Press Ahead

Information
External Links
Education Links
Page last updated November 24, 2009
HARGEISA, 24 November 2009 (Somalilandpress) – Wargeyska Geeska Africa waxa indhawayd uu caadaystay in bogiisa hore uu ku soo qoro warar been ah oo dhaawac iyo dhibaato weynba u geysan kara Qaranimada Somaliland.
Waxana ka mid ah maqaaladaasi kii maanta oo taariikhdu tahay 24/11/09 cadadkiisa 813 uu ku baahiyey bogiisa hore kaasi oo uu ku tilmaamay kaalmada dawlada Masaaridu ay u soo dirayso shacbiga Somaliland caawimo cad-quudheed ah, taasi oo meel ka dhac ku ah xidhiidhka fiican ee u dhexeeya labada shacbi ee Somaliland iyo Masaarida.
Waxaynu ka warqabnaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada shacbi Somaliland iyo Masaarida u dhexeeya iyadoo illaa hada dalkeena ay joogaan macalimiin Masaari ah oo caruurteena wax barta. Xukuumada Somaliland-na waxa ay gacmo furan ku soo dhawaynaysaa cid Allaale cidii waxtar iyo kaalmo u fidaniysa shacbiga Somaliland.
Waxa kale oo iyana xusid mudan maqaalkii beenta ahaa ee bogiisa hore Geeska Africa uu ku soo qoray markii dawlada Sucuudigu ay ka qaaday cunaqabatayntii dhoofka xoolaheena. Dhacdadaasi cunaqabataynta ee Sucuudigu ka qaaday xoolaheena, waxa uu wargeysku ku tilmaamay mid been ah oo afka baarkiisa ah, taas oo wajigabax ku riday wargeyska iyo qorayaashiisaba, markii arritaasi ay dhabowday dhoofkii xoolahana loo bilaabay dalkaasi Sucuudi Carabiya.
Haddaba hadalada noocaas ah ee lagu baahinayo wargeys sheeganaya in uu ka soo baxo kuna abtirsado Somaliland miyaanay ahayn Qaran dumisnimo iyo qorayaasha baahinaya wararka nuucaas ah in ay hayso aqoondaro, jaahilnimo iyo mas’uuliyad darro aanay dareensanayn waxyeelada ay u geysanayaa qaranimada Somaliland iyo shacbigoodaba.
Waxa an cidna ka qarsoonayn oo lawada ogyahay dulqaadka xukuumada Somaliland ay had iyo jeer muujiso inaanay wax talaabo ah ka qaadin dadka maqaalada nuucaas ah baahiya iyadoo sharciga lala tiigsado waddamada kalee Adduunka oo ay ka mid yihiin dalalka aynu jaarnka nahay haddii wariyayaashu ay ku kacaan dhacdooyin nuucaas ah.
Gebagebadiina waxan kula talinaynaa wargeyska Geeska Africa iyo kuwa kale ee dalka ka soo baxaba inay ka waantoobaan maqaalada fidno abuurka ah ee waxyeelada u geysan kara qaranimada dalka iyo danta shacibagaba.
Allaa Mahad Leh
Siciid Cadaani mooge
Afhayeenak Madax-weynaha JSL.
Published by: R Mo
3 Comments on "Xukuumadda Somaliland oo Cambaaraysay Wargeyska “Geeska Afrika”"
HAVE YOUR SAY & REVIEWS
KENYA: Warming up to Somaliland
But Kenya which has a significant number of expatriates in the region is reassessing its position...
YOUTH: The Ambassador of Future
This very agony has engulfed her first-born baby. Her only light was snuffed out and was butchered...
Somaliland to contract French firm in running of major port
Bolloré Africa Logistics is expected to take over the Berbera port with an investment worth $700 million...
LATEST NEWS HEADLINES
ALSO IN THE NEWS
Appeal For Urgent Humanitarian Assistance and Livelihood Support For Humanitarian Crises Prevention in SomalilandHargeisa, 6 February 2010 (Somalilandpress) – Predictions were made that food security and nutrition situation may worsen in most parts of Somaliland by Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) of FAO in its early warning briefs .
Some of the reasons cited included:
i. Poor “deyr” rains that preceded by dry “Hagaa” season which negatively affected pastural [...]
MORE STORIES
Djibouti, Somalia urge enforcing sanctions on Eritrea.THE WOW FACTOR
Send us your opinions and views.DOWNLOAD SOMALI MUSIC
Somalioz - Download Somali MusicMORE NEWS HEADLINES
Daily Popular
Shamo Hotel Blast
KENYA: Warming up to Somaliland
Walee Geeska wa rageedi wa kuwas kaga kaaney caano odayashi mesha iska fadhiyeey ee dowlad isku sheega aha. Keep exposing them Geeska, sidas ba la rabaa. As usual when these thugs get exposed they dont know how to stop their illegal activies and shameless they only know how to crack down the media and abuse reporters.
Mr Mooge who do you plan to go after today?
Ogaada arrinta uu Warkeysku qoray inay run tahay, inkastoo Ina Caddaani uu ku sheegay war khaldan, yidhina Caawimada Shacabka loo soo sido yaan la carqaladaynin. Tolaa'i, ma waxa caawimo u noqotay Ummadda Somaliland $ 46,000 kun oo Dollar?
Waa ayaandarro, haddii Dawladdii la doortay ay intaas caawimo u haysato, welibana ka aqbalayso Masaarida [Egyptians]. These 40,000 will end up somewhere we all know.
Shicibyahow, ogaada halka ay arrintu taagan tahay, wax kale garanmaayo aniguye.
Boqoljireh
NInkani horta horbuu u yahey inuu wadankiisa difaaco lagulana yaabi baayo. Waxase iga yaabiyey Ma sumcada dowladiisa uga soo hoyatey masaakiin socotaha oo nidaamkiisa lagu hoos googooyey sumcada kaga xumaan weydey yaraa id Adeerkaaga xumaan meysto.
Waxaan halkan uga cadeynayaa Somaliland Dowladeeda inaanan marnaba ilaawi doonin Safarkii lagugu hoos xasuuqey ee tidhaahdeen maxaa naga galey. Waxanan hubaa iney Somaliland guuldaro iyo dhabarjab ku keenidoonto.