu cid waxyeelo xataa haddii laga gardaranyahay waxa la weydiinayaa magta.  

Wadan marka uu dhismayo marka ugu horreysa waa inuu yeehsaa sharci (xeer) constitution lagu hago oo ah sharciga lagu dhaqmayo.

Wax kasta la samaysto constitution la’aan majirayo, haddad rabtid inaad samaysato shirkad waa inaad u samaysaa constitution haddaad hay’ad samaysataan waa iney yeelataa constitutin wax kasta qeexaya oo lagu dhaqmayo. Somaliland waxay leedahay constitution (Xeer) ummaddu u codeysey oo wadanka lagu dhaqayo, haddii mar kaliya la jebiyo sharcigaa wadanku jiri mayo ictiraafna helimeyno, wax kasta oo soo kordha waa in la raacaa constitutionka haddey inagu adagtahay iyo haddey inoo sahlantahayba. Odayaasha dhaqanka iyo guurtida maanta joogta waxay si fiican oo lama ilaawaan ah u shaqeeyeen intii aynaan samaysan constitutionka, markaa maanta waxaan leeyahay odayaasha wax dhexdhaxaadinayaa – dhedhexaadintoodu ha noqoto waar constitutionka raaca oo waxa ku qoran ha lagu dhaqmo ee yaanay inoo keenin arrin baal marsan constitutionka dalku ku dhisanyahay.

Guurtidana waxaynu leenahay haddey idinku jiraan qaar markii hore danaysan jiray Ilaahay baanu idinku dhaarinee maanta udabkiina u daneeya oo dal iyo dawladnimo ha idinka dhaxlaan. 

Axmed Jowhari 253x300 Axmed Jowhari oo ka hadlay Shir ururka UDHIS ku qabtay Xaafadda Woolwich ee Magaalada London.

Maanta wadankii waxa ku soo kordhay arrin ugub ah oo ah in la yidhaahdo dawlado shisheeye ah ayaa ina heshiisiinaya taasiu haddii ay hirgashana marka danbe waxa xigi doonta in madaxdeena loogu yeedho wadamo kale oo looyeedhiyo masiirka iyo dawladnimadeena.”

Email this story Email this story

By


Readers Comments (0)